Structure_LogoPart1



Boolis

Poliisi

Siduu dhigayo sharciga boolisku, hawlaha booliska waxaa ka mid ah, in boolisku sugo nabadgelyada bulshada iyo ilaalinta nidaamka. Waxaa kaloo hawlaha booliska ka mid ah, ka hortagga dembiyada iyo baaritaankooda.

Buug ku saabsan hawlaha booliska ee Finland gudeheeda oo ku qoran luuqadah soo socda:

Finnish
Soomaali
Albaaniyaan
Istooniyaan
Faransiis
Jarmal
Ruush
Isbeynn
Turki
Fiitnaam
Carabi
Kurdi

Baaritaanka dembiyada

Waddankan Finland dembiyada baaritaankooda iyo ka fekerka dembi ku soo oogidda waxaa u xilsaaran booliska. Haddad qof dacwo ka geyneyso, dacwada waxaad u gudbin kartaa saldhigga kuugu dhow ee booliska, adigoo dacwada booliska ugu gudbin kara telefoon ahaan, telefax ahaan, foomka shebekadda internetka ama arrinta dhacday waxaad u sheegi kartaa booliska wareegga. Haddii ay jirto sabab keeni karta in arrinta dhacday loo arko inay dembi noqon karto, markaas boolisku wuxuu bilaabaa inuu dacwada baaro.

Sharciyada ogolaanshaha ee ajnebiga

Dadka ajnebiga ah ee Finland ku nool booliska ayaa u ogolaada sharciga joogidda waddanka iyo kan shaqada, iyagaana cusboonaysiiya fiisaha caadiga ah iyo fiisayaasha noqoshada. Faahfaahin dheeraad ah oo mawduucan ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga booliska waxayna ku qoran yihiin Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.

Adeegyada sharciyada

Adeegyada sharciyada bixintooda ah ee booliska waxaa qaabilsan booliska degmada. Baasaboorada, kaararka aqoonsiga iyo kaararka wadidda gaadiidka (laysan) iyo ogolaanshaha haysashada hubka qoryaha la rido ayaa waxay yihiin sharciyada iyo ogolaansha boolisku bixiyo intaada badan. Boggaga booliska ayaad ka heleysaa warar dheeraad ah oo mawduucan ku saabsan iyagoo Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis ah.

Baasaboorada

Boolisku waxay bixiyaan baasaboorada ugu badnaan halka sano ah ama kuwa sannad ka badanba iyo baasaboorada badmareenada iyo kuwa dad koox ah la siinayo (merimies- ja seuruepasseja) ee dadka leh dhalashada Finland ah. Baasaboorka si qoraal ahaan ah ayaa looga codsadaa booliska degmada. Codsiga baasaboorka waxaad geyn kartaa meel kasta oo xafiis boolis ku yaallo, laakiin mar walba waxaa bixiya saldhigga booliska ee degmada. Boggaga booliska ayaad ka heleysaa warar dheeraad ah oo mawduucan ku saabsan iyagoo Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis ah.

Kaararka aqoonsiga

Booliska ayaa bixiya kaararka aqoonsiga ee elektrooniga ah, kaararka aqoonsiga, kaararka aqoonsiga ee ilmaha sideed iyo toban sano ka yar iyo kaararka aqoonsiga ee ku meelgaarka ah. Kaararka aqoonsiga waxaa laga dalbadaa booliska degmada. Codsiga kaarka aqoonsiga waxaad geyn kartaa meel kasta oo xafiis boolis ku yaallo. Boggaga booliska ayaad ka heleysaa warar dheeraad ah oo mawduucan ku saabsan iyagoo Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis ah.

Kaarka aqoonsiga ee qofka ajnebiga ah la siiyo

Boolisku wuxuu kaarka aqoonsiga (henkilökortti) siin karaa qofka ajnebiga ah ee si joogto ah Finland u deggan ee la geliyey diwaanka ay dadku ku jiraan, ahna qof macluumaadkiisa shakhsi ahaaneed loo caddayn karo si aamminaad leh. Kaarku ma aha dukumeenti loogu safri karo waddamada kale, laakiin Finland gudeheeda wuxuu uga shaqaynayaa caddayn ah dukumeenti aqoonsi ah. (sawir, 51 kb). Boggaga booliska ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo mawduuca ku saabsan oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Adigoo isticimaalaya shebekadda ayaad wakhti ka ballansan kartaa degmadaada booliskeeda adeegyada waxyaabaha la isu ogolaado.

Kaararka wadidda gaadiidka (leysanada)

Booliska ayaa bixiya kaararka qofka loogu ogolaanayo inuu gaadiid wadi karo. Kaarka ogolaanshaha wadidda gaadiidka si qoraal ah ayuu qofku shakhsi ahaan u tegeyaa saldhiga booliska degmada oo uu ka codsanayaa. Lacagta ogolaanshahana waxaa la bixiyaa marka codsiga aad geynayso. Boggaga booliska ayaad ka heleysaa warar dheeraad ah oo mawduucan ku saabsan iyagoo Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis ah.