Maailman musiikin keskus
Xarunta Muusiga Adduunku waa mid ka mid ah macadada muusiga ee Finland. Xarunta hawsheedu waa inay raadiso wararka ku saabsan noocyada muusiga adduunka ee kala duwan, isla markaasna ay siyaabo badan oo kala duwan u faafiso. Xaruntu waxay taageertaa cilmibaarista, waxay qabanqaabisaa munaasabado muusig, waxay soo saartaa cajalado iyo daabacaad, waxayna samaysaa warfaafin adduunka oo dhan ah.
Xarunta Muusiga Adduunku waxay ururisaa wararka ku saabsan muusishanada iyo kooxaha muusiga ee waddanka u soo guurey ee Finland ku nool, kuwaas oo soo bandhiga ama dadka bara muusiga dhaqamada ay ka yimaadeen. Sidoo kale xarunta waxaa yaalla ururin badan oo ka yimi qaaradaha adduunka oo dhan oo ah buuggaag, joornaallo, artikallo joornaallo laga soo gooyey iyo cajalado.