Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Turku

Hawlaha dhaqanka ee Turku gudeheeda ka jira (kulttuuri)

Adeegyo noocma ah ayey laybareeriyada qabtaan?

Laybareeriyada waa meelo ay ku kulmaan buugaagta, dhaqanka iyo dadka. Laybareeriga weyn ee magaalada Turku waxaa ka farcama laybareeriyo yar yar oo xaafado kala tuwan oo magaalada ka mid ah ku yaalla, laybareeriga weyna wuxuu ku yaalla senterka magaalada. Intaa waxa dheer oo magaalada ku wareega laybareeriyada baabuurta ah.

Waxyaabaha laybareeriyada gudohooda lagu sameyn karo waxaa ka mid ah:

- In aqoon laga helo bulshada finishka ah iyo wadanka Finland
- la akhristo joornaalada iyo buugaagta ku qoran af finishka iyo afafka kale ee qalaad.
- la isticmaalo kumpiyuutarada iyo internetka
- laga qeyb qaato dhacdooyinka kala duwan iyo casharrada

- qof walba oo heysta kaarka laybareeriga, wuxuu si lacag la`aan ah gurigiisa ugu deysan/amaahan karaa buugaag, cajalado iyo qalab kale.

 

Waxaa sidoo kale laybareeriga ka jira adeegyo khaas ah oo dal usoo guurayaasha loo qoondeeyay, kuwaas oo ku baxa afafka qalaad.

Wax ka amaahashada laybareeriga iyo kaarka laybareeriga

Amaahashada waxaa shardi u ah oo loo baahan yahay kaar laybareeri.

Kaarka waxaa lagu sameysan karaa iyadoo la dhiibanayo aqoonsi uu laybareerigu ictiraafsan yahay, kaasoo uu ka muuqdo/ku yaallo masawir iyo xarfaha aqoonsiga ah. Qofka macmiilka waa inuu cinwaan/adarees ku leeyahay Finland gudeheeda. Kaarka waxaa qaadan kara ilmaha buuxiyay shan (5) sano. Wixii ka yar 15 jir cida ka masuulka ah waxaa looga baahan yahay qoraal ogolaansho ah iyo macluumaadka shakhsiyadeed.

Kaarka laybareeriga ee u horeeya waa bilaash. Markuu kaarku lumo ama jabo, kan cusub oo la sameysanayo waa lacag.

Amaahashadu waa bilaash. Hadii buugii la amaahday uu wakhtigii loo qabtay kasoo dib dhoco waa in la baxsho kharashka daahidda. Qofka iska leh kaarka laybareeriga ayaa ka masuul ah wixii kaarkiisa lagu amaahdo. Ilmaha 15 jir ka yar kaarkiisa wixii lagu amaahdo waxaa ka masuul ah masuulkiisa/waalidkiisa

Kaarku markuu lumo waa in si dhakhso lah loogu soo sheegaa laybareeriga. Wargalinta waxaa lasiin karaa laybareeri walba oo Vaski (koonfur galbeed) ku yaalla.  Qofka leh kaarka kama masuul ahan wixii lagu amaahdo kaarkiisa, haddii uu laybareeriga usoo sheegay inuu kaarka ka lumay. Kaarka lumay lama isticmaali karo.

Macluumaadka ku saabsan laybareeriyada oo dhan waxaa helayaa bogga internetka ee laybareeriga: Turun kaupunginkirjasto sidoo kale adeegyada loo qoondeeyay dal usoo guurayaasha waxa laga helayaa bogga internetka ee monikulttuurinen kirjasto -sivuilta

Sidee ayaa Turku gudeheeda dhaqan looga xiiseyn karaa?

Turku gudeheeda waxaa lagu qabtaa xaflado badan oo kala jaad ah, bandhigyo tiyaatar, koorasyo farshaxan iyo dhaqan kale. Waxaa qabanqaabiya hay`adaha farshaxanada ee magaalada/dagmada Turku leedahay iyo hay`adaha kale ee farshaxanada iyo jaaliyadaha.

Xaggee laga helaa macluumaadka dhaqamada iyo dhacdooyinka Turku ka dhacaya?

