Avioliitto ja parisuhde
Waxaa guursan kara qof walba oo
- ay u buuxsantay 18 sano
- aanay qof kale isqabin ama aan lahayn nooca xiriirka ee labada qof ee isdiwaangashaday.
Waxaase jirta in qofka sideed iyo toban sano ka yari guursan karo, haddii uu wasaaradda caddaaladda ogolaansho ka haysto.
Faahfaahin dheeraad ah oo guurka ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga Wasaaradda caddaaladda (Oikeusministeriö).
Haddii aad rabto, nikaaxa ka hor ayaad samayn kartaa heshiishka shuruudaha isguursashada ama inta aad isqabtaan. Tusaale ahaan waxaad ku heshiinaysaan, in markaad isguursataan ka dib midkiinna aanu xaq ku yeelanayn hantida kan kale.
Tusaale ah heshiiska shuruudaha isguursashada. Bogagga xafiiska diiwaangelinta waxaa laga helaa macluumaad ku saabsan heshiiska shuraadaha guurka oo finnish ah.
Warar ku saabsan markuu qofka ajnebiga ahi wax nikaaxsanayo ama la nikaaxinayo waxaad heleysaa iyagoo ku qoran luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Finland laba nin ama laba naagood waa is diiwaangashadaan sidii wax isqaba. Faahfaahin dheeraad ah oo arrintan ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga wasaaradda caddaaladda.
Warar ku saabsan sida ay laba qof oo ajnebiga ah xiriirkooda sharci ahaan u diwaangelinayaan, oo ku qoran luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidhish