Asumisoikeusasunto
"Shimbirtuba markay buulkeeda dhisanayso hal caws bay ku bilowdaa."
(Maahmaah Tansaniyaan ah)
Guriga uu qofku yeelanayo xuquuqda degenaanshihiisa waxay kaa maaransiinaysaa inaad guriga gadatid. Marka hore waxaad bixinaysaa qiimaha guriga 15% waxaad kaloo bixinaysaa kharash ah isticimaalidda guriga, kaas oo ah lacagta ijaarka guriga. Guriga uu qofklu yeelanayo xuquqda degenaanshihiisa toos looma helo ee waa in saf loo galaa. Waana xal nabadgelyo leh sababtoo ah guriga waxaad deggenaan kartaa ilaa intaad adigu rabto. Gurigana waad iska beddeli kartaa.
Boggaga Asuminen.fi waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan sida aad ku heli karto guri aad leedahay xuquuqda degenaanshihiisa.