Asuminen Espoossa
Deggenaanshaha Espoo gudeheeda
Bangiga wararka boggiisa Deggenaanshaha waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan deggenaanshaha, hababka kala duduwan ee guryaha la deggen yahay iyo marka Finland gudeheeeda meel laga guurayo ee meel kale loo guurayo.
Deegaanka magaalomadaxda boggiisa Deggenaanshaha waxaad ku qoran warar iyo cinwaanno internetka oo kugu xiraya meelaha muddada gaaban la deggenaan karo, guryaha dhallinyaradu deggaan, sida loo dalbado guryaha uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshihiisa, guryo la’aanta iyo meelaha la geeyo alaabta aadan u baahnayn (kierrätyspisteet) ee ku yaalla deegaanka magaalomadaxda.
Guriyaha ah nooca uu qofku isagu iska leeyahay Espoo gudeheeda
Sannadkii 2008 horaantiisa guryaha dabaqyada ah ee wakhti hore la dhisay ee Espoo ku yaalla qiimohoodu wuxuu ahaa celcelis ahaan halkii mitir ee laba jibaaranba 2645 euro.
Guriyaha ah nooca uu qofku yeelanayo xuquuqa deggenaanshahooda
Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran liis af Finnish ah oo ay ku qoran yihiin guryaha Espoo ee ah nooca uu qofku yeelanayo xuquuqda deggenaanshahooda.
Qolyaha leh guryaha ijaarka ah ee Espoo gudeheeda
Bangiga wararka boggiisa waddanka oo dhan ku saabsan ee ah bogga Xaggee guri laga helaa waxaa ku qoran liiska qolyaha guryaha ijaarka ah laga kiraysto.
Guryaha ijaarka ee magaalada Espoo leedahay
Marka la dooranayo qofka guriga la siinayo waxaa la tixgeliyaa siduu qofku guri ugu baahan yahay iyo dhaqaalaha qofka soo gala. Dadka xitaa aan Espoo deggeneyn way dalban karaan guryaha. Warbixin kale waxaad ka helee Espoon Kruunu, tel. 09 816 58050, isniin - arbaco 9:00 - 12:00, jimce 8:00 - 12:00.
adereeska: Upseerinkatu 3 B, 02600 ESPOO
Waqtiyaha adeeg bixinta: isniin - arbaco 13:00 - 15:00, khamiis 13:00 - 17:00, jimco 8:00 - 12:00
Foomka waxuu ku qoranyahay af Finnish.
Guryaha loogu talagalay dadka khaaska ah
Guryaha magaalada Espoo leedahay ee loogu talagalay dadka naafada ah iyo guryaha adeegga ee waayeelka loogu talagalay waxaa lagu dalbadaa isla foomka lagu dalbado guryaha ijaarka ah ee magaaladu leedahay . Foomka codsiga oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish. Sida caadiga ah guryaha naafada (Inva-asunnot) ee loogu talagalay dadka naafada ah dadka la dejinayo waxaa soo jeediya qolada adeegyada naafada, guryaha adeegyada waayeelkana dadka la dejinayo waxaa soo jeediya qofka madaxda ka ah guriga adeegga. Guryaha adeegga ee magaalada Espoo af Finnish iyo af Iswiidhish.
Guuritaanka
Bangiga wararka boggiisa Markaad guureyso waxaa ku qoran warar muhiim ah oo ku saabsan guuritaanka.
Dadka ku talajira inay guuraan waxay talooyin af Finnish ku qoran ka helayaa bogga Wararka qofka guuraya loogu talagalay (Muuttajan tietopaketti) ee ku qoran boggaga internetka ee magaalada Espoo.
Daryeelka qashinka ee Espoo gudeheeda
Boggaga internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran warar af Finnish iyo af Iswiidhish ah oo ku saabsan daryeelka qashinka.