  • Bogga internetka ee magaalada/dagmada
  • Jadwalka dhacdooyinka

Halkee ayey dal usoo guurayaashu ku arki karaan/baran karaan dhaqanka finishka?

Jaaliyado badan iyo xarunta arrimaha dhaqanka ee dagmada/magaalada Turku ayaa u haya dal usoo guurayaasha fursado badan oo ay ku arki/baran karaan bulshada finishka iyo qaab nololeedkeeda iyo sidoo kale farshaxanka iyo taariikhda finishka.

Boga internetka ee Suomi tutuksi ayaa lagu uruurshaa dhacdooyinka iyo bandhigyada ka jira magaalada ee markaas ka saacidaya qofka dal usoo guuraha ah la qabsiga wadanka. Boga waxaa kale oo laga helaa hage/tilmaame loogu magac daray Maan tapa-opas, kaasoo lagu uruurshay cilmi ku saabsan dhaqanka, taariikhda, hab nololeedkii soo jireenka ahaa, xeerarka bulshada iyo shaqooyinka iyo sidoo kale sharciyada Finland. Waxaa lagu daabacay qaab elegtoroonig ah iyo isagoo buug ah oo markaas ku qoran afafka finishka, ingiriiska iyo ruushka. Bogaas waxaad ka heleysaa cinwaanka:  www.turku.fi/monikulttuurisuus/Suomi tutuksi

Taariikhda Finland, farshaxanka iyo bulshadaba waxaad ku dhex ka gali kartaa adigoo u daawasho tagay museum dhowr ah oo ay Turku leedahay. 

Museumyada Turku ku yaalla waxaa ka mid ah:

  • Dhisme madexeedka qadiimiga ah ee Turku (Turun linna)
  • Museumka farsamada gacanta ee LuostariNmäki (Luostarinmäen Käsityöläismuseo)
  • Museumka farmasiga iyo aqalka Qwensel (Apteekkimuseo ja Qwenselintalo)
  • Kuralan kylämäki
  • Museumka bayolojiga (Biologinen museo)
  • Museumka Wäinö Aaltonen (Wäinö Aaltosen museo),  kaasoo laga helo bandhig masawirro oo heer sare ah 

Bandhigyada kasokow waxaa kale oo museumyada lagu qabtaa dhacdooyin kala duwan.

Cinwaanada museumka, xilliyada ay furan yihiin iyo qiimaha tigidhada lagu galo, waxaa laga helayaa bogga museumyada ay internetka ku leeyihiin Turun museot

Waa noocma hawlaha dhaqamada kala jaadka ah ee ka jira xarunta dhaqamada?

  • Bandhigyo, siminaarro, casharro iyo dhacdooyin kale oo lagu horumarinayo is dhex galka iyo wada macaamalka dhaqamada kala duwan ee Turku gudeheeda ka jira.
  • Adeegyo dhaqan oo loo qoondeeyay dal usoo guurayaasha, kuwaas oo ka saacidaya la qabsiga waddanka iyo hufidda dhaqanka hooyo. 
  • Gudbinta macluumaadka/aqoonta dhaqamada kala duwa – Dal usoo guurayaasha in la baro dhaqanka iyo taariikhda Finland xagga finishkana la fahansiinayo dhaqamada dibadda iyo dal usoo guurayaasha wadamadooda ka turjumaya.

Macluumaad ku saabsan dhacdooyinka dhaqamada kala jaadka ah ee xiligaas socda  iyo adeeggooda waxaa laga helayaa www.turku.fi » turku.fi » Kulttuuri » Monikulttuurisuus

Liikunta

Reer Turku oo dhan waxaa u furan iney kusoo dhowaadaan oo ay xiiseeyaan dhaq dhaqaaq/jimicsi.  Turku gudeheeda waxaa ka jira adeegyo dhaq dhaqaaq/jimicsi oo aad u fara badan.

Xaggeen ka helayaa warbixinta ku saabsan adeegyada dhaqdhaqaaq/jimicsi?

Xagee lagu sameyn karaa dhaqdhaqaaq/jimicsi?

Magaalada Turku waxey gacanta ku heysaa oo ay maamushaa in ka badan 200 oo goobo jimcisi ah, kuwaasoo ciyaaro kala duwan lagu dheeli karo. Turku dhexdeeda waxaa ka jira hoolal jimcsi, hoolal dabaal,  hoolal leh garoon ciyaaraha baraf, garoomo ciyaareed, meelo lagu skeidgareeyo iwm.

