Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Deegaanka Helsinki

Kulttuuri ja vapaa-aika pääkaupunkiseudulla

Dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ah ee deegaanka magaalomadaxda gudihiisa 

Dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ah ee Helsinki gudeheeda
Dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ah ee Espoo gudeheeda
Dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ah ee Vantaa gudeheeda
Dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ah ee Kauniainen gudeheeda

Adeegyada dhaqanka iyo laybareeriga

Laybareeriyada ay leeyihiin magaalooyinka Helsinki, Espoo, Kauniainen iyo Vantaa way isku xiran yihiin oo waxay isku yihiin laybareeriyada HelMet (Helsinki Metropolitan Area Libraries). Laybareeriyada HelMet waxaa ka dhexeeya oo ay isla isticimaalaan adeeg shebekad ah, xeerarka isticimaaliddu waa isku mid, qiimaha dadka laga qaadaana waa isku mid.

Iyadoo la isticimaalayo nidaamka HelMet ayaa buugaag laga ballansan karaa Helsinki, Espoo, Vantaa iyo Kauniainen, buugaagta la soo amaahdayna wakhtiga la haysan karo waxaa laga cusboonaysiisan karaa internetka. Waxyaabaha aad laybareeriga ka amaahatay waxaad ku celin kartaa laybareerigii aad ka soo qaadatay ama inta badan laybareeriyada kale xitaa waa la geyn karaa. Buugaagta wakhtiga la haysan karo markuu dhaco waxaa la cusboonaysiin karaa ugu badnaan saddex mar. Haddii waxa la deynsaday lala daaho, lacag ganaax ah ayaa la bixiyaa.

Laybareeriyada HelMet af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Cinwaanka internetka ee HelsinginSeutu.fi waxaa ku qoran warar iyo meelo kugu xiraya adeegyada dhaqanka iyo laybareeriyada ee ka jira deegaanka magaalomadaxda, waxayna ku qoran yihiin af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Isboortiga

Cinwaanka internetka ee HelsinginSeutu waxaa ku qoran warar iyo meelo kugu xiraya adeegyada deegaanka magaalomadaxda ka jira ee la xiriira waxyaabaha wakhtiyada firaaqada ah la sameeyo, isboortiga iyo meelaha dalxiiska, wararku waxay ku qoran yihiin af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Ururka Dhaqdhaqaaq sameeya! (Liikkukaa! ry)

Ururka Dhaqdhaqaaq sameeya! (Liikkukaa! ry) ujeedadiisu waa in la horumariyo ka qaybqaadashada firfircoonideeda, waxyaabaha dhaqanka ah ee noocyada kala duduwan ah iyo in iyadoo la kaashanayo isboortiga iyo waxqabadyada kale ee dhaqanka ah, la hormuriyo fursadaha keenaya in dadku ku sinnaadaan bulshada Finnishka dhexdeeda.

Naadiyada xubnaha ka ah Ururka Liikkukaa ry iyo ururada isboortiyada kala duwan ee Finland waxaad ka heleysaa shebekadda internetka ee ururka Liikkukaa ry. Faahfaahin dheeraad ah oo ah af Finnish iyo englanniksi .

Dadka waddanka u soo guurey kooxahooda , naadiyadooda iyo bulshooyinkooda wakhtiga firaaqada ah

Adeegga shebekadda internetka ee Selma (Selma-verkkopalvelu) waxaa ku qoran warar af Finnish ah oo ku saabsan naadiyada iyo kooxaha loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey ee deegaanka magaalomadaxda.

Jolly Dragon waa beel wakhtiga firaaqada ah oo af ingiriis ah, oo la isku baran karo dad Finnish ah iyo dad meelo kale ka soo guureyba. Beesha waxaa laga ogaan karaa waxyaabaha wakhtiga la joogo jira. Qof kastaa wuu qabanqaabin karaa waxqabad. Beeshan waxay qofka u fududaynaysaa inuu Helsinki la qabsado. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Jolly Dragon oo ah af Ingiriis .

Kuwa loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada 

Shebekadda internetka ee Kultus.fi boggageeda waxaa ku qoran warar af Finnish iyo af Iswiidhish ah oo ku saabsan carruurta iyo dhallinyarada artiskooda iyo munaasabadaha waxyaabaha dhaqanka ah ee ka jira deegaanka magaalomadaxda.

 

Telefishanka magaalada oo luuqado kala duduwan ah

M2HZ waa telefishan beeleed furan oo ka shaqeeya deegaanka magaalomadaxda. Telefishankan waxaa laga soo daayaa farshaxan (taide) iyo soo saarid tijaabo ah, shaqanka magaalada, wadahadal arrimaha bulshada ah, barnaamijyo ku saabsan dhaqamada badan iyo dadka ka qaybqaadashadooda. Barnaamijyada dhuuxoodu waa waxyaabaha magaalada ka jira, sheekooyin, mawduucyo wadahadal ah iyo nolol dhaqanka ah oo qani ah. Telefishanka M2HZ boggagiisa shebekadda internetka waxaa ku qoran wararka indho indhayntooda oo ku qoran af Ruush, af Carabi, af Faransiis iyo af Isbeyn. Laynka kugu xiraya bogga shebekadda internetka ee telefishanka magaalada ee (M2HZ-kaupunkitelevisio) oo af Finnish ah.