Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Turku

Adeegga caafimaadka ee Turku gudeheeda ka jira (terveys)

Bogga caafimmadka ee bangiga wargalinta (Infopankki) ayaa waxa lagaga hadlayaa adeegyada caafimaad ee Finland ka jira

Turku gudeheeda waxaa ka jira  sagaal xarumo caafimaad, kuwaasoo laga bixiyo adeegyada caafimaadka  ee aasaasiga ah. Adeegyadu waxey isugu jiraan qaabilaadda dhakhtarka iyo qaabilaadda daryeelayaasha bukaansocodka. Si sinaan ah ayaa loo qiimeeyaa baahida daryeel ee ay dhammaan dadka deegaanku qabaan. Waxaa adeegyada la helaa maalmaha la shaqeeyo.

Adeegyada caafimaadka ee ku wajahan qaxootiga,  dib usoo guurayaasha iyo magangalyo- doonka

Xafiiska ajnabiga waa laan hawlaha arrimaha bulshada iyo caafimaadka ka wada dhexeysa oo loogu tala galay shakhsiyaadka qaxootiga iyo dib usoo guurayaasha ah. Wuxuu dadkaas siiyaa adeegyada marxaladda qaabilaadda. Waxaa xafiiska ajnabiga gudihiisa lagu sameeyaa baaritaan / jeegareynta caafimaadka ee qofku markuu waddanka soo galo uu maro iyo adeegyada xarunta caafimaadka. Sidoo kale qoysaska ciyaalleyda ah waxey xafiiska ka helaan adeegyada xarunta dhallaanka ee marxaladda hore ee bilowga ah intey ku jiraan. Xafiiska ajnabigu wuxuu ku yaallaa dariiqa Rauhankatu 14 b C, dabaqa sadexaad, 20100 Turku. Marka lasoo galayo waxaa la isku sheegaa oo la iska diiwaangaliyaa ilaaliyaha/waardiyaha.

Adeegyada daryeelka caafimaadka ee magangalyodoonka waxaa lagu abaabulaa gudaha kaamka.

Xarumaha caafimaadka

Turku gudeheeda waxaa ka jira 14 xarumo caafimaad, kuwaasoo xaafadaha u kala soocan. Xarunta caafimaadka ee shakhsigu ka tirsan yahay waxey ku saleysan tahay oo qeexaya adareeska jidka iyo nambarka boostada ee u shakhsigu daggan yahay.

Xarumaha caafimaadka waxaa laga helaa qaabilaadda dhakhaatiirta iyo daryeelayaasha. Meesha aad adeegga daryeel caafimaad ku leedahay ayaad mudnaanta koowaad siineysa maalmaha shaqada saacadaha 8-16, waa xaruntaada caafimaadka ee aad ka tirsan tahay.

Dadka u baahan daryeel dagdag ah wakhtiyada kale, waxaa u adeegaya xarunta adeegga caafimaadka dag dagga ah oo ku taalla adareeska Kunnallissairaalantie 20, 20700 Turku. La talinta ay bixinayaan daryeelayaasha bukaanka waxaad ku heli kartaa taleefan ahaan habeen iyo maalinba, adigoo markaas kala hadlaya nambarka 10023.

Xaaladaha khatarta ah ee ay naftu halis ku jirto la hadal taleefanka 112 (xarunta amarjensiga)

Ballanqabsashada

Ballan ka qabsashada adeegyada daryeelka caafimaadka

Daryeelka caafimaadka ardeyda

Hay`adda arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee magaalada/dagmada laanteeda daryeelka caafimaadka ardeyda waxey adeeg daryeel caafimaad siisaa ardayda dhigta dugsiyada farsamada ee marxaladda labaad iyo machaddada sare ee farsamada ee ku yaalla Turku, iyadoon markaas loo fiirineynin ardeyga meesha uu gurigiisu ku yaallo. Adeegyadan waxaa loogu tala galay ardeyda dhigta iskuullada lagu qaato lacagta kaalmada waxbarashada. Ardeyda dhigta jaamacadaha iyo iskuullada sare ee farshaxanka waxey adeeg daryeel caafimaad ka helayaan dhinaca YTHS.

Cusbooneysiinta warqadda daawada lagu gato ee dhakhtarku qoro

Warqadda daawada lagu gato ee dhakhtar horey kuugu qoray, waxaad ka cusbooneysiisan kartaa xarumaha caafimaadka  Waxaa la cusbooneysiiyaa oo kali ah, haddii aad xaruntaas caafimaadka daryeel ka heshay, iyo haddii ay taasi kasoo wareegtay in ka yar labo sano. Weydii warbixin dheeri ah xaruntaada caafimaadka.

Tallaalada

Dhammaan carruurta joogta Finland gudeheeda bilaash ayaa loo tallaalaa, iyadoo uu markaas ka difaacayo sagaal cudurrada faafa ah. Cudurrada tallaalka lagaga hortagayo oo dhan waa kuwa khatar ah, hadii aan la iska tallaalin waa loo dhimman karaa ama waxey qofka gaarsiin karaan dhib haraa ah oo anu shakhsigu ka soo waaqsaneynin.