Warbixin dheeri ah oo ku saabsan goobaha jimicsi oo af finish ku qoran: http://www.turku.fi/public/default.aspx?nodeid=8810&culture=fi-FI&contentlan=1
 Warbixin dheeri ah oo af ingiriis ku qoran:

http://www.turku.fi/public/default.aspx?nodeid=8810&culture=en-US&contentlan=2

Adeegyada jimicsi ee loogu tala galay reer Turku:

Dhaqdhaqaaqa jimcisiga carruurta ee ihmemaa, waxaa loogu tala galay ilmaha jira    1-12 sano . Dhacdooyinka Ihmemaa ayaa waxaa lagu kala qabtaa sagaal goobood oo kala duwan oo Turku gudeheeda ku kala yaalla maalmaha Axadaha ah. Ilmaha waa ay kasoo qeybgali karaan dhacdooyinka iyagoo qof weyn uu la socdo. Marka lagu gudo jiro dhaqdhaqaaqa jimcisiga carruurta ee ihmemaa, ilmuhu wey jimicsanayaan iyagoo markaas ciyaaraya. Ihmemaa waa bilaash.

Poweraction waa waxsoosaar jimicsi oo ku wajahan 13–19-jirrada reer Turku ah. Inta lagu dhex jiro wakhtiyada Poweraction, qofku si bilaash ah ayuu ku jimicsanayaa. Fiiri wakhtiyada la galo xiisada jimicsiga iyo waxa la ciyaaro:  power-lukkarista.

Paasapoorka Poweraction.net waxaa laga helaa macallinka jimicsiga, xarunta adeegga jimicsiga xafiiskeeda soo dhoweynta macaamiisha ee ku yaalla cirifka garoonka kubadda cagta ee Kupittaa ama goobta warbaahinta ee Nuortenturku iyo guriga hawlaha farshaxanka dhallinta ee Vimma.

Kooxda jimicsi ee Leidit liikkeellä (Dumarka jimicsiga ku hawlan) ,   Leidit liikkeellä waxaa lagu bartaa ciyaaro kala duwan iyadoo markaas la isku dhiirigalinayo in hore loo sii socdo. Marka hawshaas  lagu gudo jiro dumarka waaweyn ayaa si wadajir ah u jimicsanaya, tusaale ahaan iyagoo markaas boodboodaya, qoobkaciyaraya, kubadaha ciyaaraya ama fataatiirka kubadda culus ku shiishaya looxaanta la taxay. Hawshan waxaa la sameeyaa usbuucii maalin walba, iyadoo ciyaaraha la dheelayo iyo kooxahaba ay kala duwan yihiin. Xiisadaha qaarkood waxaa qabta hage dumar ah. Waxaa looga qeyb qaadan karaa iyadoo markaas lasoo iibsanayo kaarka Leidit liikkeellä, kaasoo si xor ah uu qofku uga qeyb gali karo jimicsiyada kooxaha kala duwan ka kala socda.

Koox jimicsiyeedka la yiraahdo Hikinen Tusina -liikuntaryhmä (dhididlayaal) , waa meel ay  30–65-jirradu ka billaabi karaan dhaqdhaqaaqyo jimicsi. Kooxdaa dhididlayaasha loogu magac daray waa koox uu qofku dad bilow ah la jimicsan karo.  Waxaa looga qeyb qaadan karaa iyadoo markaas uu shakhsigu iibsanayo kaarka jimcisi ee Hikinen tusinä, kaasoo markuu qofku isticmaalayo uu si xor ah uga wada qeyb qaadan karo kooxaha jimicsi ee meeshaasm ka jira oo dhan.

Dumarka miisaanka culus waxaa loo hayaa kooras jimicsi oo la yiraahdo Ihanaiset naiset -liikuntakurssi (kooraska jimicsiga ee dumarka wanaagsan), sidoo kale ragga miisaanka culusna waxaa loo hayaa kooras jimicsi oo la yiraahdo Raskas sarja -liikuntakurssi (darajada culus). Inta ay koorasyadu socdaan waxaa la bartaa noocyada kala duwan ee jimicsiga sida. jiimka/biroqaad iyo , dhisidda aalamiintada qofka iyadoo markaas la boodboodaya isla markaasna la lugeynayo iyadoo ulo la kaashanayo.

