Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Deegaanka Helsinki

Asuminen pääkaupunkiseudulla

Deggenaanshaha deegaanka magaalomadaxda 

Bangiga wararka boggiisa Deggenaanshaha waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan deggenaanshaha, hababka kala duduwan ee guryaha la deggen yahay iyo marka Finland gudeheeeda meel laga guurayo ee meel kale loo guurayo.

Kharashka ku baxa deggenaanshaha deegaanka magaalomadaxdu waa kan ugu qaalisan waddanka oo dhan. Waxaana ugu qaalisan Helsinki bartameheeda. Guryaha ku yaalla bartamaha magaalada meelaha ka durugsan iyo meelaha kale ee ku yaalla degmooyinka deegaanka magaalomadaxdu xoogaa way ka raqiisan yihiin bartamaha magaalada.

Guryaha ku yaalla deegaanka magaalomadaxda marka saddex loo qaybiyo hal qayb baa guryo ijaar ah. Guryaha ijaarka ah ee aad loo raadiyaa waa guryaha ijaarka ah ee halka ama labada qol ah ee ku yaalla dhismayaasha dabaqyada ah.

Guryaha marka la iibinayo iyo marka la ijaarayaba inta badan qalabka ma yaallaan. Aad bay u yar yihiin guryo iyagoo qalabkoodu yaallaan lagu ijaaro, sida caadiga ahna way ka qaalisan yihiin guryaha la ijaaro iyagoon alaab oollin.

Deggenaanshaha Helsinki gudeheeda
Deggenaanshaha Espoo gudeheeda  
Deggenaanshaha Vantaa gudeheeda
Deggenaanshaha Kauniainen gudeheeda

Cinwaanka internetka ee HelsinginSeutu.fi waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan deggenaanshaha deegaanka magaalomadaxda iyo cinwaanno kugu xiraya meelo faa’iido leh oo ku qoran af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Guryaha ijaarka ah

Bangiga wararka boggiisa Xaggee guri laga helaa waxaa ku qoran liiska qolyaha guryaha ijaarka ah laga kiraysto.

Marka wakhti gaaban la joogayo deegaanka magaalomadaxda

Hoteellada bartamaha Helsinki ku yaalla af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis  
Hoteellada ku yaalla meelaha aan ahayn Helsinki bartameheeda af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis  
Hosteellada, guryaha sida hoteellada oo kale ah iyo meelaha xeryaha ah  af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis  
Meelaha loo hoydo ee ku yaalla Espoo af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis  
Meelaha loo hoydo ee ku yaalla Vantaa af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis  
Meelaha loo hoydo ee ku yaalla Kauniainen af Finnish iyo af Iswiidhish  

Hoteel waxaa si lacag la’aan ah looga ballansan karaa tusaale ahaan bogga internetka ee Helsinki Expert .

Guryaha ijaarka ah ee dhallinyarada iyo ardayda 

Dhallinyaradu sidoo kale waxay dalban karaan guryaha ijaarka ah ee magaaladu leedahay. Wararka ku saabsan guryaha ijaarka ah ee magaaladu leedahay waxaad ka heleysaa degmo walba oo ku taalla deegaanka magaalomadaxda boggiisa deggenaanshaha.

Guryaha dhallinyarada loogu talagalay deegaanka magaalomadaxda waxaa ijaara Ururka guryaha dhallinyarada ( NAL) iyo Aasaasiyadda dhallinyarada (Nuorisosäätiö).

Boggaga internetka ee Ururka guryaha dhallinyarada (Nuorisoasuntoliitto) af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis

Boggaga internetka ee Aasaasiyadda dhallinyarada (Nuorisosäätiö) af Finnish iyo af Ingiriis  

Boggaga internetka ee Xarunta warsiinta dhallinyarada ee Kompassi (Nuorisotiedotuskeskus Kompassi) waxaa ku qoran warar dhallinyarada loogu talagalay oo af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah oo ku saabsan waxyaabo ay ka mid yihiin deggenaanshaha.

Aasaasiyadda guryaha ardayda ee deegaanka Helsinki (Helsingin seudun opiskelija-asuntosäätiö = Hoas) waxay ijaartaa guryaha ardayda loogu talagalay. Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish , af Iswiidhish  iyo af Ingiriis .

