Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Canshuurta

Verotus

Finland dakhliyada oo dhan canshuur ayaa laga bixiyaa. Markaad shaqo bilowdid, xasuuso inaad kaarka canshuurta ka soo samaysato xafiiska canshuuraha ee kuugu dhow, waana inaad isla markiiba kaarka u geeysaa shaqabixiyahaaga. kaarka canshuurta la’aantiis mushaharkaaga waxaa la canshuurayaa 60 %. Xasuuso inaad xafiiska canshuuraha u qaadato heshiiskaaga shaqada ee uu mushaharkaagu ku qoran yahay. Kaarka canshuurta ayaad ka arkaysaa canshuurta lagaa gooyaa intay boqolkiiba tahay. Haddii aad shaqadaada caadiga ah mooyee meel kale ka shaqaysid waa inaad isticimaashaa kaarka canshuurta dakhliga dheeraadka ah (sivutuloverokortti), kaarkaasna waa inaad cidda kale ee shaqabixyahaaga ah isla markiiba u geysaa. Canshuurtu intay boqolkiiba tahay waxay ku xiran tahay dakhliga, sannadka dhexdiisana waa la beddeli karaa, haddii dhaqaalahaagu isbeddelo. Adigu waa inaad la socotaa dakhligaaga iyo canshuurtaadu intay tahay,sababtoo ah haddii aad canshuur yar bixiso, waxay noqonaysaa inaad sannadka ku nxiga dhiibtiid intii canshuur lagugu yeeshay. Haddii aad talo u baahato waxaa wanaagsan inaad weydiiso xafiiska canshuuraha ee kuugu dhow.

Soo sheegidda canshuuraha (veroilmoitus) sannad walba waa la sameeyaa. Hay'adda Canshuuraha (Verohallinto) ayaa bisha Abriil u soo dirta qof walba oo mushahar qaata warqadda canshuuraha lagu soo sheego oo la soo buuxbuuxiyey. Waxyaabaha warqadda lagu soo buuxbuuxiyey waxaa laga soo ogaadey tusaale ahaan shaqabixiyaha, bangiyada, shirkadaha caymiska iyo Hay'adda Hawlgabka Qaranka (Kela).

Haddii warqadda soo sheegidda canshuuraha ee laguu soo buuxbuuxiyey ay wax ka khaldan yihiin ama warar loo baahnaa ka maqan yihiin, waa inaad saxdaa oo ku kordhisaa waxa ka dhiman, ka dibna wintaad saxiixdo ayaad u celineysaa Hay'adda Canshuuraha. Haddii warqadda canshuuraha ee laguu soo buuxbuuxiyey waxyaabaha ku qoran ay sax yihiin, markaas uma baahnid inaad celiso.

Faahfaahin dheeraad ah oo canshuuraha ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga maamulka canshuuraha.

Boggaga Expat Finland waxaa ku jira warar af Ingiriis ku qoran oo ku saabsan canshuuraha Finland gudeheeda.