Kaarka duqeyda waxaa loogu tala galay dadka reer Turku ah ee gaaray 65 sano. Kaarkaas duqeyda waxaa lagu gali karaa hoolasha dabaasha ee Lauste, Paattinen iyo Petrelius iyo barkadaha dabaasha ee ku yaalla bannaanada Kupittaa iyo Sampalinna. Waxaa sidoo kale lagu galaa hoolasha jiimka ee biraha lagu qaado ee ku kala dhex yaalla hoolka isboortiga Kupittaa, Pansio, hoolka ciyaaraha barafka ee Varissuo, Sarta nawaaxiga Paattinen iyo biraha ku yaalla hoolka dabbaasha ee Petrelius.  

Dal usooguurayaasha waa ay kusoo dhowyihiin dhammaan adeegyada ay qabato xarunta adeegyada jimicsiga ee Turku. Dadka ka qeyb qaata hawlgallada mashruuca dib u dajinta ee Koto-toiminta ee ay maamusho hay`adda arrimaha bulsha Turku, waxey si bilaash ah uga qeyb qaadan karaan jimicsiyada dal usooguurayaasha loo abaabulo. Waxaa sidoo kale qiimo dhimis illaa haaf ah loogu sameynayaa  hawlaha koorasyada jimicsi ee ay rabaan iney ka qeyb qaataan.

  • Dal usooguurayaasha waxaa loo hayaa kooxo jimicsiyo kala duwan leh oo sannadleyaal ah sida. jiim/biroqaadis, kooxo kubadeed, ulaha kabaha lagu xidho ee barafka lagu dul jibaaxo, kabaha hoosta seefta ka ah ee barafka lagu dul siibto iyo barashada qoob kaciyaaridda. Waxaa kale oo jira koorasyo lagu tijaabinayo ciyaaro kala duwan iyo dalxiis lagu dhex galayo keymaha dabiiciga ah ee Turku.
  • Fiiri hawlaha sida gaarka ah dal usooguurayaasha loogu tala galay

Kooxaha kala duwan ee isboorti ee Turku ka dhex jira waxey hayaan fursado ciyaaro kala duwan lagu xiiseeyn karo oo ku loogu tala galay da`aada kala nooca ah . Warbixin dheeri ah : http://www.turku.fi/public/default.aspx?nodeid=8842&culture=fi-FI&contentlan=1



Waxaan rabi laheyn inaan sameysanno koox ciyaar xiiseysa oo anaga noo gooni ah, Xaggeen ka heli karnaa tafaasiisha goobaha lagu ciyaaro, wakhtiyadooda iyo deeqaha lagu bixiyo?

Adeegyada carruurta iyo dhallinyarada  (nuorisoasiankeskus)

Ma rabtaa inaad wakhti amaan ah la qaadato dhallinyarada kale?

Dhallinyarada da`doodu ay tahay 7–18- jirrada , waxey wakhtigooda firaaqada ah ku qaadan karaan goobaha/guryaha dhallinyarada ee Turku. Goobaha dhallinyaradu waa meelo wakhtiga lagu lumiyo oo ku kala yaalla cirifyada kala duwan ee magaalada. Hawlaha goobahaas laga fuliyo wey kala noocyo duwan yihiin. Dhallinyarada waxyaalaha ay goobahaas ka sameyn karaan waxaa ka mid ah sida iney ciyaaraan, falaadaan, cunto sameeyaan, asxaabtooda la kulmaan amaba ay iskajoogaan/baashaalaan. Waxaa la dhageystaa aragtiyada dhallinyarada ee ku saabsan waxa ay rabaan iney sameeyaan iyadoo markaas loo fulinayo/dhaqan galinayo aragtiyadaas kolba sidii awood loogu helo.

Goobta waxaa mar walba jooga qof weyn oo hage ah.

