Lapset ja nuoret
"Macdanta cirku waa qoraxda; macdanta guriguna waa ilmaha."
(Maahmaah Shiinays ah)
Kaalmooyinka iyo caawimooyinka
Qoyska carruurta leh waxaa suuragal u ah inay helaan kaalmooyin kala duduwan. Kaalmada hooyanimada (äitiysavustus) iyo lacagta hooyanimada (äitiysraha) warar ku saabsan waxay ku yaallaan bogga Markaad uur leedahay.
Markay muddada lacagta hooyanimadu dhammaato, ilmaha hooyadiis ama aabihiis wuxuu heli karaa lacagta waalidnimada (vanhempainraha). Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga Kelada.
Haddii ilmuhu markuu dhasho aabbuhu u haynta ilmaha ka qaybqaato oo aanu muddadaas shaqada mushaharka lagu qaato qabanaynin, aabbuhu wuxuu Kelada ka codsan karaa lacagta aabbbanimada (isyysraha). Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga Kelada.
Ilmaha Finland deggan waxaa lagu bixiyaa lacagta carruurta (lapsilisä), ilaa ay uga buuxsanto17 sano. Lacagta carruurta waxaa sida caadiga ah la dalbadaa, marka la dalbanayo lacagta hooyanimada. Faahfaahin dheeraad ah waxay ku taallaa boggaga Kelada.
Xannaano maalmeedka
Ilmaha aan weli gaarin da’da iskuulku wuxuu degmada xaq ugu leeyahay inay u qabanqaabiso xannaano maalmeed. Xannaano maalmeedku waxay ka jiraan xannaanooyinka, qof gurigiisa ilmo ay dad kale dhaleen ku haya iyo waxqabadyada ciyaaridda ah. Lacagta xannaano maalmeedka laga bixiyaa waxay ku xiran tahay dakhliga waalidka soo gala. Booska xannaano maalmeedka waxaa la dalbadaa wakhti fiican oo ah intaan la gaarin wakhtiga uu ilmuhu u baahan yahay booska xannaanada.
Waxaa kaloo jira xannaanooyin barayfit ah. Xannaanooyinka barayfitka ah qaarkood luuqadda lagaga hadlaa waa luuqad kale oo aan Finnish ahayn. Haddii ilmo aan weli da’da iskuulka gaarin uu ku jiro xannaano barayfit ah, Kelada ayaa laga dalban karaa kaalmada xannaanada barayfitka ah.
Ilmuhu markuu jiran yahay xannaano maalmeedka lama geeyo. Waxaad kaloo fiirisaa Bangiga wararka boggiisa Markuu ilmuhu jirrado.
Xannaano maalmeedka waxaa laysku dayaa, in ilmaha luuqaddiisa hooyo iyo dhaqankiisa la taageero.
Haddii uu ilmuhu 3 sano ka yar yahay, aabaha ama hooyadu wuxuu qaadan karaa fasaxa haynta ilmaha oo ilmaha ayuu guriga ku hayn karaa. Markaas Kelada ayaa waxaa laga codsan karaa lacagta haynta ilmaha. Boggaga Kelada ayaa waxa ku yaalla warar kaalmooyinkaas ku saabsan iyo noocyada kala duduwan ee xannaano maalmeedka.
Barbaarinta
Dhaqamada kala duduwan barbaarinta carruurtu way kala duwanaan kartaa. Finland in carruurta la dilo, tusaale ahaan in wax lagu dhufto ama timaha laga joodo waa mabnuuc oo sharciga ayaa diidaya.
Qofka 18 sano jiraa sharci ahaan waa qaangaar. Kuwa intaas ka yar xitaa waxyaabaha qaar xaq ayey u leeyihiin inay iyagu go’.
Cunug kasta wuxuu xaq u leeyihiin carruurnimo nabadgelyo leh, badbaado iyo daryeel. Haddii waalidku aysan awoodin daryeelka carruurtooda waxaa bulshada saaran waajib ah inay soo farageliyaan xaaladda qoyska.
Shaqada badbaadada carruurtu (lastensuojelu) xaqiijinta hagaagsanaanta cunugga. Badbaada carruurtu waxaa laga soo sal guuray sharciga. Sharciga badbaadada carruurtu wuxuu quseeyaa dhamaan carruurtu degan Finland.
Qolyaha badbaadada carruurta waxaa la soo xiriiri kara waalidka , deriska ama saaxiibada, haddii ay dareemaan inuu ilmuhu ama qofka dhallinyarada ahi u baahan yahay caawimo. Ilmaha ama qofka dhallinyarada ahi xitaa wuu la soo xiriiri karaa shaqaalaha arrimaha bulshada. Waxyaabaha ay qofka iyo shaqaalaha arrimaha bulshadu ku wada hadlaan cid aan shaqo ku lahayn looma sheegayo.
Boga badbaadada carruurta ee lastensuojelu.fi waxaa ku jira macluumaad ku saabsan badbaadada carruurta waxayna ku qoran yihiin luqadaha soo socda:
finnish
ingiriis
iswiidish
faransiis
ruush
soomaali
carabi
beershi
kurdi
Waxqabadka dhallinyarada
Degmooyinku waxay dhalinyarada u qabanqaabiyaan waxqabadyo kala duduwan. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka raadsan kartaa bogagga internetka ee degmadaada. Bogagga nuoriso.fi waxaa laga helaa macluumaad ku saabsan hiwaayadaha dhalinyarada, waxbarashada iyo arrimo kale oo la xiriira nolosha dhalinyarada. Boga vaikuttajan reittikartta waxaad ka heleysaa macluumaad badan oo ku saabsan fursadaha saameynta bulshada ee dadka da’yarta ah. Boga waxaa lagu helayaa finnish, iswiidish, ingiriis, rush, soomaali, shiinees iyo carabi. Bogagga Allianssi waxaad ka heleysaa warar ku saabsan ururo dhalinyaro oo kala duduwan.