Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Turku



Ku noolaanshaha Turku gudeheeda (asuminen Turussa)

Halkeen ka helaa guri kiro/ijaar ah?

Guryaha banaan/faaruqa ah waxaa kireeya xafiis dagmada/magaalada leedahay, dillaaliin iyo shakhsiyaad iskood u madax banaan.

Guryaha kirada ah ee ay leedahay magaalada Turku waxaa kireeya shirkadda  TVT Asunnot Oy.   Guryaha banaan ee faaruqa ah waxaa lagu dalbadaa arji qoraal ah, kaasoo markiiba shaqeynaya muddo  3 bilood ah. Arjiga dalabka guriga waxaad buuxin kartaa isagoo elegtroonig ah adoo isticmaalaya bogga internetka ee shirkadu leedahay ama xafiiska ayaad ka buuxsan kartaa

TVT Asunnot Oy
Kiinteistö Oy Lehtolaakso
Käsityöläiskatu 3, 20100 Turku
sii gudbiyaha taleefanada, tel. (02) 330 000
Fakis (02) 262 4894
tvtasunnot@turku.fi
lehtolaakso@turku.fi

Waxaa sidoo kale guryo banaan oo faaruq ah laga dalban karaa SATO Yhtymä Oyj, VVO, YH Länsi Oy.

Guryada ardeyda waxaa bixiya Turun Ylioppilaskyläsäätiö TYS

Guryo kale oo kiro ah waxaa laga helaa: Oikotie.fi, Vuokraovi.com

Xageen ka helaa guri wata xuquuq lahaansho mustaqbalka?

Guri wata xuquuq lahaansho mustaqbalka waxaa lagu dalbadaa  arji, kaasoo aad ka heleysid: http://www.vaso.fi/isannointi.asp?id=4

Immisa ayuu joogaa deganaanshuhu?

Marka aad guri kiro ah deggan tahay waxaad bixineysaa  lacag ijaar/kiro ah bishiiba hal mar. Ijaarka/kirada waxaa kuu dheer oo aad bixineysaa biyo iyo koronto inta aad ka isticmaashay. Sida badan waxaa kale oo kiro laga baxshaa booska baabuurka la dhigto. Guryaha qaarkood ayaa waxaa kirada ku jira khadka internetka, laakiin qaar kalena adiga ayaa iskaa usoo deysanaya/furanaya.

Rasiidyada aad kirada ku bixisay waxaa fiican inaad xifdisid/keydisid, waayo waad u baahan kartaa tusaale ahaan markii aad kaalmada kirada dalbaneysis.

Qof walba oo guri daggan waxaa fiican inuu shirkadda ceymiska ka furto ceymis guri. Lacagta ceymiska guriga ee macquulka ah waxaa lagu tixgalinayaa xisaabta guno nololeedka.

Haddii aad daawato telefishinka, waa inaad bixisaa lacagta fasaxa TV ga

Hay`adda warbaahinta

VIESTINTÄVIRASTO/ TV-MAKSUT

Helsinki tel. 09 613161

Itämerenkatu 3 A www.tv-maksu.fi

Ka hor  inta aan la sexeexin heshiiska kirada guriga waxaa la iska rabaa Lacagta debaajiga/horu marinta.  Guryaha ay magaalada/dagmada leedahay     debaajiga waxaa lagu saleeyaa inta uu le`egyahay balac guriga. Guryaha kirada ah ee sida gaarka ah loo leeyahay debaajigooda sida badan waa lacag u dhiganta kirada 2 bilood. Haddii aad guriga oo nadiif ah oo wanaagsan aad ka guurtid, debaajigaagii waa laguusoo celinayaa.

Korontada iyo biyaha ma diyaar bey ku yihiin guriga?

Ka hor intaadan guriga usoo guurin waa inaad heshiis koronto la gashaa shirkadda Turku Energia .