Guryada/goobaha dhallinyarada waxaa sidoo kale lagu qabtaa tusaale ahaan qoob ka ciyaar          (disko). Wakhtiyada ay iskuulladu fasaxa yihiin waaxda dhallinyarada waxey qabataa dalxiisyo lagu aadayo tusaale ahaan carwooyinka lagu soo maararoowo.

Warbixin dheeri ah: Madax laanta  Kerstin Paananen, tel. 050 554 6114, www.turku.fi/nuokkarit

Ma ugu baahan yahay ilmahaaga  7–8-jirka ah mashquulin inta ka horeysa xilliga iskoolka ama ka dib marka iskoolka laga soo boxo ?

Hawlaha mashquulinta ee la qabto subaxdii iyo duhurkii waxaa sida guud loogu tala galay ilmaha dhigta fasallada 1-2. Ilmuhu waxey hawlahan ka qeyb qaadan karaan subixii ka hor intaan iskoolka la galin ama galinka dambe markii iskoolka laga soo boxo. Hawshan waa mid amaan ah carruurtana madadaalo u ah. Markey carruurtu isku yimaaddaan waxey halkaas sidoo kale ku sameyn karaan leyliska (casharrada guriga looga soo shaqeeyo). Isku imaatinkaan waxa lagu qabtaa gudaha dhismaha iskoolka ama meel aan iskoolka sidaas uuga fogeyn . Isku imaatinka subixii wuxuu furan yahay saacadaha 7.30-11-00 maalmaha uu iskoolku jiro sidoo kale isku immaatinka duhurka wuxuu furan yahay saacadaha 11.00-17.00.

Markey socdaan hawl maalmeedyada subixii iyo duhurkii waxaa la tixgaliyaa sharciyada xadidaya  cunteynta ilmaha ee ku saleysan diintooda iyo caafimkooda

Warbixin dheeri ah: tel. 02 262 3157, 050 590 7674, 050 554 6128, www.turku.fi/ippe

Ma u raadineysaa ilmahaaga afcaal farax galiya?

Waxa jirta xadiiqo madadaalo (Seikkailupuisto) (carwo) oo ku wajahan carruurta iyo qoysaska ciyaalleyda ah, taasoo furan sandkoo dhan. Xilliga xagaaga xadiiqadu waxey soo bandhigtaa fursado kala nooc ah oo wata qalabkoodii lagu ciyaarayay. Carruurta nashaadaadka xiisa galiya waxaa ka mid ah sanamyada waaweyn,qasabada qubeyska, barkad biyo fariisin leh oo la dhex socon karo, baabuurta yar yar ee magaalada macmalka ah dhex jibaaxeysa, biyo mareenka yar ee xadiiqada dhex socda. Xilliga jiilaalka waxaa xadiiqada madadaalada lagu qabtaa goobo gudaha ku yaalla iyadoo markaas la sameynayo isu imaatinno kala duwan iyo hawlo bandhig tiyaatar ah.

Wax qabadka xadiiqada madadaalo waxaa sida guud lagu wajahay/tala galay carruurta da`doodu u dhexeyso 0-14 iyo qoysaska ciyaalleyda ah.

Warbixin dheeri ah: tel. 02 262 3331, www.turku.fi/seikkailupuisto

Seikkailupuisto (Xadiiqada madadaalada)
Kupittaankatu 2
20520 Turku

Ma rabtaa inaad wax ku xiiso galiya Varissuo ka dhex sameyso ?

Goobta wax qabad ee Majanummi, adareeskeeduna yahay Hintsankuja 4, Varissuo, waxaa duhurkii ka jira hawlo wax qabad oo loogu tala galay carruurta. Waxaa jira barnaamijyo xiiseyn oo koox koox loo diyaarshay sida. tiyaatarka, bandhigga masawirida, warbaahinta iyo isboortiga/jimicsiga, iyadoo ilmo walba uu gali karo kooxda uu xiiseynayo. Wax qabadkan waxaa sida guud loogu tala galay ilmaha da`doodu u dhexeyso 9-13 sano. Kooxahan xiiseyntu waa bilaash. 

 

Xilliga xagaaga waxaa la qabtaa tiyaatar iyo xiiseymo ceel jaaleyn ah (leiri). Ceeljalleyntu mar la aadayo waxaa la iska uruurshaa lacag yar oo ka qeybgal ah.

 

Warbixin dheeri ah:  www.seikkailupuisto.fi, Isku duba ridaha dhaqanka carruurta  Marianne Uusaho, tel. 050 310 1661

Ma rabtaa inaad ciyaarto loox ku boodid (skeitata)?

(skeitata = alwaax sheegag hoos ku leh oo lagu socdo)

Hoolka skeitka ee Cube waxaa marka hore loogu tala galay dhallinyarada skeit gareysa ee da`doodu u dhexeyso 7-20 sano. Goobtaas waxaa sidoo kale isticmaali kara kuwa xiiseeya ku socodka bushkuleetiga nooca BMX. hoolku wuxuu leeyahay sida ramp,street iyo curb. Hawshana horumarin ayaa lagu sameynayaa iyadoo lala kaashanayo dadka arrimahan xiiseeya.

War bixin dheeri ah: tel. 050 554 6116, www.turku.fi/cube

Hoolka skeitka ee Cube (Skeittihalli Cube)

Ruissalontie 37-39, dhismaha G.
20200 Turku

Ma rabtaa inaad farshaxaneyso, qoob ka ciyaartid, gasho internetka ama iska baashaasho?

Aqalka farshaxanka iyo hawlgallada dhallinta ee Vimma waxaa marka hore loogu tala galay wixii ka yar 29 sano. Waxyaabaha Vimma gudeheeda lagu sameyn karo waxaa ka mid ah tusaale ahaan sameynta farshaxanada, ka qeyb qaadashada bandhigyada iyo dhacdooyinka. Intaas waxaa dheer oo dhismaha ku dhex yaalla maqaayad qaxwe iyo goob waqtiga lagu lunsho/la iska joogo. Dhallinyarada waxey isticmaali karaan kumbiyuutarro leh khadka internetka oo bilaash ah, kuwaas oo yaalla barsadda Vimma gudeheeda ku taalla.

Vimma gudeheeda waxaa ka jira goob hagid iyo kaalmeyn oo lagu magacaabo Ohjaamo, taasoo loogu tala gaaya dhallinta aan helin boos waxbarasho waxaana jooga shaqaale qaabilsan isdhexgalka bulshada dhalinyarada ah. Waxaa sidoo kale Vimma ku dhex yaala goobta NuortenTurku, taasoo kaalmo iyo warbixin bilaash ah usoo bandhigeysa dhammaan wixii da`doodu ay ka yar tahay 29 sano iyagoona ballan horey uga sii qabsanin.  Vimma gudeheeda waxaad sidoo kale kula kulmi kartaa shaqaalaha dhallinyarada.

Warbixin dheeri ah: tel. 02 262 3129, www.vimma.info, www.turku.fi/ohjaamo, www.nuortenturku.fi

Koox faneedkaagu ma u baahan tahay goob ama qalab lagu tababarto?

Kooxaha dhallinyarada ah ee tuma heesaha fanka waxey ku tababaran karaan goobaha Auran Panimo. Magaalada ayaa isticmaalka goobta iyo qalabkeedaba ku bixineysa qiimo dhan 40 euro sannadkii. Goobaha waxaa ugu horreyntii loogu tala galay carruurta da`da yar oo aan 18 sano wali gaarin. Panimo gudeheheeda waxaa lagaga qeyb qaadan karaa sida tartanada tumida heesaha iyo badhigyada. Hoolka waxaa laga kireysan karaa Auran Panimo markey jiraan dhacdooyin-shaacin-iyo abaabul shirar.

Warbixin dheeri ah: tel. 02 262 3333, www.turku.fi/nuoriso/panimo

Xarunta arrimaha dhallinyarada ee magaalada Turku /Auran Panimo

Läntinen Rantakatu 47 

20100  Turku

Ma rabtaa inaad ceeljaaleyso (leiri) ama aad fillooyinka miyiga ku aadid qiimo jaban?

Macaamiishu waxey kireysan karaan afar meelood oo ceeljaalleynta loogu tala galay oo ay leedahay xarunta arrimaha dhallinyarada ee magaalada Turku. Meelahaas waxey ku kala yaallaan Taivassalo, Rymättylä, Sauvo iyo Inari. Meelahaas dhammaantood waxey ku dhex yaallaan keyn/xir/duur dhexdeed waxeyna ku dhinac yaallaan biyo fariisin.

Meelaha ceeljaalleyntu wey qiimo jaban yihiin. Waxey ku haboon yihiin kooxo tiro badan iyo kuwa yarba. Xarunta arrimaha dhallinyarada ayaa goobahaas u bixisa si ceeljaalleyn loogu qabsado.            Barnaamij-, cunto iyo adeeg nadaafadeed meeshu ma lahan.

Warbixin dheeri ah: maamulaha hawl wadeenta Pirjo Lehtinen, tel. 050 554 6113, www.turku.fi/nuorisoleirialueet

Ma u baahan tahay aqoon iyo la talin?

NuortenTurku ayaa waxeu usoo bandhigaan kaalmo iyo aqoon bilaash ah dhammaan wixii da`doodu ay ka yar tahay 29 sano iyagoon markaas ballan horey ugasii qabsanin. Halkaas waxaad jawaab uga heli kartaa su`aalaha ku saabsan arrimaha waxbarashada, shaqo raadiska, fursadaha caalamiga ah, deegaanka, dhacdooyinka iyo xiiseynta. NuortenTurku waxey ku taallaa Vimma gudeheeda, adareeskeeduna waa Aurakatu 16.

Warbixin dheeri ah: tel. 02 262 3126, www.nuortenturku.fi

Bogga la talinta iyo warbixinta dhallinyarada ee Pointti.info waxaad ka heli kartaa warbixin iyo tafaasiil ku saabsan waxbarashada, helidda shaqada, waxyaalaha la xiiseeyo iyo arrimo kale oo badan kuwaasoo faaido kuu leh. Waxaa kale oo aad boggaas ka heleysaa cinwaanada lagala xiriiri karo shaqaalaha dhallinyarada iyo warbixin ku saabsan adeegyada kale ee ka jira degmada aad ku nooshahay.

www.pointti.info

Ma rabtaa inaad saameyn ku yeelatid arrimaha dagmadaada?

Aloitekanava waa kanaal aad kusoo bandhigi karto fikradaada ku saabsan arrimaha adiga ku taabanaya ee ka jira dagmadaada. Aloitekanava.fi waa bog internet ah oo ay dhallinyaradu ku sheegi karaan fikradaha kala duwan ee horumarineed islamarkaana ay wax kaga dhihi karaan aragtiyada ay dadka kale soo jeediyeen.

www.aloitekanava.fi

Ma uga baahan tahay caawimo sidaad ku heli laheyd adeegga dhallinyarada?

Shaqaalaha dhallinta ee raadiyaha ah (etsivä nuorisotyö) wuxuu qofka dhallinyarada ah la raadshaa adeega uu markaas u baahan yahay. shaqadan waxey ku wajahan tahay dhallinyarada da`doodu u dhexeyso 15-25 sano, kuwaas oo aysan u cadeyn meesha ay ka bilaabayaan qorsheynta noloshooda. Caqabadaha hortaagan dhallinyaradaas waxey noqon karaan tusaaale ahaan shaqo la`aan, hooy la`aa ama cidlo/kali ahaansho.

Shaqaalaha raadiyaha ah wuxuu dhallinyarada ka taakuleeyaa qorsheynta nolosha iyo helidda adeegyada saxda ah qofka ku haboon iyo ka daneysiga meelaha ay adeegyadaasu kajiraan.

Shaqaaluhu waxey tusaale ahaan dhallinyarada u raaci karaan xafiisyada hay`adaha ay dantu ka gasho iyagoo ka caawinaya markaas daneysigooda.

Cinwaannada meelaha lagala xiriirayo shaqaalaha:

E-mail ka wada dhexeeyai: etsivat@turku.fi

Marja Hietala Tel. 044 907 2364

Jaana Petäjoki Tel. 044 907 2363

Sami Renberg Tel. 044 907 2366

Anni-Reetta Sorell Tel. 044 907 2365

Ma rabataa inaad la hadasho shaqaalaha dhallinyarada?

