Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Espoo

Koulutus Espoossa

Waxbarashada Espoo gudeheeda

Aqoon guud oo ku saabsan nidaamka waxbarashada ee Finland waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Waxbarashada .

Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Waxbarashada waxaa ku qoran warar ku saabsan xannaano maalmeedka carruurta, haynta carruurta ee ku meelgaarka ah, waxbarashada aasaasiga ah iyo waxbarashada heerka labaad iyo weliba sida deegaanka magaalomadaxada looga dalbado waxbarasho.

Xannaano maalmeed

Aqoon guud oo ku saabsan nidaamka xannaano maalmeedka ee Finland waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Carruurta iyo dhallinyarada .

Espoo waxaa ka jira xannaano maalmeedyo magaaladu leedahay iyo kuwo barayfit ah. Magaalada waxaa ku yaalla xannaano maalmeedyo af Finnish ah iyo kuwo af Iswiidhish ah, waxaa kaloo ku yaalla xannaano maalmeed af Ingiriis iyo af Faransiis ah. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xannaano maalmeedyada Espoo ku yaalla ee aan af Finnishka ahayn, oo ku qoran af Finnish .

Boggaga internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ah af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan xannaano maalmeedka Espoo.

Codsiga ah luuqadda Finnishka ama luuqadda Iswiidhishka oo lagu dalbanayo xannaano maalmeedyada dowladu leedahay, waxaa lagu diri karaa boggaga internetka ee magaalada. Waxaa kaloo boggaga internetka ku jira codsi luuqadda Ingiriiska ah, joo aad geynayso xannaanada aad booska ka dalbanayso. Sidoo kale codsiga waxaa la geyn karaa xarunta adeegga ee xannaano maalmeedyada xaafadaas. Meelaha lagala xiriiro xarumaha adeegga ee xannaan maalmeedyada xaafadaha oo af Finnish ah. Booska xannaano maalmeedka ee xannaanada barayfitka ah waxaa toos looga dalbadaa xannaanada booska laga rabo. Xannaano maalmeedka barayfitka ah ee Espoo oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish .

Waxbarashada hore

Bangiga wararka boggiisa waxbarashada aasaasiga ah waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan waxbrashada hore ee Finland gudeheeda.

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo waxaad kaheleysaa warar ku qoran af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan waxbarashada hore ee Espoo gudeheeda. Boggaga waxaad kaloo ka heleysaa codsiga lagu codsado waxbarashada hore ee lacag la’aanta ah, codsigu wuxuu ku qoran yahay luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka .

Espoo gudeheeda ardayda asalkoodu ka soo jeedo dadka waddanka u soo guurey waxaa loo qabanqaabiyaa waxbarasho diyaarin ah si ay ula qabsan karaan waxbarashada aasaasiga ah, waxaa kaloo loo qabanqaabiyaa waxbarasho taageero ah, waxbarashada luuqadda Finnishka oo luuqadda labaad ah, waxbarasahda luuqadooda hooyo iyo waxbarashada luuqadaha kale ee ajnebiga ah ee ay hore u soo barteen si aanay u hilmaamin, waxaa kaloo loo qabanqaabiyaa waxbarashada taageerada ah ee ardayda waddanka u soo guurtey loogu talagalay.

Waxabarashada diyaarinta ah ee carruurta ku jirta sannadka ka horeeya da’da iskuulka

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran warar af Finnish ah oo ku saabsan waxbarashada diyaarinta ee carruurta asalkoodu yahay dadka waddanka u soo guurey ee ku jirta sannadka ka horeeya da’da iskuulka. Magaalada boggeeda internetka waxaa kaloo ku jira qoraal soo bandhigaya waxbarashada diyaarinta ah ee loogu talagalay carruurta ku jirta da’da ka horaysa sannadka iskuulka. Qoraalku waa af Finnish , af Ingiriis , af Albaaniyaan , af Carabi , af Shiine , af Kurdi , af Soomaali , af Ruush iyo af Istooniyaan .

Marka waxbarashada hore ee caadiga ah la isa soo qorayo ayaa waxbarashada diyaarinta ahna la isa soo qoraa . Foomamka la isku soo qoro waxbarasahda diyaarinta ah ee lix jirada oo af Finnish ah waxaa laga helaa xannaanooyinka ama b oggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo .

Waxbarashada luuqadooda hooyo ee carruurta ku jirta sannadka ka horeeya da’da iskuulka

Waxbarashada bilaabanaysa xilliga dayrta waxaa la isa soo qoraa isla wakhtiga la isa soo qoro waxbarashada hore. Foomka la isku soo qoro oo af Finnish ah waxaa laga helaa xannaanooyinka ama b oggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo. Hadday luuqadda waxbarashadeeda soo dalbadaan caddad ku filan oo ah carruurta ku jirta sannadka ka horeeya da’da iskuulka, waxaa laysku dayaa in luuqadaas waxbarashadeeda la qabanqaabiyo.

Waxbarashada hore ee af Ingiriiska ah (Englanninkielinen esiopetus)

Waxbarashada hore ee af Finnishka ah iyo tan af Iswiidhishka ah mooyee waxaa kaloo Espoo ka jira xannaanooyin birifaati ah oo af Ingiriis ah, xannaanooyinkaas waxaa ka jira waxbarashada hore oo af Ingiriis ah. Bogga internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran liis ay ku qoran yihiin xannaanooyinka qabanqaabiya waxbarashada hore ee af Ingiriiska ah, waana af Ingiriis . Xannaanooyinka af Ingiriiska ah ee birifaatiga ah marka la codsanayo waxaa toos loola xiriiraan qofka xannaanada madaxda ka ah.

Waxbarashada aasaasiga ah ee carruurta 

Wararka ku saabsan waxbarashada aasaasiga ah ee Finland gudeheeda waxaad ka heleysaa Bangiga wararka qaybtiisa Waxbarashada aasaasiga ah .

Wararka ku saabsan dugsiyada hoose/dhexe ee Espoo oo ku qoran af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis waxaad ka heleysaa boggaga internetka ee magaalada Espoo.

Waxbarashada diyaarinta

Boggaga internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran warar af Finnish ah oo ku saabsan waxbarashada aasaasiga ah waxbarashadeeda diyaarinta ah. Isla boggaas waxaa ku qoran qoraallo lagaga waramayo waxbarashada diyaarinta ah. Qoraalladu waa af Finnish , af Ingiriis , af Albaaniyaan , af Carabi , af Shiine , af Kurdi , af Soomaali , af Ruush iyo af Istooniyaan .

Foomka lagu dalbado waxbarashada diyaarinta oo af Finnish ah. Foomka lagu dalbado waxbarashada diyaarinta waxaa la keenaa qaybta waxbarashada luuqadda Finnishka ah ama e-mail baa lagu soo diraa waxaa lagu soo hagaajiyaa cinwaanka astrid.kauber(at)espoo.fi. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa isla cinwaankaas e-mailka ama telefoon ahaan, tel. (09) 816 52024.

Waxbarashada taageerada ah

Waxbarasahda diyaarinta ah ka dib ardaygu hadduu u baahdo wuxuu heli karaa waxbarasho taageero ah oo lagu siinayo waxbarashada aasaasiga ah, isagoo ku jira koox yar ama fasalka caadiga ah . Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish ah oo ku saabsan waxbarasahda taageerada ah.

Waxbarashada luuqadda

Waxbarashada af Finnishka oo luuqadda labaad ah (Suomi toisena kielenä opetus )

Ardayga asalkiisu yahay dadka waddanka u soo guurey waxaa af Finnishka oo luuqadda labaad ah loo dhigaa, haddii aanu luuqadda Finnishka u aqoon siday u yaqaannaan ardayda af Finnishku uu u yahay luuqadooda hooyo. Bogga internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish ah .

Waxbarashada luuqadda hooyo (Oman äidinkielen opetus)

Carruurta asalkoodu yahay dadka waddanka u soo guurey, carruurta ku dhalatay Finland ee asalkoodu yahay dadka waddanka u soo guurey, qoysaska labada luuqadood ku hadla carruurtooda (labada luuqadood midi waa inay ahataa luuqad kale oo aan ahayn Finnish ama Iswiidhish) , ardayda asalkoodu Finnishka yahay ee waddanka dib ugu soo guurey iyo carruurta waddanka dibediisa adhabshan looga keensaday waxay heli karaan waxbarashada luuqadooda hooyo ama waxbarashada luuqad uu ilmuhu waddanka dibediisa ku soo bartay. Waxbarashadu waa laba saacadood todobaadkiiba. Waxbarashada waxaa lagu dalbadaa foom af Finnish ah oo ku jira boggaga internetka ee magaalada. Sida caadiga ah boosto ahaan baa radayga loogu soo sheegaa inuu waxbarashadaas helay iyo in kale. Waxbarashada waxaa la dhigaa haddii caddadkii ardayda ee loo baahan yahay soo dalbadaan waxbarashada . Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish  ah.

Bogga shebekadda internetka ee luuqadda guriga ee Espoo macallimiinteeda luuqadda hooyowaxaa ku qoran waxyaabo la xiriira dadka waddanka u soo guurey waxbarashada luuqadooda hooyo, waxyaabahaasi waxay ku qoran yihiin af Finnish iyo luuqado kale oo kala duduwan. Bogga luuqadda guriga ( Kotikieli-sivu) oo ah af Finnish , af Albaaniyaan , af Carabi , af Isbeyn , af Ingiriis ) , af Farsi , af Khemeri , af Shiine , af kurdi , af Jabaan , af Soomaali , af Ruush , af Fiitnaam iyo af Istooniyaan .Sidoo kale Espoo waxaa lagu dhigaa waxbarashada luuqadda hooyo oo ah luuqado kale.

Waxbarashada luuqadda Finnishka ee dhallinyarada ah dadka waddanka u soo guurey

Kooxda dhallinyarada ee dadka waddanka u soo guurey ah ee loo yaqaan magaca ah kooxda NUMA-ryhmä waxaa loogu talagalay dhallinyarada Espoo deggan ee wax yar waddanka joogey ee da’doodu tahay 15−25 sano ee intaanay waxbarashada la sii wadanayo ama nolosha shaqada u gudbin ka hor u baahan waxbarashada luuqadda Finnishka.

Waxbarashada aasaasiga ah oo luuqad ajnebi ah ee Espoo ka jirta (Vieraskielinen perusopetus Espoossa)

Waxbarasahda af Finnishka iyo af Iswiidhishka ah mooyee Espoo waxaa kaloo ka jira waxbarasho aasaasi ah oo af Ingiriis ah. Bogga shebekadda internetka ee magaalada Espoo waxaa ku jira warar ku qoran af Finnish iyo af Ingiriis oo ku saabsan waxbarashada af Ingiriiska ah. Warar ah af Finnish oo ku saabsan waxbarashada ah labo luuqadood oo ah af Finnish-af Ingiriis, oo loogu talagalay dadka luuqadooda hooyo tahay af Finnish.

Boggaga internetka ee magaalada ayaad iyagoo af Finnish iyo af Ingiriis ah ka heleysaa faahfaahimo dheeraad ah oo ku saabsan waxbarashada loogu talagalay dadka ka soo jeeda luqadaha iyo dhaqamada kale.

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran warar af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah oo ku saabsan waxbarashada iyo iskuullada Espoo gudeheeda. Boggaga waxaa kaloo ku qoran Tilmaansiiyayaasha waxbarashada oo ka sheekaynaya waxbarashooyinka ka jira Espoo.

Waxqabadka subaxdii iyo gelinka dambe ee loogu talagalay iskuuleyda

(Koululaisten aamu- ja iltapäivätoiminta)

Espoo waxqabadka gelinka dambe ee iskuuleyda loogu talagalay waxaa ugu horayn la siiyaa ardayda dhigata fasallada 1aad iyo kuwa ka sii waaweyn ee u baahan taageerada khaaska ah. Iyadoo la fiirinayo siday suuragal u tahay ayey meelaha uu ka jiro waxqabadka gelinka dambe qaarkood waxay boosas siin karaan ardayda dhigata fasallada 2aad. 

Waxqabadka gelinka dambe Espoo waxaa qabanqaabiya ganacsadayaal birifaati ah, ururo iyo beelo (yhteisöt). Waxqabadka gelinka dambe ee iskuuleyda loogu talagalay ee Espoo laga qabanqaabiyaa sida caadiga ah waa af Finnish iyo af Iswiidhish. Waxaa kaloo la qabanqaabiyaa waxqabadgelinka dambe ah oo af Ingiriis ah.

Boggaga internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish oo ku saabsan waxqabadka gelinka dambe ee loogu talagalay iskuuleyda.

Naadiga gelinka dambe ee af Ingiriiska ah ee ka jira iskuulka Komeeta (Komeetan koulun englanninkielinen iltapäiväkerho):

HSIS Iltapäivätoiminta Oy/Henna Soininen-Stojanov
Tel.
040-561 1015
henna.stojanov(at)hsis.fi
Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish ah.

waxqabadka gelinka dambe ah ee laba luuqadoodka ah (Ingiriis-Finnish) ee ka jira iskuulka Tähtiniitty:
Kissankulman Muksut Oy/Cuck Club /Päivi Merkkiniemi

Tel. 0400-505 854,
paivi.merkkiniemi(at)doro.fi

Dadka qaangaarka ah ee dhigta waxbarashada dugsiga hoose /dhexe

Dugsiga sare ee dadka waaweyn ee Espoo waxaa lagu dhigan karaa waxbarasahda lagu qaato shahaadada dugsiga hoose /dhexe, waxaa kor ugu sii qaadi kartaa buundooyinka kuugu qoran shahaadada dugsiga hoose /dhexe ama waxaad ku qaadan kartaa maadooyin keli keli ah. Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish ah oo ku saabsan dugsiga sare ee dadka waaweyn ee Espoo.

Dugsiga sare

Warar ku saabsan waxbarasahda dugsiga sare ee Espoo gudeheeda oo af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah.

Shahaadada IB ee caalamiga ah (Kansainvälisen IB-tutkinto) waxbarashadeeda waxaa laga dhigan karaa Espoo iskuulka luuqadda Iswiidhishka ee Mattlidens gymnasiumissa iyo Dugsiga Sare ee Koonfurta Tapiola (Etelä-Tapiolan lukio) . Waxaa kaloo Espoo ku yaalla Espoo International Upper Secondary School .

Waxbarashada xirfadaha ee heerka labaad

Macadka xirfadaha ee Omnia (Omnian ammattiopisto ) waxaa lagu bartaa waxbarashada cilmiga dhaqaalaha iyo ganacsiga (liiketalouden ja kaupan ala), cilmiga dalxiiska, nafaqada iyo cuntada (matkailu-, ravitsemus- ja talousala), cilmiga sooshalka iyo daryeelka caafimaadka (sosiaali- ja terveysala) iyo cilmiga farsamada (tekniikka) iyo dhaqanka (kulttuuri). Waxaa kaloo Espoo ku yaalla macad barayfit ah oo xirfad lagu barto Iskuulka farsamada saacadaha (Kelloseppäkoulu ).

Goobta shaqada ee Macadka waxbarashada xirfadaha iyo xarunta horumarinta ee Aasaasiyadda Naafadda ee Arla (Invalidisäätiön Arlan toimipaikka) waxay ku taalla a Espoo xaafadda Leppävaara. Arla waxaa laga helaa noocyo badan oo dhaqancelin xirfadeed ah iyo waxbarasho, waxaa kaloo laga helaa adeegyada aqoonyahannada ee gaar ahaan ku takhasusay arrimaha dadka aragoodu daciifka yahay, dadka indhaha la’ iyo dadka aan waxna arkin waxna maqlin.

Macadka Omnia wuxuu qabanqaabiyaa waxbarasho diyaarin ah oo loogu talagalay in dadka waddanka u soo guurey loogu diyaariyo waxbarashada xirfadaha. Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish waxaad ka heleysaa tilmaansiiyaha waxbarsahda ee ku qoran boggaga internetka ee magaalada Espoo.

Waxbarashada dadka waaweyn meelaha qabanqaabiya waxaa ka mid ah dugsiga sare ee dadka waaweyn ee Espoo, macadka waxbarashada dadka waaweyn ee Espoo iyo macadka dadka waaweyn ee Omnia.

Caawimo sidii xirfad loo dooran lahaa

Hagitaanka ah Heerka kala wareegga waxaa loogu talagalay dhallinyarada Espoo deggan. Hawlwadeen nada heerka kala wareeggau (Nivelvaiheen ohjaajat) waxay qofka dhallinyarada ah siiyaa taageero u gaar ah iyo hagitaan, markuu qofka dhallinyarada ahi joojinayo ama joojiyo waxbarashada heerka labaad, ama markuu rabo inu wax ka ogaado waxbarashada heerka labaad ama uu rabo inuu ogaado waxyaabaha waxbarashada ah ee suuragalka ah ee ka baxsan codsiga guud (yhteishaku).

Bangiga wararka boggiisa Caawimo sidii xirfad loo dooran lahaa waxaa ku qoran warar ku saabsan xirfad doorshada.