Oy Turku Energia - Åbo Energia Ab

Adareeska la tago: Linnankatu 65, 20100 Turku

Furan maalmaha shaqada 8.30 -16.00

heshiiska korontada, wargalinta guurista iyo la talinta kala xiriir tel.0800 02500 

Markaad guriga ka guureysid, xusuusnoow inaad ka baxdid heshiiskii korontada

Markaad guri cusub dageysid, heshiis koronto samee

Haddii aad dageysid dabaq/fooq ama guryahan is hareera taxan, Biyaha uma baahna in heshiis gaar ah laga sameeyo. Biyaha tuubada ka socda waa nadiif waana laga cabi karaa dhammaan waddanka Finland oo dhan. Biyuhu waa qaali ee iska ilaali inaad isticmaalkooda ku takri fasho.

Maxaa qalab ah oo guriga yaalla?

Guryaha oo dhan waxaa  sida badan yaalla mashiinnada caamka ah ee jikada sida shooladda, firinjeerka iyo nalalka ku dhagsan meesha wax lagu dhaqo iyo qalabka jikada. Guryuhu badanaa ma    qalabeysna, sidaa aawadeed waa inaad adigu dhigatid qalabkoo dhan, nalalka iyo mashiinnada kaleba.

Qof walba oo guri daggan waa inuu isaga iskiis gurigiisa ugu dhajisto digaha dabka                          (saacada dabka/gubashada ka digta)

Tilmaam: Qalab guryeed wanaagsan oo lasoo isticmaalay waxaa laga gadan karaa suuqa alaabta duuga ah ee EKO-tori ama dukaamada wax gato waxna sii iibiya

Sideen ugu guuraa guriga?

Markaad sexeexdo heshiiska guriga , waxaad heleysaa furaha guriga waxaanad u guuri kartaa gurigaas wakhtiga heshiiska ku xusan.

Sida uu qabo xeerka Finland waa inaad xafiiska tiro koobka siisid wargalinta inaad guurtay usbuuc gudihiis oo laga soo tirinayo maalintaad guurtay.  Markaad wargalinta sameysid intaadan guurin wakhti fiican ka hor, waraaqahaaga boostada ayaa markiiba adareeska saxda ah kuugu soo dhacaya.

Xafiiska tiro koobka nawaaxiga Turku (Turun seudun maistraatti)

Aurakatu 8, 20100 Turku

tel. 071 874 1330‎


Foomka wargalinta guurista waxaad ka heleysaa isku dubaridaha xaafadda ama boostada. Waxaad wargalinta ku sameyn kartaa taleefoon adigoo wacaya nambar adeeg oo wadanka dhan ka shaqeeya kaasoo ah 0203 456 456.  Waxaa wargalinta sidoo kale ka sameyn kartaa internetka gudaha cinwaanka www.muuttoilmoitus.fi (waxaa loo baahan yahay aqoonsi bangi) , halkaasoo markiiba aad boostada xataa kaga wargalin karto guuritaankaaga. Wargalinta guuridda waxey saameyn ku leedahay qeexidda dagmada qofka deegaanka u noqoneysa. Waxey sidoo kale saameyneysaa helidda guno nololeedka iyo taakuleynta kirada guriga.

Maxaa taakuleyn ah oo aan ku helayaa daganaanshaha guriga?

Daganaanshaha guriga waxaa lagu qaadan karaa taakuleynta/kaalmada kirada , taasoo laga dalbado Kelada.  (leyn kugu xiraya bangiwarbixineedka laantiisa waddanka dhan ka dhaqan gasha)

KELA Turku

Adaareeska la tago: Eerikinkatu 26, 20100 TURKU
Adareeska waraaqaha: PL 366, 20101 TURKU

Haddii aad ku nooshahay guri kiro ah oo ay dagmada/magaalada Turku leedahay, waxaad talooyinka xaaladaha cakiran weydiin kartaa  la taliyaha deganaanshaha (asumisneuvoja). Wuxuu talo iyo caawimaad kaa siinayaa/siineysaa xaaladaha ay ka midka yihiin sida markey kugu adkaato bixinta kirada/ijaarka, muranka dariska u dhexeeya,  buuqa/rabshada, haddii guriga dibadda lagaaga saarayo, dalbashada kaalmooyinka dhaqaale ee la xiriira daganaanshaha guriga iyo xaaladaha kalee cakiran ee la xiriira daganaanshaha guriga.

