EU-maiden kansalaiset
Dadka leh dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub iyo muwaadiniinta Wadamada Waqooyiga
Joogidda iyo ka shaqaysashada Finland
Dadka leh dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub iyo muwaadiniinta Switzerland iyo Liechtenstein waxay Finland joogi karaa oo ka shaqaysan karaan saddex bilood. Muddadaas uma baahna fiiso ama sharciga joogidda waddanka. Muddadaas ka dib waa inay saldhigga booliska ka diwaangeliyaan xuquuqdooda joogidda waddanka. Uma aanay baahna sharciga shaqada ee shaqaalaha laga rabo. Boggaga Xafiiska Hijrada Finnishka ayaa waxaa ku jira warar mawduucan ku saabsan oo ku qoran luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Boggaga booliska waxaa ku qoran faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo diwaangeliyo xuquuqda joogidda waddanka, oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Muwaadiniinta Wadamada Waqooyiga (Iswidhan, Norway, Denmark, Iceland) waxay Finland u joogi karaan uga shaqeysan karaan si xornimo leh. Waa inay xafiiska diiwaangelinta ee degmadooda iska diiwaangeliyaan haddii joogitaanku qaadanayo mudo ka badan lix bilood.
Shaqada iskaa u shaqaysashada ah
Dadka leh dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub iyo muwaadiniinta Switzerland iyo Liechtenstein waxay iskood uga shaqaysan karaan Finland. Marka hore waa inay saldhigga booliska ka diwaangeliyaan xuquuqdooda joogidda waddanka. Xuquuqdani waxay saamaysaa ganacsadayaasha iyo dadka iskood si madaxbannaani leh ugu shaqaysta xirfadooda. Dadka iskood u shaqaystaa uma baahna wax sharci oo gaar ah. Is diwaangelinta darteed waa inaad saldhigga booliska u soo qaadataa ogeysiinta iskaa u shaqaysiga (elinkeinoilmoitus) ama wax kale oo la aamini karo oo caddaynaya iskaa u shaqaysiga. Boggaga Xafiiska Hijrada Finnishka ayaa waxaa ku jira warar mawduucan ku saabsan oo ku qoran luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Muwaadiniinta Wadamada Waqooyiga (Iswidhan, Norway, Denmark, Iceland waxay iskood si xornimo leh uga shaqeysan karaan Finland. Waa inay xafiiska diiwaangelinta ee degmadooda iska diiwaangeliyaan haddii joogitaanku qaadanayo mudo ka badan lix bilood.
Waxbarashada
Dadka leh dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub iyo muwaadiniinta Switzerland iyo Liechtenstein waxay iyagoon u baahan ogolaanshah joogitaanka in saddex bilood ka yar Finland wax ka baran karaan. Ka dib ardaygu waa inuu xuquuqdiisa joogidda waddanka ka diwaangeliyaa saldhigga booliska. Ujeeddada guud ee waxbarashadu waa inay ahaataa inuu ardaygu goobaha waxbarashada ee Finland wax ka dhiganayo, waa inuu haystaa dhaqaale ku filan oo uu waddanka ku joogi karo iyo caymiska bukaanka ee laysaga baahan yahay. Ardaygaasi xaq uma laha lacagta kaalmada waxbarashada ee Finnishka. Boggaga Xafiiska Hijrada Finnishka ayaa waxaa ku jira warar mawduucan ku saabsan oo ku qoran luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Muwaadiniinta Wadamada Waqooyiga (Iswidhan, Norway, Denmark, Iceland waxay Finland wax uga baran karaan si xornimo leh. Waa inay xafiiska diiwaangelinta ee degmadooda iska diiwaangeliyaan haddii joogitaanku qaadanayo mudo ka badan lix bilood.
Muwaadinka Midowga Yurub ee xuquuqda joogidda waddanka ee qofka qoyska ka tirsan
Qofka qoyskiisa qof ka mid ahi leeyahay dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub xuquuqda joogidda Finland wuu heli karaa, haddii qofka ay isku qoyska yihiin ee leh dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub uu leeyahay xuquuq uu Finland ku joogo. Qofka qoyska ka tirsani waa inuu haystaa dhaqaale ku filan oo uu waddanka ku joogi karo iyo caymiska bukaanka ee laysaga baahan yahay. Bogga Xafiiska Hijrada Finnishkaayaad ka heleysaa warar mawduucan ku saabsan oo ku qoran luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Xubinta qoyska ee qof ka socda waddan EU oo uusan eheen muwaadan waddan EU, Wadamada Waqooyiga ama muwaadin u dhashay Switzerland ama Liechtenstein waa inuu codsadaa kaarka joogitaanka xubin ka mid qoyska ee muwaadinka Midowga Yurub (EU-kansalaisen perheenjäsenen oleskelukortti). Bogagga Booliska waxaa ku qoran macluumaad ku saabsan xuquuqda diiwangelinta, waxayna ku qoran yihiin luqadahaan:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis