Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Aqoon aasaasi ah oo ku saabsan Finland

Perustietoa Suomesta

  • Finland waa jamhuuriyad, waxayna xubin ka tahay Midowga Yurub(EU)
  • Luuqadaha offishalka ee waddanku waa af Finnish iyo af Iswiidhish (dadka waddanka 5 % ayaa afkooda hooyo Iswiidhish yahay)
  • Tirada dadka ee waddanka ku nool qiyaastii waa 5 200 000
  • Helsinki oo ah magaalo-madaxda waddanka waxaa deggen qiyaastii 590 000 oo qof
  • Dhulka Finland cabirkiisu waa 338 127 km2, waxaana biyo ah 33 522 km2
  • Waddanka Finland dhererkiisu waa 1160 km oo ah koonfurta ilaa waqooyiga
  • Degmooyinkuna waa 336 (bilowgii 2011) Finland waxaa deris la ah Ruushka (dhinaca bariga), Norwey (waqooyiga) iyo Iswiidhen (galbeedka)

Boga internetka ee lifeinfinland.fi waxaa ku jira hage loogu talagalay dadka dalka u soo guuray, kaas oo ay ku jiraan macluumaad ku saabsan deganaanshaha iyo shaqo ka sameynta Finland, meelaha lagala xiriiro shaqaalaha dowladda iyo warar aasaasi ah oo ku saabsan dhaqanka iyo bulshada, Hagahaas waxaad ku heli kartaa luqadaha soo socda:

finnish

iswidish

ingiriis

rush

faransiis

isbanish

shiinees

carabi

Meelo kugu hagaajinaya boggag faa’iido leh

Shebekadda adeegga Finland (Suomi.fi –verkkopalvelu) waxaad ka heleysaa warar badan oo kala duduwan oo ku saabsan hay’adaha dowladda, guryaha iyo adeegyada Finland gudeheeda, kuwaas oo ku qoran luuqadaha Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.

thisisFinland waxaad ka heleysaa macluumaad af Ingiriis ah oo ku saabsanwaxyaabo ay ka mid yihiin bulshada Finnishka, dhaqanka iyo istaatikiska la xiriira Finland .

Shebekadda qaamuuska ah ee Wikipedia waxaa ku qoran aqoon guud oo Finland ku saabsan.

Boggaga shebekadda Xarunta Istaatikiska waxaa ku jira macluumaad istaatikis ah oo ku saabsan Finland oo ku qoran luuqadaha Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.