Dadka waaweyn ee Turku gudeheeda ku nool waxey xaruntooda caafimaadka ka heli karaan tallaalka aasaasiga ah iyo warqad dhakhtar qorey oo ay ku gadan karaan tallaalka cagaarshowga. Carruurta  ka yar da`da iskuulka , waxaa lagu tallaalaa xarunta dhallaanka, sidoo kale carruurta iskooleyda ahna kalkaalisada caafimaadka ee iskuulka.  Weydii warbixin dheeri ah xaruntaada caafimaadka.

Adeegga caafimaadka dag dagga

Xarunta adeegga caafimaadka dag dagga, tel. 10023

Kunnallissairaalantie 20

Bukaanka dag dagga ah waxaa maalmaha shaqada saacadaha u dhexeeya 8-15.30 lagu daryeelaa xarumohooda caafimaadka ee ay ka tirsan yihiin ee ku saleysan adareeska jidka ay daggan yihiin, wakhtiyada kalena xarunta adeegga caafimaadka dag dagga ah . 

Adeegyada caafimaadka ee carruurta iyo dhallinyarada

Xarumaha dhallaanka waxaa loogu tala galay dhammaan carruurta ay da`doodu u dhexeyso 2 wiig illaa ay ka gaaraan da`da iskoolka lagu billaabo. Sidoo kale waa la wici karaa xarumahaas oo wixii talo ah waa la weydiin karaa. Wakhtiga taleefanka ee kalkaaliyaha caafimaadka waa saacadda 12-13 ee maalmaha la shaqeeyo.

Meelaha lagala xiriirayo kalkaalisooyinka caafimaadka ee xarumaha dhallaanka waxaa laga heli karaa bogga internetka ee magaalada/dagmada Turku. 

Waaxda daryeelka caafimaadka iskuullada, waxey daryeel caafimaad siiyaan ardeyda dhigata dugsiyada hoose/dhexe iyo dugsiyada sare.

Adeegyada caafiimaad ee kale ee markaas carruurta iyo dhallinyarada loogu tala galay waxaa ka mid ah laanta neerfaha carruurta, caafimaadka maskaxda/niyadda  carruurta iyo dhallinyarada, sheybaarka qaabilaadda carruurta iyo dhallinyarada iyo baxnaaninta daaweynta carruurta iyo dhallinyarada.

Uurka

Arrimaha la xiriira uurka waxaa si faahfaahsan looga hadlayaa bogga ku magacaaban

markaad uurka leedahay ee ku hoos jira bangiga wargalinta (infopankki).

Xarumaha hooyooyinka ee Turku waxey u adeegaan qoysaska ubad sugayaasha ah. Adeeggu waa u bilaash.

Xarumaha hooyooyinka waxaa lagu daryeelaa caafimaadka iyo horumarka ubadka soo kordhaya iyo hooyada sugeysa.

Xarunta la talinta kahortagga uurka lama filaanka ahwaxey u adeegtaa dadka reer Turku ah ee da`doodu ka yar tahay 25 sano, iyadoo markaas uga adeegaya wixii ku saabsan arrimaha ka hortagga uurka. Sidoo kale macaamiisha da`doodu ka weyn tahay 25 sano ee uu dhibku ka heysto ka hortagga uurka, waxey meeshaas ku immaan karaan soo gudbin uu sameeyay dhakhtar, kalkaaliye caafimaad ama shaqaale bulsho. Sidoo kale dhammaan dadka raba iney uur baajiyaan/hakiyaan, waxey macaamiil u yihiin xaruntan ka hortagga. Xarunta kahortagga waxey ku dhex taallaa xarunta weyn ee caafimaadka, taasoo adareeskeedu yahay   Luolavuorentie 2, dabaqa 2 aad.

Xarunta la talinta khaaska ah ee dadka waaweyn ee la yiraahdo Paletti, waxaa adeegyadeeda loogu tala galay dhallinyarada iyo dadka waaweyn ee maskaxda ka curiyaamay. Macaamiisha xaruntan la talinta waxaa loo sameeyaa ka baarandegid cilmunafsi iyo mid bulsheed labadaba, waxaa kale oo la hubsadaa heerka uu marayo caafimaadkooda aasaasiga ah. Adareeska xaruntan la talintu waa      Luolavuorentie 2, 20700 Turku. tel. 02- 2626153 maalmaha shaqada saacadaha  8-16.

Xarunta barbaarinta iyo qoyskawaxaa looga baaraandagaa oo lagu daryeelaa caqabadaha heysta  carruurta, dhallinyarada iyo qoysaskooda. Adeeggan waxaa loogu tala galay qoysaska ciyaaleyda ah ee reer Turku. Qoysku wuxuu heystaa fursad uu ku heli karo caawimaad khubaro isugu jira dhakhtar maskexeedka carruurta, cilmunafsi yaqaan iyo shaqaale bulsho.