Guryaha ah nooca uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshahooda  

Qofka raba guri ku yaalla deegaanka magaalomadaxda (Helsinki, Espoo, Vantaa) oo ah guri ah nooca uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshihiisa (asumisoikeusasunto) waa inuu marka hore foomka elektorooniga ah ku dalbadaa lambarka uu safka ku gelayo. Foomku wuxuu ku qoran yahay luuqadda Finnishka , laakiin meesha ku taalla geeska sare ee dhinaca bidixda ayaa looga beddeli karaa af iswiidhish ama af Ingiriis. Guryaha uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshahooda ee Helsinki ku yaalla , Espoo ku yaalla iyo Vantaa ku yaalla .

Dadka guryo la’aanta ah

Adeegyada dadka guryo la’aanta ah -boggagooda shebekadda internetka ayaa la isugu soo ururiyey adeegyada dadka guryo la’aanta ah loogu talagalay ee ay magaalooyinka deegaanka magaalomadaxdu bixiyaan ama soo gataan ama ay taageeraan. Bogga waxaa ku qoran warar af Finnish ah oo ku saabsan waxyaabo ay ka mid yihiin adeegyada ka caawinta waxyaabaha maanka dooriya, adeegyada daryeelka caafimaadka iyo arrimaha bulshada iyo fursadaha helitaanka meelo la dego.

Guuritaanka

Bangiga wararka boggiisa Markaad guureyso waxaa ku qoran warar muhiim ah oo ku saabsan guuritaanka.

Meelaha waxyaabaha aan loo baahnayn la geeyo ee deegaanka magaalomadaxda ku yaalla 

HSL boggageeda ayey ku qoran yihiin warar ku saabsan daryeelka qashinka ee deegaanka magaalomadaxda. Boggaga waxaa ku yaalla meel lagu raadiyo, oo aad ku raadin kartid meelaha ay deegaanka magaalomadaxda kaga yaallaan meelaha la geeyo waxyaabaha aan loo baahnayn. Waxayna ku qoran yihiin af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis . Meeshan raadinta (haku) waxaa la isugu soo ururiyey meelaha ku yaalla deegaanka magaalomadaxda ee la geeyo waxyaabaha la tuurayo ee ah qashinka dhibka leh (ongelmajäte), iyo meelaha lagu ururiyo dhalooyinka, kartoonada, warqadaha iyo bateriyada iyo weliba meelaha ay ku yaallaan meelaha wax lagu ururiyo ee xaafaduhu leeyihii (aluekeräyspisteet). Meelaha wax lagu ururiyo ee xaafaduhu leeyihiin waxaa laga qaadaa dhalooyinka, warqadaha, kartoonada, bateriyada, biraha yar yar iyo dharka, laakiin qashinka dhibka leh (ongelmajäte) lagama qaado. Meelaha wax la geeyo waxaa taalla haanta qashinka oo loogu talagalay in lagu rido kiishashka bacaha ah. Saldhigyada Sortti (Sortti-asemat) waxaa si ballaaran loogu ururiyaa meelaha waxyaabaha qashinka ah la geeyo ee xaafadaha ku yaalla oo ah waxyaabaha qashinka ah ee noocyada kala duduwan ka samaysan. Saldhigyada Sortti ee kala ah Ämmässuo oo Espoo ku taalla, Kivikko iyo Konala oo Helsinki ku yaalla waxaa khariidadda ay ku qoran yihiin meelaha wax lagu uruiyo loogu calaameeyey iyadoo la isticimaalayo astaan iyaga u gaar ah.

HSY baabuurteeda wax soo ururisaa xilliyada gu’ga ayey ku wareegaan deegaanka magaalomadaxda . Dadku waxay baabuurta u keenaan waxyaabaha qoysaska caadiga ah iska tuurayaan ee ah qashinka dhibka leh, sida qalabka korontada iyo elektorooniga ee qashinka ah iyo waxyaabaha qaashinka ah ee birta ka samaysan.

