Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Dhimashada

Kuolema

Haddii qof ku dhinti meel ka baxsan cusbitaalka islamarkii ogeysii arrinta booliska ama dhaqtarka. Sababtoo ah iyagaa u xilsaaran in la baaro sababta dhimashada, haddii loo baahdo. Xasuuso inaad dhimashada u sheegtid shaqaalaha maamulka ee muhiimka ah.

Markuu dhakhtarku ogaado, waxa keenay dhimashada qofka, ka dib ayuu qoraa caddaynta dhimashada (kuolintodistus). Caddaynta dhimashada waa loo baahan yahay si qofka loo aasi karo. Ka dib markuu dhakhtarku qoro caddaynta dhimashada ayuu xafiiska diiwaangelintu (Väestörekisteri) ama kaniisaddu (seurakunta) bixiyaan ogolaanshaha qofka lagu aasi karo.

Boggaga Kelada waxaa ku qoran liis ah arrimaha ay tahay inaad xasuusato,markuuu qof ehel ahi dhinto.

Duugidda (aasidda)

Qabanqaabinta duugidda waxaad caawimo ka heli kartaa ururada diimaha. Faahfaahin dheeraad ah weydii bulshadaada. Xafiisyada duugidda waxaa laga helaa adeegyo waase lacag.

Suomen Hautaustoimistojen Liitto
Pro-Seremoniat

Qabuurta

Dhulka qabuuraha ee Finland intiisa badan waxaa iska leh kaniisadda, laakiin qabri waad heli kartaa inkastoo aadan ka tirsaneyn kaniisadda efangeliluuteriga. Meelaha dadka lagu aaso waa lacag waxaadna su’aali kartaa kaniisadaha. Haddii qofku uusan ka tirsaneyn kaniisadda isla markaasna uusan dooneyn in aas diimeed loo sameeyo, looma sameynayo. Meydka sanduuq ayaa lagu aasayaa ama waa la gubayaa oo dambas ayaa laga dhigayaa. Deegaano badan waxaa laga helaa meelo dadka lagu aaso oo ay leeyihiin diimaha kale dadka aaminsan. Tusaale ahaan magaalooyinka waa weyn waxaa laga helaa meelo lagu aaso dadka aaminsan ortodoksiga, islaamka iyo yuhuudda. Deegaano badan ayaa sidoo kale laga helaa meelo lagu aaso dadka aan wax diin ah heysan. Dambasta meydka waxaa lagu shubi karaa bii’ada ama biyaha haddii dhulkaas dadka iska leh ay ogolaadaan.

Caawimada duugidda

Mararka qaar qofka dhintay wuxuu xaq u yeelan karaa caawimo duugidda ah, shaqadiisa darteed. Arrintan ka warayso shaqabixiyihii ugu dambeeyey. Qofka dhintay ee aan hantida lahayn, kharashka duugiddiisa ku baxa waxaa caawimo laga dalban karaa xafiiska adeegga arrimaha bulshada ee degmadiisa.

Hawlgabka qoyska

Hawlgabka qoyska (perhe-eläke) waxaa la siin karaan dhimashadiisa ka dib qofka laga dhintay iyo carruurtiisa. Hawlgabka qoyska waxaa looga dan leeyahay in lagu sugo nolosha qofka laga dhintay iyo carruurta. Finland waxaa ka jira laba nooc oo hawlgabka qoyska ah, hawlgabka qoyska ee Kelada iyo hawlgabka qoyska ee shaqada. Haddii qofka dhintay uu ka shaqeynayay ama shirkad ku lahaa Finland, qofka laga dhintay iyo carruurtuba wey heli karaan hawlgabka qoyska ee shaqada. Labada hawlgab ee qoyska waxaad ka codsan kartaa Kelada.

Haddii qofka dhintay uu mudo dheer deganaa ama ka shaqeynayay dal kale ka hor intii uusan u soo guurin Finland, qofka laga dhintay iyo carruurtuba waxay xaq ugu yeelan karaan dalkaas hawlgabka qoyska.

Qoraalka dhaxalka

Qoraalka dhaxalka waa in lagu sameeyaa markuu qofku dhinto saddex bilood gudohood. taas darteedna waxaa loo baahan yahay caddayn xaqiiq ah ooo muujinaysa wax u ahaansha qaraabanimo ee qofka dhintay dhalashadiiisa ilaa dhimashadiisa. Dadka dhaxalka wax ku leh ee qofka dhintay hantidiisa dhaxlaya, waxaa laga rabaa warqadda sugnaanta. Dhaxalka waxaa laga bixiyaa canshuur. Sidaa darteed waa in qoraalka dhaxalka marka la sameeyo bil gudeheed lagu geeyaa xafiiska canshuuraha. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga hay'adda caddaaladda (oikeuslaitos) iyo maamulka canshuuraha (verohallinto).

Meelaha kugu xiraya:

Sharciga shaqooyinka aasidda
Meelaha lagala xiriiro kaniisadda Luteriaanka
Sida ay diinta Islaamku qabto in Finland loogu daryeelo qbukaanka dhimanay iyo sida ay tahay in la yeelo qofka dhintay