Kansalaisuus
Codsashada dhalashada Finland
Suuragala ayey kuu tahay inaad hesho dhalashada Finland, haddii ay kuu buuxsantay 18 sano, haddii aad muddo dheer oo ah wakhtigii lagaaga baahnaa ah si joogto ah u deggenayd Finland aadna weli Finland deggan tahay. Waa inaad awooddaa inaad caddayso qofkaad tahay. Waa inaad awoodaa inaad sheegto qorshe ku saabsan sida adiga iyo qoyskaagu aad ku heli doontaan dhaqaale aad ku noolaataan. Waxaa kaloo lagaa rabaa inaad taqaan luuqadda Finnishka, Iswiidhishka ama luuqadda faraha laga hadlo ee Finnishka. Aqoontaada luuqadda waxaad ku caddayn kartaa, adigoo geleya imtixaanka lagu qaato shahaadada aqoonta guud ee luuqadda. Imtixaanka shahaadada aad ku qaadato waa in dhibceheedu uu noqdo heerka saddex. Warar ku saabsan shahaadada aqoonta guud ee luuqadda waxaad ka heleysaa boggaga Guddiga waxbarashada (opetushallitus).
Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan caddaynta aqoonta luuqadda oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Hab-socodka codsigu muddo dheer ayuu qaadan karaa. Helitaanka dhalashada wakhtigeedu wuu kugu sii dheeraan karaa, haddii aad samaysay dembi, ama aadan bixin canshuuro ama ganaaxyo. Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka ayaad ka heleysaa warar ku saabsan shuruudahan iyo, sida loogu dhaqmo iyo sidoo kale macluumaadka safka codsiga muwaadanimada.
Dhalashada waxaa lagu dalbadaa foom uu Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanku leeyahay. Foomkaas waxaad ka heleysaa Xafiiska dal u soo guuridda ama booliska degmadaada. Codsiga waa inaad booliska degmadaada adigu shakhsi ahaan ugu geysaa. Hore u sii qaado dukumeenti aqoonsi ah. Go’aanka dhalashadu waa lacag. Lacagtana waa inaad bixisaa, markaad codsiga geynayso. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan codsashada dhalashada iyo waxyaabaha kale ee dhalashada la xiriira waxaad ka heleysaa bogga Xafiiska Hijrada Finnishka iyagoo ah luuqadaha soo socda:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Muwaadanimada la shaacey
Dadka hoos ku qoran waxay heli karaan muwaadanimada Finnishka oo shaac laga qaadey:
- cunug dhaley hooyo ajnabi ah kuna dhashey Finland dibeddiisa laakin aabihisa yahay muwaadan Finland markuu cunugga dhashey iyo aabanimadiisa la xaqiijiyey
- cunug dhaley hooyo ajnabi ah iyo ku dhashey Finland oo aabahiisa ahaa muwaadan Finland markuu cunugga dhashey, laakin aabanimada la xaqiijinin ilaa uu cunuggaa uu ka gaarey 18 jir ama aroosey waqtigaas ka hor
- cunug la soo korsadey oo da’diisu yahay 12-17-jir, hal ka mid ah waalidka korsada yahay muwaadan Finnish ah
- qof dhalinyaro ah (18-22), oo ku noolaa Finland waqti dheer
- muwaadan ka mid ah Waddamada Waqooyi ama
- qof muwaadan ka ahaan jirey Finland
Waxaad macluumaad ka badan oo ku saabsan muwaadanimada la shaacey ka heli kartaa bogagga Adeegga Hijrada Finnishka wuxuuna ku qoran yahay af Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.
Foomamka aad dhalashada ku codsan karto ama shaac ka samayn karto muwaadanimada:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Lambarada Adeegga Hijrada Finnishka
Wicitaanyada waxaa laga jawaabaa Talaado, Arbaco iyo Khamiis 10.00-11.00
Samaynta shaac ka bixinta muwaadanimada iyo sharuudahiisa (laakin aad weli codsi sameynin), wac 071 873 3650.
Samaynta shaac ka bixinta muwaadanimada iyo sharuudahiisa (laakin aad weli codsi sameynin), wac 071 873 3660.
Su’aalo ku saabsan dhaqaaqa codsiga muwaadanimada iyo shaac ka bixinta (sameysey codsi), wac 071 873 3670.
Sharciga ku saabsan qaadashada dhalashada Finnishka waxaad ka akhrisan kartaa boggaan (Finlex).
Qawmiyado kala duwan (labo qawmiyad)
Sharciga Finnishka wuxuu ogol yahay qawmiyado kala duwan, waxaa loola jeedaa waxaad heysan kartaa jinsiyadda Finland ka sokoow jinsiyad kale. Hase-yeeshe sharciyada dalalka kale, waxay saamayn ku leeyihiin haddii qofka lahaan karo qawmiyad dheeraad u ah midka ay qabaan. Waa fikrad fiican in la codsado safaaradda dalka laga hadlayo ee Finland. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan jinsiyadda Finland waxaad ka heleysaa bogagga Xafiiska dal u soo guuridda iyagoo ku qoran finnish, iswdish iyo ingiriis.