Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Dhibaatooyinka qoyska

Perheongelmat

"Waxaan xal ku heli karnaa oo keliya, inagoo wadahadalna oo fikradaha isdhaafsanna. Gooni u go’iddu xannuunka uun bay kordhisaa."
(Maahmaah Nayjeeriyaan ah)

Markay dhibaatooyinka qoysku jiraan waxaad talo weydiisan kartaa qofka shaqaalaha arrimaha bulshada ee xaafadda. Isaga la xiriir, haddii qoyskaagu u baahan yahay caawimo dhaqaale, xannaano maalmeedka carruurta, caawimo hawlaha guriga ah, hawlaha carruurta xilliyada fasaxa, markay dhibaato adiga iyo qofkaad isqabtaan ama qoyska dhexdiisa ay dhibaato ka jirto oo aad xal u baahan tihiin, xarunta latalinta qoyska ayaad caawimo weydiisan kartaa arrimaha la xiriira barbaarinta carruurta.

Markay labada qof ee isqaba dhibaato ka dhextaagan tahay waxay caawimo ka heli karaan xarunta latalinta qoyska iyo dhexdhexaadiyayaalka arrimaha qoysaska, bolikiliniga saykaateriga, Kaniisadda xarunteeda talasiinta arrimaha qoysaska iyo Ururka caafimaadka maskaxda ee Finland xarunteeda terabiga qoska.

Dagaalka qoyska dhexdiisa

Dagaalka qoyska dhexdiisa ahi waa dembi. Dagaalku wuxuu noqn karaa mid jir ahaaneed ama nafsad ahaaneed. Dagaalkan intiisa badan waxaa lagu sameeyaa dumarka, laakiin waayeelka, carruurta iyo raggaba way dhici kartaa in lagu sameeyo. Dagaalku haddii uu ka dhaco meel aan bablik ahayn xitaa waa dembi, dacwo ayaana qofka geystey lagu oogi karaa. La xiriir tusaale ahaan booliska (poliisi), shaqaalaha maamulka arrimaha bulshada, heeganka dadka dhibanayaasha ah ee dembiga lagu sameeyey (rikosuhripäivystys) ama guriga badbaadada (turvakoti).

Dumarka iyo gabdhaha dagaalka la kulmay waxay soo wici karaan Laynka Dumarka (Naisten Linja), kaas oo dadka ugu adeegga luuqadahan soo socda:

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis

Ururka Dumarka ee Monika (Monika-naiset Liitto ry) wuxuu caawiyaa dumarka iyo carruurta asalkoodu yahay dadka waddanka u soo guurey ee dhibaatooyinka dagaalka lagu sameeyo la kulma. Monika waxaa ku caawinaya dad kugula hadlaya luuqadaha Carabiga, Dariga, Ingiriiska, Isbeynka, Farsiga, Hindiga, Talyaaniga, Kurdiga, Bortiqiiska, Faransiiska, Roomaaniyaanka, Iswiidhishka, Jarmalka, Soomaaliga, Finnishka, Tagaloga, Thaiga, Turkiga, Ruushka, Fiitnaamka iyo Istooniyaanka.

Lambarka telefoonka ee Monika ee waddanka oo dhan (Isniin-Axad 24 saac), tel. 09-692 2304

Qoraallada ka sheekaynaya adeegyada Monika:

Finnish
Ingiriis
Isbeyn
Farsi
Faransiis
Soomaali
Tagalog
Thai
Istooniyaan
Ruush

Mashruuca Ururka xuquuqul insaanka ee Kitke wuxuu isku dayaa in uu ka hortago dagaal-sharafeedka iyo siis socoshadiisa. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaal-sharafeedka iyo mashruuca Kitke waxaad ku heleysaa finnish, ingiriis iyo turki.

Telefoonka heeganka ee Ururka xuquuqul inshaanku wuxuu ku adeegaa finnish, ingiriis, turki, tataari, kurdi, dari iyo faarsi 040 760 0323, saacadda isniin-Jimco 9- 15. 

Boggaga guriga badbaadada waxaad ka heleysaa meelaha uu qofka dagaalka geystaa caawimo ka helayo. Laynka dilid la’aantu (Lyömätön linja) wuxuu caawiyaa nimanka raba inay dilliinka iska dhaafaan.

Marxaladaha dagaalka ah

Furriinka