Adeegyada qoyska iyo bulshada ee Turku gudeheeda ka jira (perhe-ja sosiaalipalvelut)
Xagee laga helaa taakuleyn dhaqaale?
Haddii aad noloshaada ugu baahan tahay taakuleyn dhaqaale , waa inaad la xiriirtaa Kelada (xafiisyadeeda Turku ama Varissuo), halkaas oo laga heli karo taakuleyn mudnaanta hore leh sida kaalmada ijaarka (toimeentulotuki). Intan wixii ka dambeeya waxaad xaq u leedahay inaad guno nololeed ka dalbato hay`adda arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee dagmada/magaalada Turku
KELA Turku
Adareeska la tago: Eerikinkatu 26, 20100 TURKU
Adareeska waraaqaha lagu diro: PL 366, 20101 TURKU
KELA Varissuo
Adareeska la tago: Littoistentie 81, 20610 TURKU
Adareeska waraaqahalagu diro: PL 40, 20611 TURKU
Xafiiska ajnabiga (ulkomaalaistoimisto) wuxuu u adeegaa dadka dhowaan waddanka yimid ee dib usooguurayaasha Inkeriga iyo dal usoo guurayaasha qaxootiga ah iyo xubnaha qoysaskooda
Xafiiska ajnabiga
Rauhankatu 14 bC
20100 Turku
tel. (02) 262 6111, wakhtiga taleefanka isniin-jimce 9.00-10.00
Dal usoo guurayaasha kale waxey ka daneysanayaan xafiisyada bulshada (sooshaal) ee xaafadohooda. waxaa lagugu hagayaa Xafiiska bulshada ee aad macmiilka ka noqoneysid ,ka dib markii aad xareysid arjigaaga u horeeya ee aad guno nololeedka ku dalbaneysid oo markaas go`aan laga soo gaaro. lbado guno nololeedka
Waxaad tafaasiil qeexan heleysaa markaad wacdo nambarka la talinta macaamiisha iyo falanqeynta gunada (asiakasneuvonta ja etuuskäsittely) ee hay`adda bulshada iyo caafimaadka dagmada Turku, iyagoo markaas warbixin kaa siinaya guno nololeedka iyo sida loo dalbado.
La talinta macaamiisha iyo falanqeynta gunada
tel. (02) 262 5001. wakhtiga taleefanka 8.30 - 15.00,.
Goobta wargalinta Infopiste, waxey maalmaha la shaqeeyo furan tahay 12.00 - 14.00, Linnankatu 23, 20100 Turku
Carruurta iyo dhalinyarada
Carruurta
Xagee laga helaa boos xanaano maalmeed sideese loo dalban karaa?
Daryeelka xanaanada ee dagmadu abaabusho
Waa in lasii dalbadaa booska xanaano ugu dambeyn afar bilood ka hor intuusan ilmuhu u baahanin daryeel xanaano. Hadii baahida daryeel ay kaliftay xaalad dag dag ah sida waalidka/masuulka oo shaqo lama filaan ah helay, waxbarasho iyo tacliin, waa in sida ugu dhakhsaha badan booska xanaano loo dalbado. Markaas wakhtiga daryeelka lagu abaabulayo waa ugu yaraan labo usbuuc gudohood. Qoyska ayaa foom arji ah ku dalbanaya booska daryeel.
Arjiyada waxaa laga helaa xanaanooyinka, hagayaasha daryeelmaalmeedka qoyska, madaxda adeegyada xaafadaha iyo laamaha daryeel maalmeedka. Arjiga iyo lifaaqiisaba waxaa lagu hagaajinayaa maamulaha xanaanada ama hagaha daryeelmaalmeedka qoyska ee xanaanada aad mudnaanta koowaad siineysid eed markaas booska ka dalbaneysid. Arjigu wuxuu shaqeynayaa muddo sanad ah, mana lagu diri karo qaab elegtoroonig ah. Nawaaxiga aad daryeel maalmeedka ka dalbaneysid wuxuu ku saleysan yahay cinwaanka gurigaaga. Waxaad foomka kasoo qaadan kartaa maamulka daryeel maalmeedka:
Linnankatu 23, dabaqa 5 aad
20100 Turku
Wakhtiga xafiisku shaqeeyo isniin-jimce 8.30-16.00 (waa la hubsanayaa)
Waxaa sidoo kale dalban kartaa daryeel maalmeed si gaar ah loo leeyahay, kaasoo kharashka ku baxa ay dagmadu ka qeyb qaadaneyso.
Xagee ayuu qoysku ka helayaa caawimaad markuu ku jiro xaalad nololeed oo adag?
Qoysaska iyo carruurtooda ku jira xaalad nololeed oo adag waxaa taakuleyntooda caawimaad uga heleysaa shaqaalaha bulshada ee qoysaska ciyaaleyda ah ee hay`adda bulshada iyo caafimaadka ee dagmada Turku. Waxaa adeegaas la heli karaa marka lala xiriiro hay`adda bulshada iyo caafimaadka ee dagmada Turku xafiiskeeda la talinta macaamiisha iyo falanqeynta gunada.
La talinta macaamiisha iyo falanqeynta gunada
tel. (02) 262 5001, wakhtiga taleefanka 08.30 - 15.00
Goobta wargalinta Infopiste, waxey maalmaha la shaqeeyo furan tahay 12.00 - 14.00, Linnankatu 23, 20100 Turku
Badbaadada carruurta
Xaaladaha cakiran ee qoysaska iyo carruurta waxey mararka qaar u baahdaan taakuleynta maaulka badbaadada carruurta
Badbaadada carruurtu waxey noqon kartaa taakuleynta masuuliyadda waalidnimada, gacan siin ama markey u daran tahay buuxinta booska waalidka. Ahmiyadda waxaa la siiyaa oo la tiigsadaa in ilmuhu ama dhallinyarada ya ku koraan kuna barbaaraan guryaha qoysaskooda. Maamulka badbaadada carruurta waxaa fuushan waajib sharcigu saaray oo ay haddii loo baahdo dhaqan galinayaan, xataa haduusan macmiilku rabin oo danta ilmaha ay markaas kaliifeyso in saas la sameeyo.
La xiriir adegga dag dagga ah ee sooshalka ama shaqaalaha sooshalka
Sameynta wargalin badbaado carruureed ee Turku gudeheeda
Waraaq ahaan:
Turun sosiaalipäivystys (Adeegga dag dagga ee sooshalka Turku)
PL 364
20101 Turku
Fakis (02) 2626 130
Taleefan ahaan:
Wakhtiga xafiisku furan yahay saacadaha 8.30 - 16.00 hay`adda bulshada iyoccaafimaadka ee Turku adeegeeda dag dagga sooshalka tel: (02) 2626 003.
Wakhtiga ka baxsan saacadaha shaqada, hadey dhacdo xaalad u baahan in laga sameeyo wargalin badbaado carruureed oo dag dag ah waxaa loo sheegi karaa xarunta amerjensiga taleefankooda 112. Xarunta amerjensiga ayaa wargalinta soo aadineysa sooshal dag dagga ah nawaaxiga Turku.
Xagee lala xiriiraa haddii loo baahdo talooyin ku saabsan barbaarinta carruurta?
Xarunta barbaarinta iyo la talinta qoyska (Kasvatus- ja perheneuvolasta) ayaad ka heleysaa talooyinka ku saabsan su`aalaha xiriirka ka dadka u dhexeeya, nolosha qoyska iyo barbaarinta carruurta. Waalidku ballan ayuu ka qabsan karaa xarunta barbaarinta iyo la talinta qoyska qeybteeda ballamaha laga qabsado.
Xarunta barbaarinta iyo la talinta qoyska
Kurjenmäenkatu 6, dhismaha. 31, 20700 Turku
Tel. (02) 2626 853 iyo (02) 2626 820, isniin-jimce saacadaha 12.00- 13.00.
Dhallinyarada
Warbixin faaido u leh dhallinyarada oo ku saabsan degaanka, shaqada, waxbarashada iyo wakhtiyada firaaqada ah waxaa laga helayaa bogga nuortenturku.fi
Xarunta arrimaha dhallinyarada (nuorisoasiainkeskus) ee dagmada magaalda Turku ayaa hawlo kala duwan dhallinyarada usoo bandhiga. Warbixin dheeri ah waxaad ka heleysaa qeybta dhallinta ee bangigawargalinta.
Xarunta arrimaha dhallinyarada
Puutarhakatu 14 A, dabaqa 4aad 20100 Turku
tel. (02) 330 000
Waayeelka
Xagee laga helaa adeegyada loogu tala galay waayeelka?
Shaqaalaha sooshalka ee daryeelka waayeelka ayaa macaamiishooda iyo ehelka waayeelka kala talinaya waxyaabaha ay kamidka yihiin arrimaha soo socda
- Marka waayeelku guriga isku maareyn karin xataa isagoo caawimo heysta
- Marka la rabo in wax laga ogaado goobaha daryeel:guryaha adeega, guryaha waayeelka
iyo gury aha daryeelka ee sida gaarka ah loo leeyahay.
- Wixii su`aal kale ah oo niyada lagu hayo.
Warbixinta ku saabsan adeegga dadka da`da ah waxaa laga helayaa bogga adeegyada waayeelka ee xarunta sooshalka magaalada Turku
Magaalada Turku
Hay`adda bulshada iyo caafimaadka/adeegyada waayeelka
Kristiinankatu 1
20100 Turku
tel. (02) 262 6111
Waa maxay adeegga naafada?
Naafada iyo dadka korriinka ka naafoobay waxaa la siiyaa adeeg iyo qalab saacida, si ay isugu filnaadaan.
Adeegga baxnaaninta ee hay`adda bulshada iyo caafimaadka magaalada Turku ayaa adeega khaas ah siiya naadafa. Warbixin ku saabsan adeegyadan waxaa laga helayaa bogga magaalada Turku qeybtiisa adeegga naafada (vammaispalvelut).
Xafiiska adeegga naafada (vammaispalvelutoimisto)
Linnankatu 23
20100 Turku
(02) 262 6111 (taleefan gudbiye)
Furan isniin-jimce 9.00 - 14.00
Ballamaha iyo wakhtiga taleefanka shaqaalaha sooshaalka 9.00 - 10.00
Waa maxay taakuleynta heynta ehliyadda?
Taakuleynta heynta ehliyadda (omaishoidontuki) waxaa loola jeedaa kharash iyo/ ama adeeg la isku siiyo heynta iyo daryeelka qof waayeel, naafo ama bukaan jiif ah lagu daryeelo guriga, taasoo lagu maareeyo qorshaha adegga iyo daryeelka.
Taakuleynta heynta ehliyadda waxaa Turku gudeheeda laga dalbadaa xafiiska adeegga naafada ee hay`adda bulshada iyo caafimaadka.
Xafiiska adeegga naafada (hubso)
Linnankatu 23
20100 Turku
(02) 262 6111 (taleefan gudbiye)
Furan isniin-jimce 9.00 - 14.00
Ballamaha iyo wakhtiga taleefanka shaqaalaha sooshaalka 9.00 - 10.00
Maxaa la sameeyaa haddii qoyska uu ka dhex dhoco gacan qaad?
Ma u baahno in loo samro gacan ka hadal qoyska dhexdiisa ka dhaca. Caawimaad ayaa diyaar laguula yahay Turku gudeheeda guryaha ammaanka iyo sooshalka dag dagga ah.
Caawimaad maalin iyo habeen ah waxaa laga helayaa guriga ammaanka ee Turku
(
Turun Ensi- ja turvakoti.)