Shaqaalaha is dhexgalka dhallinta waxa qofka dhalinyarada ah uu kala sheekeysan karaa arrin kasta oo soo food saarta. Ama uu u sheegi karaa fikirkiisa ku saabsan waxa laga horumarinayo xaafadiisa. Shaqada isdhexgalka dhallinta waxa laga sameeyaa meelo kala duwan oo Turku ku yaalla sida jidadka, goobaha dhallinyarada iyo iskoolada.

Warbixin dheeri ah: Madaxa laanta Kerstin Paananen, tel. 050 554 6114, www.turku.fi/nuokkarit

Ma weyday boos waxbarasho ama shaqo?

Ohjaamo waxey taakuleysaa oo ay caawisaa dhallinyarada15–20-jirrada ah, oo aan helin boos waxbarasho kadib markey ka qalin jabiyeen dugsigii dhexe. U jeedada laga leeyahay waa in loo helo qofkaas dhalinta yar boos waxbarasho oo xiisa galiya. Dahllinyarada waxaa lagu hagaa dalbashada boosaska waxbarasho ee soo haray waxaana laga caawiyaa dajinta/qorida arjiga dalabka wakhtiga dalabka caamka ah uu socdo. Intaas waxaa dheer oo ay Ohjaamo ka caawisaa qofka siduu ku heli lahaa tababar shaqo mudo kooban.

Ohjaamo waxey ku taallaa gudaha daarta Vimma,adareeskeeduna waa Aurakatu 16, waxey la siman tahay jidka.

Warbixin dheeri ah: www.turku.fi/ohjaamo

Dhallinyaroow, ma dooneysaa in shaqo lagaa siiyo xarunta arrimaha dhallinyarada ama aad halkaas ka heshid boos tababar shaqo?

Ma rabi laheyd inaad ka dhex shaqeyso hawlaha xarunta arrimaha dhallinyarada ee ay leedahay magaalada Turku? Waxaad buuxin kartaa arjiga lagu dalbado shaqooyinka ka furan/banaan magaalada/dagmada , arjigaas oo ku dhex jira cinwaanka internetka: www.turku.fi/tyopaikat.

Macluumaadka aad halkaas ku reebtid/dirtid waxey ku keydsamayaan diiwaanka dalbadayaasha shaqooyinka magaalada/dagmada. Macluumaadka waxaa loo falanqeynayaa si kalsooni ku jirto.

Hadii aad rabto boos tababar shaqo waxaad soo diri kartaa arji furan adigoo kusoo hagaajinaya cinwaankan e-mailka ah: nuorisoasiainkeskus(a)turku.fi.

Fursado tababaro shaqo ayaa ka jira goobo kala duwan sida tusaale ahaan guryaha dhallinyarada, goobaha isu imaatinka duhurkii (ilmaha), xadiiqooyinka madadaalada (Seikkailupuisto), Vimma ama xafiiska xarunta arrimaha dhallinyarada.

Xarunta arrimaha dhallinyarada
Puutarhakatu 14 A, dabaqa 4 aad, 20100 Turku
tel. 02 330 000

 Ma weyday boos shaqo?

Hooyga shaqada dhallinta ee Fendari waxey shaqaaleysaa 15–25-jirrada reer turku ah. Ujeeddada laga leeyahay waa in la kobciyo korna loo qaado xirfadaha dhallinta isla markaasna la siiyo fursad ay ku arkaan kuna bartaa xirfado kala duwan.

Goobaha laga shaqeynayo waxey u qeybsamaan todobo: midabeyn, dayactir, najaar, maryo sameys, farsamada gacanta, hooyga doomaha iyo qalabka dalxiiska.

Waxaa sidoo kale Fendari gudeheeda lagu sameeyaa shaqooyinka ay sida gaarka ah usoo dalbadaan macaamiisha iskood u shaqeysta (privaat) sida hagaajinta dharka iyo qalabka guryaha la dhigto. Sidoo kale Fender waxey iibisaa wax soo saarkeeda.

Hooyga dalxiiska waxey dadka degaanku ka kireysan karaan qalabka dalxiiska loo qaato.

Warbixin dheeri ah: tel. 02 262 3120, www.turku.fi/fendari

Xarunta arrimaha dhallinyarada ee magaalada Turku/Fendari

Amiraalistonkatu 6
20100 Turku