Omaishoidon tuki
Finland xubnaha qoyska laftoodu taageero muhiim ah iyo caawimo ayey u yihiin waayeelka. Degmadu waxay taageeri kartaa daryeelka ehelka oo waxay bixin kartaa lacag daryeelka ah (mushahar). Degmadu waxay kaloo qabanqaabin kartaa adeegyo arrimaha bulshada iyo caafimaadka ah oo kala duduwan, oo sidaas bay ku taageeri kartaa daryeelka ehelka. Degmada iyo qofka wayelka daryeelaa waxay gelayaan heshiis ku saabsan taageerada daryeelka ehelka. Heshiiskaas waxaa la xiriira qorshe ah daryeelka iyo adeegga. Qofka daryeelaha ah wuxuu noqon karaa qof qoyska ka tirsan ama wuxuu noqon karaa qof kale. Lacagta daryeelka waa in canshuur laga bixiyaa.
Qofka daryeelaha ehelka ah wuxuu xaq u leeyahay inuu bishii helo ugu yaraan saddex maalmood oo fasax ah. Tani waxay khusaysaa bilaha ay shaqada daryeelku tahay mid qofka si aad ah isaga ugu xiran. Wakhtiyadaas fasaxa ah degmada ayaa qofka la hayo u qabanqaabisa daryeel.
Ururka daryeelka ehelka iyo kuwa u dhow (Omaishoitajat ja Läheiset -Liitto ry) iyo wasaaradda arrimaha bulshada iyo caafimaadka boggagooda waxaa ku qoran warar ku saabsan taageerada daryeelka ehelka. Xafiiska arrimaha bulshada (sooshalka) ee degmadaada weydii, inaad xaq u leedahay taageerada daryeelka ehelka (omaishoidon tuki).