Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Helsinki

Terveys Helsingissä

Daryeelka caafimaadka ee Helsinki gudeheeda

Bangiga wararka boggiisa Caafimaadka ayaad ka heleysaa wararka ku saabsan daryeelka caafimaadka ee Finland.

Deegaanka magaalomadaxda boggiisa Caafimaadka waxaa ku qoran warar ku saabsan daryeelka caafimaadka ee deegaanka magaalomadaxda.

Adeegga talosiinta daryeelka caafimaadka (Terveysneuvontapalvelu) (09) 10023 waxaad wici kartaa, mar walba oo aad u baahan tahay warar ku saabsan daryeelka caafimaadka ama haddii aad u baahato tilmaamo ku saabsan sida jirrada loo daaweeyo.

Rugaha daryeelka caafimaadka

Rugta caafimaadka waxaa jooga oo dadka qaabila dhakhtar, kalkaaliyaha daryeelka bukaanka iyo kalkaaliyaha daryeelka caafimaadka. Rugaha daryeelka caafimaadku waxay kaloo leeyihiin adeegyada daryeelka bukaanka ee ay bixiyaan dadka ku takhasusay saykaateriga (psykiatria), cudurada gudaha, daryeelka caafimaadka ee dadka waaweyn, neurolojiga iyo xubnaha dhismaha jirka (fysiatria).

Rugaha daryeelka caafimaadka ee Helsinki af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Heeganka xarunta daryeelka caafimaadka

Rugaha daryeelka caafimaadku way xiran yihiin habeenkii iyo Sabtiyada iyo Axadaha. Wakhtiyadaas jirrooyinka degdegga ah iyo haddii shil yimaado waxaa la tagaa heeganka oo dadka lagu daaweeyaa heeganka xarunta daryeelka caafimaadka (Isniin - Jimce saacadaha 16 - 22, sabtiyada iyo Axadaha iyo maalmaha fasaxyadu jiraan saacadaha 8 - 22) ama bolikilinigyada heeganka ee isbitaallada (maalin walba 24 saacba).

Heeganka xarunta daryeelka caafimaadka ee dadka waaweyni waa Isbitaalka Maria (dadka deggan Helsinki barigeeda, koonfurteeda bari, waqooyigeeda bari iyo waqooyigeeda) iyo Isbitaalka Haartman (dadka deggan Helsinki koonfurteeda, galbeedkeeda iyo bartamaha magaalada). 

Isbitaalka Haartman (Haartmanin sairaala)
Haartmaninkatu 4, dhismaha 12

Isbitaalkeeda Maria (Marian sairaala)
Lapinlahdenkatu 16, dhismaha 15 C (daarada gudaha)

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heeganka xarunta daryeelka caafimaadka waxaad ka heleysaa boggaga xarunta daryeelka caafimaadka, af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Bolikilinigyada heeganka ee isbitaallada

Markay dhacaan shilal ama ay yimaadaan jirrooyin u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, bolikilinigyada heeganka ee isbitaallada ayaa dadka bukaanka ah qaabila maalin walba afar iyo labaatanka saacba .

Bolikilinigyada heeganka ee isbitaallada af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Daryeelka caafimaadka ee qofka ajnebiga ah ee si ku meelgaar ah u jooga Helsinki

Qofka ajnebiga ah ee aan si joogto ah u deggenayn magaalada waxay noqonaysaa inuu bixiyo qiimaha dhabta ah ee daryeelka caafimaadka ee aan degdegga ahayn. Wararka kharashka ku saabsan oo af Finnish iyo af Ingiriis .

Waxaad kaloo fiirisaa Bangiga wararka boggiisa Markaad jirrato.

Daryeelka caafimaadka ee qoysaska ilmaha leh

Wararka ku saabsan adeegyada daryeelka caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Markuu ilmuhu jirrado

Markuu ilmuhu jirrado waxaad la xiriirtaa rugta daryeelka caafimaadka ee kuugu dhow ama waxaad wacdaa lambarka la talinta daryeelka caafimaadka (09) 10023, lambarkaas oo ah mid laga jawaabo 24 saac.

Habeenkii iyo Sabtiyada iyo Axadaha rugaha daryeelka caafimaadku way xiran yihiin. Carruurta iyo dhallinyarada 16 sano ka yar heegankoodu waa Isbitaalka Carruurta iyo Dhallinyarada ee Isbitaalka Dhexe ee Jaamacadda ee Helsinki (HYKS:n Lasten ja nuorten sairaala).

Stenbäckinkatu 11

Tel. (09) 4711

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heeganka carruurta iyo dhallinyarada af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Daryeelka caafimaadka ee iskuulka

Gudoonka waxbarashada boggagiisa waxaa ku qoran warar ku saabsan daryeelka caafimaadka ee iskuulka ee Helsinki, wararku waa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

xarunta caafimaadka boggageeda waxaa sidoo kale ku qoran warar af finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka ee iskuulka iyo ardayda.

Uurka

Daryeelka caafimaadka hooyadu waa qayb ka mid ah hawlaha rugaha daryeelka caafimaadka. Waxyaabaha la xiriira adeegyada daryeelka caafimaadka ee hooyada (äitiysneuvolapalvelut) waxaad weydiin kartaa rugta daryeelka caafimaadka ee xaafadaada.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka ee hooyada ee magaalada Helsinki af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Bogga Markuu ilmo kuu dhalanayo  waxaa la isugu soo ururiyey warar loogu talagalay dadka ilmuhu u dhalanayo, wararku waa af Finnish.

Dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda

Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Xaaladaha dhibaatooyinka ah waxa ku qoran warar ku saabsan adeegyada dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ee deegaanka magaalomadaxda.

Dadka Helsinki deggen adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda waxay ka helaa rugta caafimaadka ee xaafadda ay deggen yihiin. Rugaha caafimaadka waxaa lagu daaweeyaa cilladaha qalbiga ee aan sii weyneyn iyo dhibaatooyinka nolosha la xiriira . Haddii baahi timaado dhakhtarka rugta caafimaadka ayaa qofka bukaanka ah u gudbinaya bolikiliniga saykaateriga. Rugaha caafimaadka ee Helsinki af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Lambarka talosiinta ee adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda, tel. (09) 310 65721 maalin walba afar iyo labaatankeeda saac wuu adeegaa (dadka waxaa loogu adeegaa af Finnish, waxaa kaloo laysku dayaa in dadka loogu adeego af Iswiidhish iyo af Ingiriis).

Tilmaansiiyaha adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda ee Helsinki af Finnish.
 

Bolikilinigyada saykaateriga

Hadday timaado dhibaato degdeg ah oo saykaateriga ah, qofka bukaanka ah ama ehelkiisu waxay toos ula xiriiri karaan bolikiliniga saykaateriga ee qofka xaafadiisa qaabilsan. Bolikilinigyada saykaateriga af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Haddii iyadoo rugta daryeelka caafimaadka ama bolikiliniga saykaaterigu ay xiran yihiin ay timaado dhibaato degdeg ah oo caafimaadka maskaxda ah waxaa lala xiriiraa xarunta caafimaadka heegenkeeda Isbitaalka Maria ama heegankeeda Isbitaalka Haartman . Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heeganka xarunta caafimaadka af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Haddii si degdeg ah loogu baahdo daryeel saykaateriga ah oo isbitaal la gelayo waxaa la tegi karaa heeganka Isbitaalka Aurora. Heeganka saykaateriga af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Waxaad kaloo fiirisaa ururka Alvi ry guryihiisa nabadgelyada leh ee loogu talagalay baxnaaninta dadka leh jirrada caafimaadka maskaxda ah af Finnish iyo af Ingiriis.

Adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda ee carruurta iyo dhallinyarada

Hadday jiraan dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda oo carruurtu leedahay waxaa lala xiriiri karaa rugta caafimaadka ee xaafadda, rugta caafimaadka ayaa haddii loo baahdo hore u sii gudbineysa. Arrimaha la xiriira caafimaadka maskaxda waxaa kaloo lagala sheekaysan karaa qolada daryeelka caafimaadka carruurta iyo qolada daryeelka caafimaadka iskuulka iyo ardayda.

Daryeelka ilkaha

Goobaha daryeelka ilkaha waxaa wakhtigooda laga ballansadaa xaafadaha lambarkooda ballanqabsashada Isniin - Jimce saacadaha 8 - 16 ama waxaa loo ballansan karaa iyadoo la isticimaalayo ballanqabsashada elektoroonik ah. Ballanta ugu horaysa waa in telefoon lagu ballansadaa.

Rugaha daryeelka caafimaadka ee Helsinki boggaan waxaa ku jiro wax kasto oo quseeyo dhaqaatiirka ilkaha agriso ayadoo ah af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Carabi, af Ruush, af Kurdi, af Faransiis iyo af Somaali.

Goobaha daryeelka ilkaha ee magaalada Helsinki iyo lambarada ballamaha laga qabsado ee xaafadaha af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Adeegyada elektorooniga ah  ee daryeelka ilkaha af Finnish .

Markay jiraan waxyaabo degdeg ah waxaad la xiriiri kartaa heeganka daryeelka ilkaha.

Heeganka daryeelka ilkaha af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Wararka ku saabsan daryeelka ilkaha ee iskuulka ee Helsinki waxaad ka heleysaa boggaga gudoonka waxbarashada af Finnish iyo af Iswiidhish.

Daryeelka waxyaabaha maskaxda dooriya

Bogga Adeegyada daryeelka caafimaadka ee magaalada Helsinki (Helsingin kaupungin Terveyspalvelut) waxaa ku qoran warar ah af Finnish iyo af Iswiidhish oo ku saabsan Helsiki adeegyadeeda daryeelka waxyaabaha maskaxda dooriya.

Warar ku saabsan waxyaabaha imaan kara haddii marka uurka la leeyahay la cabbo sigaar ama la isticimaalo waxyaabaha kale ee maskaxda dooriya af Finnish iyo af Iswiidhish.

Kiliniga sigaarka ayaa dadka siiya talooyin ku saabsan sidii sigaarka loo joojin lahaa . Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish  iyo af Iswiidhish ah waxaad ka heleysaa boggaga xarunta caafimaadka.

Sekshiwaalka

Caawimo ku saabsan ka hortagga uurka iyo qorshaynta qoyska waxaad ka heleysaa rugtaada caafimaadka ama r ugta kala talinta arrimaha ka hortagga uurka (Ehkäisyneuvonta). Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan r ugta kala talinta arrimaha ka hortagga uurka af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Bangiga wararka boggiisa Sekshiwaalka waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha la xiriira sekshiwaalka.

Baaritaannada cudurada dumarka

Rugaha caafimaadka ee magaalada Helsinki baaritaannada gaynakolojiga ah waxaa lagu sameeyaa dumarka uurka leh ee u baahan ka hortagga uurka. Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish iyo af Iswiidhish ah. Wararka ku saabsan baaritaannada lagu sameeyo rugta daryeelka caafimaadka hooyada oo af Finnish iyo af Iswiidhish ah.

Cudurada ku dhaca xubnaha taranka

Helsinki dadka qaba cudurada xubnaha taranka waxaa lagu daaweeyaa rugaha caafimaadka iyo Isbitaalka Cudurada maqaarka iyo allrjiga qaybtiisa Bolikiliniga cudurada xubnaha taranka (Sukupuolitautien poliklinikka) (HUS = Daryeelka Bukaanka ee Helsinki iyo Uusimaa), loomana baahna in laguu gudbiyo.