Työterveys
"Adoo soconaya xiddigaha ma daawan kartid, haddii kabaha dhagax kuugu jiro."
(Maahmaah Shiinays ah)
Dalka Finland dhexdiisa shaqo-bixiyaha waxaa waajib ka saaran inuu maalgeliyo daryeelka ka hortaga ah caafimaadka shaqaalahiisa. Sidoo kale shaqo-bixiyaha waxaa suurtogal ah inuu shaqaalihiisa u habeeyo adeegyada daryeelka jirada. Daryeelka caafimaadka shaqaalaha waxaa suurtogal ah inaad hesho adeega kalkaaliyaha caafimaadka, kan dhakhtarka caafimaadka shaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka shaqaalaha ee dhakhtarka cilmi-nafsiga. Sida badan halkaas waxaa sidoo kale ka shaqeeya masaajotoore. Adeegyada dhakhaatiirta khaaska ah sida badan kuma jiraan daryeelka caafimaadka shaqaalaha. Waydii shaqo-bixiyahaaga, waxa uu ka kooban yahay daryeelka caafimaadka shaqaalaha ee goobtaada shaqadu.
Xuquuqda adeegyada daryeelka caafimaadka shaqaaluhu ma taabanayso qoyska qofka shaqaalaha ah.
Ganacsadaha iyo qofka kale oo shaqo asagu leeyahay haysta waxay naftooda u abaabuli karaan daryeelka caafimaadka shaqaalaha, haddii uu rabo. Qofka ganacsadaha ah qasab kuma ahan inuu naftiisa u abaabulo deryeelka caafimaadka ee shaqaalaha. Si kastaba ha ahaado ganacsaduhu waa inuu daryeelka caafimaadka shaqaalaha u abaabulo shaqaalihiisa, asaga u shaqeeya.
Daryeelka caafimadka shaqaalaha waxaa laga abaabuli karaa rugta caafimaadka ee magaalada aad degen tahay ku taal ama tusaale ahaan xarunta dhakhaatiirta ee gaarka loo leeyahay.
Boggaga Kelada ayaad ka heleysaa warar ku saabsan sharciga daryeelka caafimaadka shaqaalaha iyo daryeelka caafimaadka shaqaalaha ee khuseeya shaqabixiyaha iyo ganacsadaha.
Keladu qayb ka mid ah kharashka kaga baxa daryeelka caafimaadka shaqaalaha ayey u soo celisaa shaqabixiyaha iyo ganacsadaha, haddii ay lagama maarmaan yihiin kharashkuna uu caqligal yahay.