Rikokset
Markuu dembi dhaco u wac booliska (poliisi). Waxaad sidoo kale wici kartaa lambarka guud ee khatarta 112.
Qof waliba xaq ayuu u leeyahay inuu booliska dacwo geeyo haddii dembi dhaco, booliskana waxaa waajib ku ah inay dacwada qoraan. Dacwada waxaa loo gudbin karaa saldhigga booliska ee kuugu dhow, telefoon ahaan, faksi ahaan, internet ahaan ama adigoo arrinta u sheegaya booliska meelaha socda. Bogga booliska ayaa laga hadlayaa, wararka loo baahan yahay dacwada marka la geynayo.
Dadka dembiga lagu sameeyey waxaa caawimo siiya Heeganka dadka dhibanayaasha ah ee dembiga lagu sameeyey (rikosuhripäivystys). Boggaga waxaa ku qoran warar ah luuqadaha Finnishka, Iswiidhishka, Ingiriiska, Ruushka, Soomaaliga, Carabiga, Serbokroatiga, Turkiga iyo Isbeyn. Xafiisyada meelaha kala duduwan ee Finland.
Boggaga wasaarada caddaaladda ayey ku qoran yihii warar loogu talagalay dadka dembiga laga galay, waana luuqadaha soo socda:
Soomaali
Finnish
Finnish fudud (Finnish)
Iswiidhish
Ingiriis
Ruush
Carabi
Haddii aad u baahan tahay adeegyada sharciyaqaanka, adiguna aadan awoodin inaad kharashkiisa ooo dhan bixisid, la xiriiir xafiiska caawimada sharciga (oikeusaputoimisto) ee kuugu dhow.
faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan caawimada sharciga, ah luuqadaha soo socda:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Ruush
warar ku saabsan dembiyada cunsuriyaddu waxay ku jiraan boggaga Cunsuriyadda iyo takooridda.
Bangiga wararka boggagiisa ayaad ka heleysaa warar ku saabsan shaqooyinka booliska.