La taliyayaasha deganaanshaha guriga:

Arja-Liisa Tamminen
Akseli Kiinteistöpalvelut Oy     
Karvataskunkatu 1
20610 Turku
tel. (02) 275 2149

Suvi Santanen
TVT Asunnot Oy
Käsityöläiskatu 3
20100 Turku
tel. 040 530 6089

Maxaa loo baahan yahay inaan ka ogaado xeerarka daganaanta guriga ?

Shaqooyinka daryeelka guriga waxaa qaabilsan ninka daryeelaha ah. Markaad sexeexeysid heshiiska kirada, weydii taleefan nambarka ninka daryeelaha ah. Ninkaas ayaad talooyin ka weydiin kartaa arrimahan soo socda:

  • shaqooyinka yar yar ee dayactirka guriga
  • xilliga saunada loo leeyahay
  • booska baabuurka
  • maqaasiinka
  • goobta dhar dhaqista
  • Ninka daryeelaha ah lacag ayuu ku furaa albaabka,haddii aad furaha hilmaamtay

Degaanka waxaa mar walba la xiriira xeerar u gaar ah, khaas ahaan haddaad daggan tahay dabaq ama guryaha is dhinac safan, oo markaas loo baahnaanayo in la tixgaliyo dariska.

Kirada/ijaarka waa in lagu baxsho maalinta loo qoondeeyay. cadadda lacagta ijaarka iyo maalinta bixinteeda loo qoondeeyay waxey ku qoran yihiin heshiiska kirada. Guriga waa lagaa saari karaa haddaad ijaarka bixin weysid.

Wakhtiga guud ee aamusku waa saacadaha 22.00 – 7.00, markaas oo dhawaq/qeylo aadan sameyn karin tusaale ahaan, muusig inta shiddo aad dheereysid ama taleefishin aad shiddo oo markaas darisku maqlaan barnaamijka aad daawaneyso. Waxaad sidoo kale ka masuul tahay dhawaaqa iyo rabshada ay kiciyaan martida adiga kuu timaadda.

Qashinka waa in mar walba lagu rido weelka qashinka, loona kala sooco sida tilmaamaha ku

xusan. Qashinka guriga waa la kala soocaa waxaana la geeyaa meelaha qashin qubka ah ee qashinkooda hadhow dib loo isticmaali karo sida tusaale ahaan qashin qubka waraaqaha-, kartoonada-,dhalooyinka-,birta/daasadaha iyo qashinka dhibka wata. Guryaha waxa dhici karta iney leeyihiin qashin qub u kala gaar ah qashinka isku dhex jirka ah iyo qashinka dhibka wata. Waxa kaloo guryo badan ku yaalla fuustooyin qashinka lagu uruursho oo u gaar ah waraaqaha.

Xeerarka nidaamka guryada dabaqa ah iyo kuwa isku dhinac taxan waxaad ka heleysaa isku dubaridaha guriga. Cinwaankiisa aad kala xiriiri karto wuxuu kuugu yaallaa heshiiska kirada guriga ee aad sexeexday, kaasoo xaq kuu siinaya xakameynta guriga.

Waa maxay dibad usaariddu ?

Haddii aad daggan tahay guri kiro/ijaar ah oo aadan markaas ijaarkii bixinin, cidda guriga kaa kireysay ayaa maxkamadda hoose ee koonfur-galbeed Finland ka codsaneysa in guriga dibadda lagaaga saaro. Sidoo kale haddii aad rabsho joogto ah ku sameysid guriga gudihiisa ama goobaha dadka ka wada dhexeeya, dibadda ayaa laguu saari karaa. Taas waxey ka dhigan tahay inaad waayeysid gurigii oo markaas ka dibna ay kugu adkaaneyso sidaad guri kale ku hesho.

 Warbixin guud oo dheeri ah oo ku saabsan ku noolaashaha Turku gudeheedaa