Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Helsinki

Asuminen Helsingissä

Deggenaanshaha Helsinki gudeheeda

Bangiga wararka boggiisa Deggenaanshaha  waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan deggenaanshaha, hababka kala duduwan ee guryaha la deggen yahay iyo marka Finland gudeheeeda meel laga guurayo ee meel kale loo guurayo.

Deegaanka magaalomadaxda boggiisa Deggenaanshaha  waxaad ku qoran warar iyo cinwaanno internetka oo kugu xiraya meelaha muddada gaaban la deggenaan karo, guryaha dhallinyaradu deggaan iyo sida loo dalbado guryaha uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshihiisa .

Guryaha ah nooca uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshahooda

Boggaga Waaxda guryaha (Kiinteistövirasto) waxaa ku qoran liis ay ku qoran yihiin guryaha Helsinki ee ah nooca uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshahooda, liisku waa af Finnish .

Qolyaha leh guryaha ijaarka ah ee Helsinki gudeheeda

Bangiga wararka boggiisa waddanka oo dhan ku saabsan ee ah bogga Xaggee guri laga helaa? waxaa ku qoran liiska qolyaha guryaha ijaarka ah laga kiraysto.

Guryaha ijaarka ah ee magaalada Helsinki leedahay

Marka la dooranayo qofka guriga la siinayo waxaa la tixgeliyaa siduu qofku guri ugu baahan yahay, dhaqaalaha qofka soo gala iyo hantida uu qofku leeyahay. Guryaha ijaarka ah ee magaaladu leedahay waxaa laga dalban karaa shebekadda internetka ee Stadin asunnot, waana af Finnish , af Iswiidhish  iyo af Ingiriis  ama shakhsi ahaan baad u tegi kartaa xafiiska guryaha laga dalbado.

Laanta adeega ee guryaha Stadi
Itämerenkatu 3
00180 Helsinki

Wuxuu furan yahay Isniin saacadaha 9 - 17, Talaado - Jimce saacadaha 9 - 15
Telefoonka adeega Isniin - Jimce saacadaha 9 - 15
Tel. (09) 310 13030

Qaybta arrimaha guryaha ee magaalada Helsinki

Qaybta arrimaha guryuhu waxay bixisaa guryaha ijaarka ah , waxayna ogolaataa deyn iyo taageerooyin loogu talagalay inuu qofku guri ku helo , ama guri ku dhisto ama guriga ku hagaajisto. Faahfaahin dheeraad ah ka akhriso boggaga qaybta oo ah af Finnish, af Iswiidhish  iyo af Ingiriis .

Guryaha loogu talagalay dadka khaaska ah

Guryaha waayeelka

Waaxda arrimaha bulshada seniori-info- deeda bogga ay leedahay ee Xaggee guri laga helaa (Mistä asunto) waxaa ku qoran warar ah af Finnish iyo af Iswiidhish oo ku saabsan guryaha waayeelka.

Waxaad kaloo fiirisaa boggaga shebekadda internetka ee Aasaasiyadda Waayeelka ee Helsinki (Helsingin Seniorisäätiö) af Finnish.

Adeegyada guryeynta ee dadka naafada ah

Boggaga waaxda arrimaha bulshada waxaa ku qoran warar af Finnish ah oo ku saabsan guryeynta dadka naafada ah.

Guuritaanka

Magaalada Helsinki boggeeda internetka waxaa ku qoran warar ku saabsan heshiisyada ay tahay in la sameeyo marka la guuro (heshiiska korontada, heshiiska biyaha). Wararka ka fiiri iyagoo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Xarunta deegaanka (Ympäristökeskus) boggeeda waxaa ku qoran warar ku saabsan daryeelka qashinka oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Degmo xiriiriska (asukasyhdistys)

Haddaad rabtid in aad wax ka qabatid arrimaha xaafadaada agagaarkiisa waxaad geli kartaa Degmo xiriiriska (asukasyhdistys) ama mid cusub aad adiga degmadaada u sameyn kartaa. Degmo xiriiriska dhankiisa waxaad isku baran kartiin dadka kula dagan xaafadaada iyo agagaarkiisa.

Warbixin kale waxaad ka heli kartaa Helsinki Degmo xiriiriska Helsinki magaalo isku keenid ry bogood internetka isagoo ah af Finnish iyo af Ingiriis .