Terveys pääkaupunkiseudulla
Daryeelka caafimaadka ee deegaanka magaalomadaxda gudihiisa
Bangiga wararka boggiisa Caafimaadka ayaad ka heleysaa wararka ku saabsan adeegyada daryeelka caafimaadka ee Finland.
Lambarka Xarunta caawimada degdegga ah (Hätäkeskus) oo ah 112 waxaa la wici karaa, haddii qofka naftiisu khatar ku jirtoa, ama si degdeg ah loogu baahdo caawimada booliska ama haddii la rabo in la soo sheego meel dab qabsaday oo gubanaysa.
Telefoonka la talinta caafimaadka ee deegaanka magaalomadaxda
Telefoonka la talinta caafimaadka oo ah (09) 100 23 waxaa la soo wici karaa marka loo baahdo warar ku saabsan adeegyada daryeelka caafimaadka ama marka loo baahdo warar ku saabsan sida loo daryeelo cudur ama jirro. Dadka waxaa loogu adeegaa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Lambarka la talinta caafimaadka 24 saacba waa la soo wici karaa. Adeeggu waa mid aamminaad leh, su’aalahana waxaa ka jawaaba kalkaalisooyin waayoaragnimo badan leh oo ah kalkaalisooyinka daryeelka bukaanka iyo kalkaalisooyinka daryeelka caafimaadka. Qiimaha telefoonka lagu soo wacaa waa qiimaha shirkadda telefoonku qaadato + qiimaha caadiga ah.
Wararka daryeelka caafimaadka ee degmo walba u gaarka ah
Daryeelka caafimaadka ee Helsinki gudeheeda
Daryeelka caafimaadka ee Espoo gudeheeda
Daryeelka caafimaadka ee Vantaa gudeheeda
Daryeelka caafimaadka ee Kauniainen gudeheeda
Warar ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis iyo meelo kugu xiraya oo ku saabsan adeegyada daryeelka caafimaadka ee deegaanka magaalomadaxda waxaad ka heleysaa adeegga shebekadda internetka ee HelsinginSeutu.fi .
Dhibaatooyinka labada qof ee isqaba ama wada nool
Labada qof ee isqaba ama wada nool dhibaatooyinkooda waxay caawimo iyo talo u weydiisan karaan Ururka dadweynaha (Väestöliitto) iyo terabiistayaasha birifaatiga ah.
Markuu ilmuhu jirrado
Markuu ilmuhu jirrado waxaa lala xiriiri karaa rugta daryeelka caafimaadka ee ugu dhow ama waxaa la wacaa lambarka la talinta daryeelka caafimaadka (09) 10023, lambarkaas oo ah mid laga jawaabo 24 saac. Wakhtiyada aanay shaqadu jirin waxaa kaloo la wici karaa ama la aadi karaa heeganka caafimaadka ee degmadaada, meesha lagala xiriirana waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Caafimaadka ee degmadaada. Waxaad kaloo fiirisaa Bangiga wararka boggiisa Markuu ilmuhu jirrado.
Meelaha soo socda ayaad weydiin kartaa caawimo ah in carruurta si ku meelgaar ah laguugu hayo:
Ururka dadweynaha (Väestöliiitto ) iyo Ururka badbaadinta carruurta ee Mannerheim (Muannerheimin Lastensuojeluliitto ).