Työ Espoossa
Shaqada Espoo gudeheeda
Bangiga wararka boggiisa Shaqada waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan sida shaqo loo raadsado , qofka shaqaalaha ah xuquuqda uu leeyahay iyo waajibaadka saaran, badbaadada shaqo la’aanta iyo sida Finland looga furto ganacsi ama shirkad.
Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Shaqada waxaa ku qoran warar ku saabsan shaqada deegaanka magaalomadaxda.
Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Espoo
Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Espoo qofka waddanka u soo guurey wuxuu danihiisa u tagaa qaybta adeegyada dadka waddanka u soo geerey ee Espoo (Espoon Maahanmuuttajapalvelut). Markuu qofku isqoro ayaa waxaa loo diraa in aqoontiisa la ogaado, ka dibna iyadoo taasi sal u tahay ayaa loo sameeyaa qorshaha shaqo raadsashada.
Qaybta adeegyada dadka waddanka u soo guurey waxay kaloo qofka macaamiisha ah ka caawisaa siduu shaqo u raadsan lahaa, haddii loo baahdana waxay u dirtaa koorsooyin uu qofku ku baran karo luuqadda Finnishka, aqoon xirfadeedyo lagu shaqaysto iyo aqoonta loo baahan yahay si loo shaqaysan karo. Dadka waddanka u soo guurey waxaa talooyinka lagu siiyaa af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Jarmal iyo af Faransiis. Hadday tusaale ahaan dhacdo in aanay jirin luuqad laysku afgarto, oo turjubaan loo baahdo, xafiiska shaqada iyo xoogsashada ayaa dalba turjubaan.
Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Espoo (Espoon työ- ja elinkeinotoimisto)
Upseerinkatu 3 B
02600 Espoo
Tel. 010 60 40 105 (telefoonada ayaa laga gudbiyaa)
Faksi 010 60 71040
espoo(at)mol.fi
Sida loola xiriiro Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Espoo oo ah af Finnish iyo af Iswiidhish .
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shaqada iyo xoogsashada ee Finland gudeheeda waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Xafiisyada shaqada iyo xoogsashada .
U shaqaynta magaalada Espoo?
Magaalada Espoo boosaska shaqooyinkeeda ee bannaan ee joogtada ah iyo kuwa ku simidda ah ee bannaan ee soconaya in 4 bilood ka badan waxaad ka heleysaa magaalada Espoo boggageeda Shaqooyinka bannaan (avoimet työpaikat ). Boosaska shaqada ee bannaan ee magaalada Espoo waxaa kaloo lagu soo qoraa adeegga shaqo raadinta ee Monster iyo boggaga internetka ee xafiiska shaqada, waxayna ku qoran yihiin af Finnish iyo af Iswiidhish
Aqoonyahannada qaybta shaqaalaynta (Rekrytointiyksikön asiantuntijat) ayaa dadka shaqada raadinaya ka caawiya arrimaha la xiriira shaqaaloobidda. Boggaga shebekadda internetka ee magaalada waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shaqooyinka magaalada iyo xirfadaha shaqada iyo weliba magaaladu shaqabixiye ahaan sida tahay, faahfaahimahaasi waxay ku qoran yihiin af Finnish iyo af Iswiidhish .
Shaqooyin ku meelgaar ah oo laga helo magaalada Espoo
Wararka ku saabsan shaqooyinka ku meelgaarka ah ee magaalada Espoo bixiso waxaad ka heleysaa boggaga shebekadda internetka ee Shirkadda adeegga shaqaalaynta dadka ee Seure .
Ganacsi ama shirkad ka furasho Espoo?
Espoo gudeheeda dadka shakhsiyaadka ah ee ku talajira inay ganacsi ama shirkad furtaan waxaa caawiya Ururka xarunta shirkadaha cusub ee deegaanka Espoo (Espoon Seudun Uusyrityskeskus ry ). Xarunta shirkadaha cusub waxyaabaha ay kuu qabanaysaa waa lacag la’aan, waana aammin. af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Qofka waddanka u soo guurey ee Espoo deggen ee ku talajira inuu ganacsi ama shirkad furto wuxuu kaloo caawimo ka heli karaa Shirkadda Helsinki (YritysHelsinki). Warbixinta Shirkad-Helsinki waxaad helikartaa ayadoo ah af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Istoniya, af Ruush iyo af Carabi .
Macadka waxbarashada dadka waaweyn ee Espoo (Espoon työväenopisto ) sannad dugsiyeed walba laba goor ayuu qabanqaabiyaa koorsooyin loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey oo lagu barto ganacsi ama shirkad furashada.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida ganacsi ama shirkad looga furto Finland gudeheeda waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiissa Shirkad aad leedahay .