Daryeelka ilkaha

Daryeelka caafimaadka ilkaha waa qeyb ka mid ah adeegga aasaasiga ah ee caafimaadka, kaasoo qaabilsan daryeelista ilkaha dadka reer Turku ah iyo caawimaaddoda ilkaha ee dag dagga ah .

Waxaa lasii qabsadaa wakhti ballan malmaha la shaqeeyo isniin illaa jimce saacadaha  8.00 - 16.00.
Wakhtiyada kale farriin ayaa loogu reebi karaa mashiinka jawaabaha ah, sida marka la rabo in ballan ilkood oo uu horey qofku u heystay la baajiyo. Ballamaha daryeelka ilkaha waxaa laga qabsadaa taleefan nambarka 02-266 0644.

Ballanqabsashada, baajinta ballamaha daryeelka iyo helidda daryeel waxaa la weydiin karaa adeegga daryeelka caafimaadka afka qeybtiisa ballamaha laga qabsado.

Daawooyinka

Daawooyinka waxaa Finland gudeheeda laga gadan karaa oo kali ah farmasiiyada. Warbixin dheeri ah waxaa laga helayaa bogga internetka ee magaalada/dagmada Turku.

Adeegyada caafimaadka maskaxda

Xarunta caafimaadka ee uu qofku ka tirsan yahay ayaa ah meesha uu marka hore u doonanayo daryeel ku saabsan dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda. Xarumaha caafimaadka ee xaafadaha ku yaalla ayaa waxey masuuliyad ka saaran tahay iney ka hortagaan dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda, gartaan calaamadaha/cilladaha oo ay markaas daaweeyaan/daryeelaan jirrooyinka sahlan ee maskaxda ku yimaadda, sida iskubuuqa niyadda (buufis), shoogga iyo caqabadaha nolosha. Meelaha kale ee intaas dheer ee laga bixiyo adeegyo caafimaadka maskaxda khuseeya waxey kala yihiin     xarumaha la talinta, laanta daryeelka caafimaadka iskuulada, hay`adda bulshada iyo daryeelka waayeelka ee guriga. 

Raadi xaruntaada caafimaad ee aad hoos tagtid

Warbixin dheeri ah oo ku saabsan dhibaatooyinka daran ee caafimaadka maskaxda halkan ayaa laga helayaa.

Adeegyada kale ee caafimaadka

Isbitaalka magaalada Turkuwaxa uu dadka reer Turku ah siiyaa daryeel bukaan oo khaas ah oo laamo badan oo kala duwan khuseeya. Daryeelkaas waxaa lagu heli karaa gudbin uu dhkhtar ama kalkaaliye caafimaad sameeyay.

Sheybaarka baarista

Baaritaannada sheybaarka waxaa ballan looga sii qabsan karaa internetka ama taleefanka nambarkiisu yahay 02 313 6321,  maalmaha la shaqeeyo isniin illaa jimce 7.00-15.00. Qiimaha taleefanku wuxuu la mid yahay kan caadiga ah ee soonahaas.

  • tilmaamaha ballanqabsiga
  • tilmaamaha la xiriira baaritaannada sheybaarka
  • Goobaha ay ku yaallaan sheybaarrada baarista lagu qaado ee uuTYKS leeyahay

Baaritaannada sawirka ah  (sida. raajitada-iyo baaritaanka sawirka shaashadda laga dhex arko)

Baaritaannadan waa in wakhti ballan horey looga sii qabsado mar walba oo la tagayo. Sida badan waxaa wakhtiga ballanta qabta dhakhtarka, sheybaarka qaabilaadda ama laanta isbitaal ee qofka baaritaanka usoo gudbineysa/direysa.

Taleefanka ballanqabsashada ee raajitada isbitaalka magaalada Turku (laanta 141) waa  02 313 2945 ama 02 313 2922. Raajadu waxey ku taallaa adareeska  Kunnallissairaalantie 20, dhismaha  1aad,  waxeyna furan tahay maalmaha shaqada saacadaha 8.00 - 20.00 iyo maalmaha sabtidaiyo axadda saacadaha 8.00 - 16.00.

Isbitaalka dhexe ee jaamacadda Turku   (TYKS) wuxuu qaabilsan yahay oo uu bixiyaa adeegyada daryeelka bukaanka ee khaaska ee loogu tala galay dadka daggan gobolka koonfur-galbeed ee     Finland.

Adareeska isbitaalka TYKS waa   Kiinamyllynkatu 4-8, 20520 Turku.

Adeegyada caafimaadka ee gaarka loo leeyahay waxey kabaan oo ay buuxshaan daryeelka caafimaadka ee dadweynaha ka wada dhexeeya (dawliga ah), laakiin waa lacag.  Turku gudeheeda waxaa ka shaqeeya adeegyo dhowr ah oo ay bixiyaan  dhakhaatiir gaar loo leeyahay oo ay dhakhaatiirta ilkuhu ka mid yihiin. Bogagga internetka ee goobaha dhakhaatiirta gaarka loo leeyahay ee Turku ka dhex  jira waxaa ka mid ah www.pulssi.fi, www.mehilainen.fi iyo www.terveystalo.com.