Koulutus pääkaupunkiseudulla
Waxbarashada deegaanka magaalomadaxda gudehiisa
Bangiga wararka boggagiisa Waxbarashada waxaa ku qoran aqoon guud oo ku saabsan nidaamka waxbarashada ee Finland.
Cinwaanka internetka ee HelsinginSeutu.fi waxaa ku qoran cinwaanno meelo kugu xiraya iyo warar ku saabsan waxbarashada iyo cilmiga ee deegaanka magaalomadaxda ka jira, wararku waa af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Degmo walba boggeeda Waxbarashada waxaa ku qoran warar ku saabsan carruurta xannaano maalmeedkooda, waxbarasahda hore, waxbarashada aasaasiga ah iyo waxbarashada heerka labaad.
Waxbarashada Helsinki gudeheeda
Waxbarashada Espoo gudeheeda
Waxbarashada Vantaa gudeheeda
Waxbarashada Kauniainen gudeheeda
Xannaano maalmeedka carruurta ee deegaanka magaalomadaxda
Aqoon guud oo ku saabsan nidaamka xannaano maalmeedka ee Finland waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Carruurta iyo dhallinyarada .
Booska xannaano maalmeedka degmadu leedahay waxaa laga codsadaa degmada la deggan yahay deegaankeeda. Hase yeeshee sidaas waxaa ka duwan meelaha ku yaalla deegaanka wada isticimaalidda (yhteiskäyttöalueet), oo dadka meelahaas deggan waxay bos xannaano maalmeed oo magaaladu leedahay ka codsan karaan meel ka baxsan degmada ay deggan yihiin. Cinwaanka internetka ee HelsinginSeutu.fi ayaa waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ah af finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan deegaannada wada isticimaalidda. Booska xannaano maalmeedka degmadu leedahay marka la codsanayo waxaa lagu codsadaa foomka laga isticimaalo degmada uu qofku deggan yahay. Meelo kugu xiraya cinwaannada foomamku ku jiraan waxaad ka heleysaa degmooyinka deegaanka magaalomadaxda degmo walba boggeeda Waxbarashada.
Haynta carruurta ee ku meelgaarka ah
Meelaha soo socda ayaad weydiin kartaa caawimo ah in carruurta si ku meelgaar ah laguugu hayo:
Ururka dadweynaha (Väestöliiitto ) iyo Ururka badbaadinta carruurta ee Mannerheim (Mannerheimin Lastensuojeluliitto).
Waxbarashada hore iyo waxbarashada aasaasiga ah
Bangiga wararka boggiisa Waxbarashada aasaasiga ah waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan waxbrashada hore iyo waxbarashada aasaasiga ah ee Finland gudeheeda.
Sida caadiga ah carruurtu waxay dhigtaan iskuul waxbarashada aasaasiga ah oo degmada ay deggan yihiin ku yaalla oo waxay wax ku bartaan af Finnish ama af Iswiidhish, iskuulladuna inta badan waa lacag la’aan.
Ardayda asalkoodu yahay dadka waddanka u soo guurey ee aan aqoon af Finnish ama af Iswiidhish ku filan, waxaa la siiyaa waxbarashada diyaarinta ah. Waxbarashada diyaarintu waxay socotaa ugu badnaan hal sano. Waxbarashada waxaa af Finnish ama af Iswiidhish lagu bartaa erayada ama fikradaha muhiimka ah ee maadooyinka kala duduwan.
Ardayda asalkoodu yahay dadka waddanka u soo guurey ee deggan deegaanka magaalomadaxdu waxay kaloo xaq u leeyihiin inay luuqadooda hooyo bartaan intay waxbarasahda dugsiga hoose/dhexe ku jiraan oo dhan. Waxbarashada luuqadda hooyo waxaa sida caadiga ah ardayda loo dhigaa todobaadkiiba laba saacadood . Waxaa kaloo suuragal ah in ardaygu luuqadiisa hooyo ku helo taageero waxbarasho oo maadooyinka kale ah. Deegaanka magaalomadaxda waxaa lagu dhigaa qiyaastii 40 luuqadood oo ah luuqadda hooyo ah waxbarashadooda.
Deegaanka magaalomadaxda waxaa kaloo ka furan iskuullo badan oo barayfit ah iyo kuwo dowladdu leedahay oo waxbarashadooda lagu dhigto luuqado ajnebi ah . Iskuullada barayfitka ah waxbarashadoodu waa lacag. Iskuullada luuqadaha lagu dhigto inta badan waxaa loo galaa imtixaan luuqadda ah. Waxaa kaloo jira iskuullo leh fasallo ay suuragal tahay in waxbarashada lagu qaato laba luuqadood ama waxbarashada oo dhan lagu qaadan karo luuqad ajnebi ah, laga soo bilaabo fasalka koowaad ee dugsiga hoose/dhexe . Fasallada noocaas ah ardayda loo qaadanayo waxaa laga qaadaa tijaabo lagu ogaanayo inay ku haboon yihiin. Warar oo ku qoran af Finnish oo ku saabsan imtixaanka lagu ogaado ku haboonaanta (soveltuvuuskoe) waxaad ka heleysaa bogga internetka ee gudonka waxbarashada ee magaalada Helsinki. Wakhtiyada la qaado imtixaanada luuqadaha ee iskuullada barayfitka ah, waxaa toos loo weydiin karaa iskuulka la rabo in imtixaankiisa la galo.
