Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Diinta

Uskonto

Finland waxaa ka jira madaxbannaani xagga diinta ah. Qof waliba diintuu doonuu haysan karaa oo ku dhaqmi karaa, diintiisana inuu sheegto xaq buu u leeyahay. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay, inuu uru diimeed ka tirsanaado ama aanu ka tirsanaan. Qofnabana ma aha inuu waxyaabaha diinta ku lug leh ka qaybqaato, haddii damiirkiisu aanu u ogolayn. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sharciga madaxbannaanida diinta waxaad ka heleysaa boggaga wasaaradda waxbarashada (opetusministeriö).

Dadka Finnishka ah intooda badan waa kiristaan waxayna ka tirsan yihiin kaniisadda Evankelisluteriyaanka (82 %) ama kaniisadda Ortodoksika (1 %). Labadan nooc ee kaniisadaha ah macno weyn bay ku leeyihiin taariikhda iyo dhaqanka Finland. Sidaas darteed waddanka waxay leeyihiin jago gaar ah oo sharciga ku salaysan.

Ururada diimaha ee ugu waaweyni waa Jehova witness (Jehovan todistajat), kaniisadda Suomen Vapaakirkko, kaniisadda Suomen Adventtikirkko, kaniisadda Mormonka iyo kaniisadda Katoliga. Waxaa kaloo jira diimo kale oo badan oo waxqabadkoodu Finland ka jiro.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan jagada ay Finland kaga jiraan kaniisadaha Luteryaanka iyo Ortodokisku iyo ururada diinta iyo sida ururada diinta loo diwaangeliyo waxaad ka heleysaa boggaga wasaaradda waxbarashada.

Meelo kale oo internetka kugu xiraya oo aad ka heleyso arrimaha diimaha ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga Diimaha Finland dhexdeeda (Uskonnot Suomessa) iyo boggaga Rasmus-verkosto.