Peliriippuvuus
"Mi jiraan biyo dhoobo ah, oo aan maaxan."
(Maahmaah Filibiiiniyaan ah)
Haddii aad dareento in aad dhib ku qabto ciyaarta khamaarka, ciyaartuna ay dhibeyso noloshaada caadiga, waxaa wannaagsan inaad caawimaad raadsato. Dhibaatooyinka ciyaarta khamaarku waqtiga ayeey la xumaadaan.
Dhibaatooyinka ciyaarta khamaarka waxaad caawimaad uga heli kartaa meelaha soo socda.
-
Peluuri waa adeeg dawli ah oo loogu talagalay dadka qaba dhibaatooyinka ciyaarta khamaarka, ehelkooda iyo weliba dadka kale ee la kulma dhibaatooyinka ciyaaraha khamaarka.
- Magaalooyin badan waxaad uga qeybqaadan kartaa kooxda Gamblers Anonymous
- Adeegga shabakada ee isku xirka maan-dooriyaha waxaad ka heleysaa macluumaad badan oo ku saabsan dhibaatooyinka ciyaarta khamaarka oo luqado badan ku qoran. Päihdelinkki