Waxbarashada luuqad ajnebi ah lagu dhigto ee deegaanka magaalomadaxada
Cinwaanka internetka ee Helsinki.fi waxaa ku qoran aqoon guud oo ah af Finnish iyo af Ingiriis oo ku saabsan waxbarashada dugsiga hoose/dhexe ee deegaanka magaalomadaxda ee lagu dhigto luuqadaha ajnebiga ah.
Waxbarasahda dugsiga hoose/dhexe ee af Ingiriiska ah ee Helsinki gudeheeda af Finnish iyo af Ingiriis .
Waxbarasahda dugsiga hoose/dhexe ee af Ingiriiska ah ee deegaanka magaalomadaxda gudihiisa af Finnish iyo af Ingiriis .
Waxbarasahda dugsiga hoose/dhexe ee af Faransiiska ah ee Helsinki gudeheeda af Finnish iyo af Ingiriis .
Waxbarasahda dugsiga hoose/dhexe ee af Jarmalka ah ee deegaanka magaalomadaxda gudihiisa af Finnish iyo af Ingiriis .
Waxbarasahda dugsiga hoose/dhexe ee af Ruushka ah ee Helsinki gudeheeda af Finnish iyo af Ingiriis .
Waxbarasahda dugsiga hoose/dhexe ee af Istooniyaanka ah ee Helsinki gudeheeda af Finnish iyo af Ingiriis .
Waxbarasahda dugsiga hoose/dhexe ee af Isbaanishka ah ee Helsinki gudeheeda af Finnish iyo af Isbaanish Waxbarasahda dugsiga hoose/dhexe ee af Shiinaha ah ee Helsinki gudeheeda af Finnish , af Ingiriis iyo af Shiine
Ardayda deggan degmooyinka kale waa loo qaadan karaa iskuullada magaalada Helsinki leedahay, haddii marka ardayda Helsinki deggan la qaato ka dib ay soo haraan boosas bannaan. Haddii waxbarashadu leedahay imtixaanka lagu ogaanayo inuu ardaygu ku haboon yahay, markaas si waxbarashadaas loo helo waa inuu ardaygu imtixaanka ku baaso.
Waxbarashada heerka labaad ee deegaanka magaalomadaxda gudihiisa
Dugsiyada sare intooda badan iyo macadada xirfadaha badankooda waxaa waxbarashada lagu qaataa af Finnish ama af Iswiidhish, laakiin deegaanka magaalomadaxda waa suuragal in waxbarashada dugsiga sare lagu qaato af Ingiriis, af Faransiis, af Jarmal iyo af Ruush.
Cinwaanka internetka ee Helsinki.fi waxaa ku qoran warar ah af Finnish iyo af Ingiriis oo ku saabsan waxbarashada dugsiga sare ee Helsinki gudeheeda iyo meelo kugu xiraya boggaga internetka ee waxbarasahda dugsiga sare ee luuqadaha ajnebiga lagu qaato ee deegaanka magaalomadaxda gudihiisa.
Adeegga shebekadda internetka ee Selma waxaa ku qoran warar af Finnish ahoo ku saabsan waxyaabo ay ka mid yihiin Waxbarasahda ah u diyaarinta macadada xirfadaha waxbarashadooda ee loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey (Mava) iyo waxbarashada dhallinyarada ah dadka waddanka u soo guurey .
Cinwaanka internetka ee HelsinginSeutu.fi waxaa ku qoran warar ah af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis iyo meelo kugu xiraya oo ku saabsan waxbarashada iyo barashada tacliinta ee deegaanka Helsinki gudehiisa.
Iyadoo la isticimaalayo adeegga Internetka waxbarashada (Koulutusnetti) ama Hadda dalbo (haenyt) ayaa codsiga guud (yhteishaku) lagu dalbadaa waxbarashada dugsiyada sare iyo macadada xirfadaha.
Caawimo ah xagga xirfad doorashada
Bangiga wararka boggisa Caawimo xagga xirfad doorashada waxaa ku qoran warar ku saabsan, meesha laga helo caawimo ah xagga xirfad doorashada.
Dugsiyada tacliinta sare
Marka la qaato shahaadada aasaasiga ah ee cilmiga xirfadaha ama shahaadada dugsiga sare ka dib waxbarashada waxaa laga sii wadan karaa dugsiyada tacliinta sare . Bogga Koulutusnetti waxaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan sii wadashada waxbarashada.