Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Badbaadada hawlgabka

Eläketurva

Nidaamka hawlgabka ee Finland

Waddanka Finland waxaa ka jira laba nidaam oo hawlgab ah oo sharciga ku salaysan oo midba midka kale dhammaystiro:

  • Hawlgabka shaqada (Työeläkkeet) hawlgabka noocan ah qofku wuxuu ku heli karaa inuu ka shaqeeyo shaqooyin mushahar lagu qaato ama uu ganacsade yahay. Dadka ka shaqeeya shaqooyinka mushaharka lagu qaato iyo dadka ganacsadayaasha ahi waxay ka tirsan yihiin waxay ka tirsan yihiin nidaamka hawlgabka shaqada. Shaqabixiyaha waxaa waajib ku ah inuu shaqaalihiisa oo dhan geliyo caymiska hawlgabka, uuna bixiyo kharashka caymiska. Qofka iskiis u ganacsadaa isagaa iska bixiya kharashka caymiskiisa ku baxa.
  • Hawlgabka qaranka (Kansaneläkkeet) waxaa loogu talagalay dadka hawlgabka ah ee aan lahayn hawlgabka shaqada ama caddadka hawlgabkooda shaqadu yar yahay.

Labada nidaam ee hawlgabkuba waxay leeyihiin nooca hawlgabka waayeelka iyo nooca hawlgabka awood la’aanta shaqo. Hawlgabka waayeelku da’duu ku bilaaban karaa way kala duduwan tahay: sida caadiga ah nidaamka hawlgabka shaqada wuxuu bilowdaa markay qofka da’diisu tahay 63–68 sano, nidaamka hawlgabka qarankana wuxuu bilowdaa markay qofka da’diisu tahay 65 sano.

Qofka waddanka u soo guurey wuxuu hawlgabka xaq u yeelanayaa

Dadka waddanka u soo guurey ee muddo dheer oo ku filan Finland deggenaa waxay da’dooda darteed ama awood la’aan shaqo darteed u heli karaan hawlgabka oo ah nooca hawlgabka waayeelka ama nooca hawlgabka awood la’aanta shaqo. Caddadka lacagta hawlgabku noqonaysaa waxay ku xiran tahay muddada uu qofku Finland deggenaa ama Finland ka shaqaynayey.

Haddii qofka waddanka u soo guurey muddada uu Finland deggenaa aanay badnayn oo sidaas darteed lacagta hawlgabka ee uu helaa aanay ku filnayn, markaas Hay’adda Hawlgabka Qaranka (KELA) ayuu ka dalban karaa taageero khaas ah oo dadka waddanka u soo guurey loogu talagalay. Taageerada khaaska ah qofku wuxuu heli karaa, Hadduu Finland deggenaa ugu yaraan shan sannadood, xaaladiisa dhaqaalena liidato.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan taageerada khaaska ah ee dadka waddanka u soo guurey loogu talagalay waxaad boggaga Kela-da ka heleysaa iyadoo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Hawlgabka iyo taageerada khaaska ah mooyee Kela-du waxay kaloo dadka dakhligoodu yar yahay siin kartaa lacagta kaalmada ijaarka (asumistuki).

Haddii qofkaad isqabteen ama qofkii reerka masuulka ka ahaa dhinto, qofka laga dhintay iyo carruurtu waxay dalban karaa hawlgabka qoyska.

Dalbashada hawlgabka

Nooc walba oo hawlgabka ka mid ah waa in la dalbadaa. Hawlgabka shaqada iyo hawlgabka qaranka isku foom ayaad ku dalban kartaa, foomkana waxaad geyn kartaa xafiisyada Kelada midkaad doonto ama laanta adeegga ee hay’adda hawlgabka shaqada (työeläkelaitoksen palvelupiste) ama Xarunta Badbaadada Hawlgabka (Eläketurvakeskus). Hawlgabka awood la’aanta shaqo waxaa lagu dalbadaa foom gaar ah oo aan ahayn kan hawlgabka waayeelka. Waxaad isticimaali kartaa foomamka warqadaha ah ama foomamka shebekadda internetka. Hawlgabka waayeelkana waxaad toos uga dalban kartaa shebekadda internetka, haddii aad haysato aqoonsiyada bangiga ee shebekadda internetka loo isticimaalo (verkkopankin tunnukset).

Faahfaahin dheeraad ah

Boggaga Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela) waxaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan hawlgabka qaranka iyo taageerada khaaska ah ee dadka waddanka u soo guurey loogu talagalay, wararkaasina waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Boggaga Hawlgabka Shaqada (Tyoelake.fi) waxaa ku jira warar ku saabsan hawlgabka shaqada oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.