Ururka Turun ensi- ja turvakoti ry
Luolavuorentie 7 a
20810 Turku
Tel.: (02) 513 4100
Taakuleyn iyo talo waxaa laga helayaa sooshalka dag dagga ah ee hay`adda bulshada iyo caafimaadka Turku
Sooshalka dag dagga:
maalmaha la shaqeeyo saacadaha 08.30- 16.00 tel. (02) 262 6003
wixii ka dambeeya saacadda 16.00 iyo sabtiyada/axadaha la xiriir talefoonka 112
(Nambarka amarjensiga)
Sooshalka dag dagga ee nawaaxiga Turku (Turku, Kaarina, Lieto, Paimio, Sauvo, Masku, Naantali, Nousiainen, Raisio, Rusko iyo Mynämäki) xilliyada ka baxsan wakhtiga shaqada iyo sabtida/axadda, wuxuu qaabilaa oo kaliya xaaladaha u baahan wax ka qabadka dag dagga ah. Waxaa sooshalka dag dagga ee nawaaxiga Turku lagala xiriiri karaa nambarka amarjensiga 112 oo kali ah.
Warbixin dheeri ah oo ku saabsan xaaladaha gacan qaadka waxaad ka heleysaa http://www.turvakoti.net.
Waxaa jira xafiis qofka fal dambi/gacan qaad lagu sameeyay ka caawiya Su`aalaha ku saabsan dhinaca xeerka/sharciga (Rikosuhripäivystys). Laantiisa Turku ayaa taakuleyn iyo caawimo noocaas ah diyaar la ah.
TALEEFANKA WAX CAAWIYA 0203 16116
Taleefan af finish wax ku caawiya oo waddankoo dhan ka jira isniin-talaado13 - 21 iyo arbaca-jimce 17 - 21. qaab taleefan ahaan ah.
Waxaad heleysaa talooyin iyo hagitaan.
LA TALIN SHARCI YAQAAN OO TALEEFAN AH 0203 16117
Sharci yaqaanno ayaa talo taleefan ah diyaar la ah
isniin-khamiis 17 - 19. Waxaad meeshaas ka hubsan kartaa wixii aad sharci ahaan xaq u leedahay
waxaanad ka heli kartaa arrintaas hagitaankeeda
Laantiisa Turku (Turun aluetoimisto)
Yliopistonkatu 24 B 28
20100 TURKU
tel..(02) 235 5055
Xagee caawimo looga helaa dhibaatada maandooriyaha?
Dhibaatada maandooriyaha waxaa caawimo looga heli karaa adeegga maandooriyaha ee hay`adda bulshada iyo caafimaadka Turku
Shaqaalaha sooshalka ayaa dadka dhibka ka heysto maandooriyaha waxey ku hagayaan adeegyada daryeelka maandooriyaha, waxeyna ka qeyb qaadanayaan xulidda meesha daryeelka. Waxaa dadka dhib maandooriye uu heysto ahmiyadooda koowaad la siiyaa adeegyada sheybaarka iyo terabiyada. Haddii loo baahdo qofkaas macmiilka ah waxaa loo diraa/hagaa daryeel looga soo kabto laguna gooyo/jaro maandooriyaha.
Tilmaamidda macmiilka
Macmiilka cusub wuxuu ballan ka qabsanayaa shaqaalaha bulshada/sooshalka, isagoo markaas wacaya taleefanka la talinta macaamiisha iyo falanqeynta gunada ee nambarkiisu yahay (02)2625 001, saacadda 08.30 - 15.00.
Dadka dhibaatada maandooriyaha ay heysato ee guri la`aanta ah waxaa loo hayaa adeegyo degaan.
Meelaha dadkaas ay adeegyada ka helayaan waxaa ka mid ah sida tusaale ahaan sheybaarka A ee Turku (Turun A-klinikka).
Sheybaarka A ee Turku
Brahenkatu 12 a 20100 Turku
Tel. (02) 2104400 fakis (02) 2104444
Wakhtiga uu furan yahay
8 – 15.45 isniin, arbaca – jimce
10 – 17.45 talaado (xagaaga 8 – 15.45)