Kriisitilanteet
Boggagan waxaad ka heleysaa warar ku saabsan xaaladaha kala duduwan ee dhibaatooyinka degdegga ah leh iyo meelaha aad caawimo ka heli kartid. Boggagan waxaa ku qoran warar ku saabsandhibaatooyinka qoyska, dhibaatooyinka carruurta iyo dhallinyarada, dhibaatooyinka caafimaadka, dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda, dhibaatooyinka khamriga, dhibaatooyinka daroogada, qabatinka ciyaaraha khamaarka, dhibaatooyinka deynka, guri la’aanta, cunsuriyadda iyo takooridda, xaaladaha dagaalka leh, dembiyada iyo dhimashada.
Shaqaalaha maamulka ee kala duduwan iyo hay’adaha ururada shacabka qaarkood ayaad taageero ka heleysaa markay jiraan xaaladaha dhibaatooyinka ah intooda badan. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa shaqaalaha maamulka ee arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee degmadaada.
Tukinet
waa adeeg kaalmo ah xagga dhibaatooyinka ah oo luuqadda Finnishka ah, kuna yaalla internetka.
Xarunta SOS ee waaxda ajnebiga (SOS-keskus / Ulkomaalaisten kriisipalvelu) waxay Helsinki si lacag la’aan ah oo luuqado kala duduwan ah ugu caawisaa dadka waddanka u soo guurey iyo qoysaskooda. Waa in ballan hore looga sii qabsadaa.
Maistraatinportti 4 A, dabaqa 4aad
Tel. 09-413 50501
Boggaga Ururka caafimaadka maskaxda ee Finland (Suomen mielenterveysseura) waxaa ku yaalla meelo kugu xiraya, goobaha aad caamida ka heli karto markay ku haystaa dhibaatooyinka kala duduwan.
Xaaladaha khatarta ah
Fiiri bogga Xaaladaha khatarta ah.