Yhdistyksen rekisteröinti
Khasab ma aha in ururka la diwaangeliyo. Xagga fulinta iyo qabanqaabinta hawlaha waxaa inta badan wanaagsan in ururka la diwaangeliyo, sababtoo ah:
- Ururka la diwaangeliyey hawlihiisa waxaa masuul ka ah guddiga, dadka xubnaha ka ahi shakhsi ahaan masuul ugama aha
- Ururka la diwaangeliyey waa urur sharciyaysan oo mashruucyadiisa dartood maalgelin u codsan kara, awoodana inuu helo kaalmooyin
- Ururka koonto (akawnti) ayaa bangiga looga furi karaa
- Wuxuu heli karaa ogolaansho uu lacag dadka kaga soo ururisado
- Ururku wuxuu dalban karaa meelo uu ku shiro oo lacag la’aan ah ama raqiis ah
- Dadku waxay inta badan aamminaan ururka la diwaangeliyey, dad badan ayaana ku soo biiraya ururku markuu yahay mid la diwaangeliyey
- Waxaa fududaanaysa in wadashaqayn lala yeesho heshiisyana lala galo ururada kale iyo shaqaalaha maamulka dowladda
Yhdistystoimintaopas -> ”Rekisteröity vai rekisteröimätön”.
Patentti- ja rekisterihallituksen yhdistysrekisteriasiainyksikkö wuxuu qaabilsan yahay arrimaha ururada, waxayna ururada siiyaan talooyin.
Foomam ah tusaale xeerarka ah
Yhdistystoimintaopas -> ”Rekisteröinti”.
Yhdistyksen rekisteröinti maksaa. Wararka ku saabsan qiimaha (Patentti- ja rekisterihallitus)
Patentti- ja rekisterihallitus
Yhdistysrekisteri
Arkadiankatu 6 A, Helsinki
PL 1150, 00101 Helsinki
Tel. 09- 6939 500
Faksi: 09- 6939 527