Nouto-Sortti waa adeeg ah in guryaha laga soo doono oo laga qaado waxyaabaha alaabta waaweyn ah. Nouto-Sortti adeegiisa waxaad dalban kartaa markaad rabto in lagaa qaado waxyaabaha aadan u baahnayn ee ah ferenjiyeer, firiiser (pakastin), makiinada cuntada (hella), kursiga fadhiga ama wax kale oo ah qalabka guriga. Adeegan waxaa af Finnish, af Iswiidhish ama af Ingiriis lagaga dalban karaa qaybta adeegga macaamiisha ee Qashindaryeelidda ee HSY, tel. (09) 156 1611. Adeeggan (Noutopalvelu) oo ah in waxaad tuureysey lagaa soo doonayo waa lacag. Boggaga internetka ee YTV waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish ah oo ku saabsan adeeggan.

Qalabka guryaha la dhigto ee fiican cid kale ayaa la sii siiyaa

Qalabka weli fiican ee ah qalabka guryaha la dhigto, qalabka elektrooniga ah alaabta kaleba deeq ahaan baa loo bixin karaa oo cid baa la siin karaa ama waxaa la geyn karaa meelaha ku yaalla Deegaanka Helsinki ee la geeyo alaabta qofkii lahaa aanu u baahnayn ee weli la isticmaali karo.Waxaa fiican inaad marka hore weydiiso, inay suuragal tahay in meelaha alaabta la geeyaa kaa qabanayaan qalabka ama alaabta aad rabto inaad keento. Qalabka guryaha la dhigto ee duugga ah ama adigaa toos u geyn kara meesha la geeyo, ama waxaad weydiin kartaa, in qolada adeega soo doonidu (noutopalvelu) kaa soo dooni karaa. 

Pääkaupunkiseudun Kierrätyskeskus Oy waa bulsho aan faa’iido raadin oo u shaqaysa danta guud. Boggaga internetka ee ay leedahay meesha alaabta la geeyo (Kierrätyskeskus) waxaa ku qoran warar ku saabsan wareejinta alaabta (siduu qofku alaabta uu ka maarmo u geyn karo meelaha la geeyo si qof kale oo u baahan u isticimaalo). Wararkaasi waxay ku qoran yihiin af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Suuqyada dirida ee caalamiga ah ee Fida ee ku yaalla Deegaanka Helsinki (Fida Internationalin lähetystorit Helsingin seudulla) af Finnish .

Gadashada waxyaabaha la soo isticimaalay ee ah qalabka guryaha, qalabka elektorooniga guryaha iyo dharka
Iyadoo ay ku xiran tahay waxyaabaha lagu gado dukaamadeeda kala duduwan ayaa Xarunta wareejinta alaabta (Kierrätyskeskus) waxaa laga soo gadan karaa waxyaabo la soo isticimaalay oo ay ka mid yihiin qalabka guryaha, elektrooniga guryaha, mishiinada guryaha, dharka, weelka iyo dharka gogosha. Boggaga internetka ee Xarunta wareejinta alaabta (Kierrätyskeskus) ayey ku qoran yihiin wararka ku saabsan meelaha lagala xiriiro dukaamada, wararku waa af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Suuqyada dirida ee caalamiga ah ee Fida (Fida Internationalin lähetystorit) waxyaabaha lagu gado waxaa ka mid ah dharka guryaha (sida daahyada iwm), weelka, qalabka guryaha la dhigto, alaabta carruurtu ku ciyaarto iyo qalabka isboortiga. Suuqyada dirida ee caalamiga ah ee Fida ee ku yaalla Deegaanka Helsinki af Finnish .


UFF waxay gadaa dumarka, ragga iyo carruurta dharkooda, kabahooda, dharka lagu lebisto iyo waxyaabaha la isku qurxiyo. UFF boggageeda shebekadda internetka waxaa ku qoran meelaha dukaamadeeda lagala xiriiro iyo wakhtiyada ay furan yihiin oo af Finnish ah.

Boggaga shebekadda internetka ee Helsinki.fi waxaa la isugu soo ururiyey liis ay ku qoran yihiin dukaamada Helsinki ku yaalla ee lagu gado alaabta la soo isticimaalay. Liisku waa af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .