Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Warar adeegga ku saabsan

Tietoa palvelusta

Warar ku saabsan adeegga

Adeegga shebekadda Infopankki.fi wuxuu taageeraa siday dadka waddanka u soo guurey ula qabsan lahayeen waddanka, oo adeegga shebekadda waxaa laga helaa warar 15 luuqadood oo kala duduwan ah oo ku saabsan bulshada Finland iyo adeegyadeeda, waana warar loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey ee isticimaala adeegga shebekadda. Boggaga Infopankki.fi waxaa ku qoran warar aasaasi ah oo ku saabsan waxyaabo ay ka mid yihiin arrimaha ogolaanshaha sharciga (lupa-asiat), waxbarashada iyo shaqada, barashada luqadaha finnishka iyo ingiriiska, deggenaanshaha guryaha iyo adeegyada sooshalka, bulshada, dhaqanka iyo wakhtiyada firaaqada ah (madadaalooyinka).

Adeegga shebekaddu (Verkkopalvelu) wuxuu leeyahay saddex kooxood oo muhiim ah oo loogu talagalay:

  • dadka waddanka u soo guurey ee Finland deggen
  • shaqaalaha dowladda ee arrimaha dadka waddanka u soo guurey
  • dadka ajnebiga ah ee ku talajira inay u soo guuraan Finland

Bangiga wararku (Infopankki) wuxuu u adeeggaa dadka waddanka u soo guurey ee Finland oo dhan jooga, laakiin gaar ahaan Bangiga wararku wuxuu u adeegaa dadka waddanka u soo guurey ee deggan magaalooyinka Bangiga wararka xubinta ka ah. Boggaga waxaa ku qoran warar u gaar ah Deegaanka Helsinki (Helsinki, Espoo, Vantaa iyo Kauniainen), Turku, Tampere,  Koofurta-Savo (Mikkeli, Savonlinna iyo Pieksämäki) Kuopio, Rovaniemi iyo weliba deegaanka Kainuu (Kainuun maakunta). Mustaqbalka xitaa degmooyin cusub way ku soo biiri karaan adeegan oo xubin bay ka noqon karaan.

Bangiga wararku (Infopankki) luuqadaha uu ku qoran yahay waa Finnish, Iswiidhish, Ingiriis, Istooniyaan, Faransiis, Ruush, Soomaali, Serbokroati, Turki, Carabi, Farsi, Shiine, ISbeyn, Albaaniyaan iyo Kurdi (sorani). Luuqadaha oo dhan bogagooda waxyaabaha ku jira warar isku mid ah ayaa ku qoran, sidaas darteed arrintu xitaa iyadoo dhexda kuu maraysa ayaad luuqad kale u wareegi kartaa oo isla arrintii ka fiirsan kartaa.

Infopankki.fi wuxuu ku salaysan yahay isurursi (verkostoituminen), wadashaqayn iyo war isdhaafsi ka dhexeeya shaqaalaha dowladda, hay’addaha iyo ururada shacabka ah (kolmas sektori), dadka waddanka u soo guurey iyo qolyaha kale ee wax wada qabsiga lala leeyahay. Waxyaabaha ku saabsan wararka guud ee adeegga shebekadda waxaa u xilsaaran maamulka Bangiga wararka ee Helsinki (Infopankin Helsingin toimitus), kaasoo sidoo kale daryeela adeegga wararka ee qaybta Deegaanka Helsinki. Adeegga wararka waxaa ka shaqeeya todoba qofood. Wararka kale ee degmo walba gaarkeeda u saameeya waxaa u xilsaaran maamulka degmada uu warku ku saabsan yahay.

Sii cusboonaysiinta adeegga shebekedda ee Bangiga wararka 2009-2012

Inta lagu jiro sannadaha 2009-2012 ayaa adeegga shebekedda lagu samaynayaa sii cusboonaysiin ah xagga waxyaabaha ku qoran, xag dhismo ahaaneed iyo xag farsamo ahaaneedba. Sii cusboonaysiintu waxay keeneysaa in Bangiga wararku noqdo mid sidii hore si ka fiican ugu adeega kooxaha kala duduwan ee ah dadka waddanka u soo guurey. Sii cusboonaysiinta marka la samaynayo waxaa iyana tixgelin la siinayaa dadka waddanka ugu soo guura shaqo darteed, ardayda iyo dadka qaxootiga ah iyo weliba siyaabaha wararka ay u baahan yihiin u kala duduwan yihiin. Waxaa la aasaasay guddi isticimaalayaal ah oo ka kooban 15 qof oo ah dadka waddanka u soo guurey, guddigaasna waxaa loogu talagalay inuu taageero sii cusboonaysiinta adeegga shebekadda. Mawduucyada dib u habaynta ka muuqanayaa waa sinnaanta, isku qiimo ahaanshaha iyo ka qeybqaadashada. Adeegga shabakada cusub wuxuu furmaayaa sannadka 2012.   

Codsashada kooraska luqadda finnishka

Codsashada kooraska luqadda finnishku waa qeybta ugu horeysay ee adeegga shabakadda cusub. Codsashada kooraska waxaa laga helaa www.finnishcourses.fi.

Codsashada koorasku wuxuu meel isugu keenayaa warar ku saabsan koorasyada luqadda finnishka ee Agagaarka Helsinki kaas oo loogu talagalay dadka dalka u soo guuray. Adeeggu wuxuu ogeysiiyaa koorasyada dadka oo dhan u furan ee dadka waa weyn ku jiheysan. Wararka kooraska waxaad ku raadsan kartaa finnish, ingiriis iyo ruush.  

Marka sii cusboonaysiinta lagu samaynayo adeegga shebekadda ee Bangiga wararka waxaa kaloo laga faa’iideysanayaa oo la isticimaalayaa wararka loogu talagalay dadka shaqo darteed waddanka ugu soo guurey, wararkaas oo lagu soo diyaariyey mashuuca Wakaalada Kiimikada ee Yurub ee magaalada Helsinki (Helsingin kaupungin Euroopan kemikaaliviraston = ECHA), mashruucaas oo wakhtigiisu yahay (2007-2009).

Maamuliddaiyo maalgelinta adeegga

Bangiga wararka horumarintiisa iyo sii cusboonaysiinta waxaa suuragal ka dhigaya heshiis wadashaqayn ah oo shan sannadood ah (2009-2013) oo ay wada galeen dowladda iyo degmooyinku. Hay’adaha dowlada ee maalgelinta ka qaybqaadanayaa waa wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda shaqada iyo xoogsashada (työ- ja elinkeino­ministeriö), wasaaradda waxbarashada iyo Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela). Waxaa kaloo intaa dheer in adeegani wasaaradda maaliyadda ka dalbanayo taageerada dowladda, si boga loo horumariyo, loona maalgeliyo. Qaybta degmooyinka waxaa u xilsaaran degmooyinka xubnaha ka ah. Codsashada koorasyada luqadda finnishka ee agagaarka Helsinki waxaa lagu horumariyaa maalgelinta ESR. Waxqabadka Bangiga wararka waxaa haga koox hagitaan (ohjausryhmä) oo xubneheedu ka kala socdaan qolyaha waxqabadka maalgeliya. Maamul ahaan Bangiga wararku wuxuu hoos yimaadaa xarunta maamulka ee Helsinki (Helsingin kulttuurikeskus).

Taariikh

Adeegga shebekadda ee Bangiga wararku (Infopankki.fi -verkkopalvelu) wuxuu ka dhashay mashruuc ahaa Xarunta Waxbarashada Furan oo ahaan sannadihii 2001–2003 (Avoin oppimiskeskus-projekti). Mashruuca waxaa si wadajir ah u hirgeliyey Xarunta Dhaqamada Caalamiga ah ee Caisa iyo maktabadda magaalada Helsinki (Kansainvälisen kulttuurikeskus Caisa; Helsingin kaupunginkirjasto) Xarunta dhaqanka Helsinki dhexdeeda. Sannadkii 2005 Bangiga wararka waxaa ku soo biiray magaalooyinka Turku iyo Tampere, sanadkii 2006 waxaa ku soo biiray magaalooyinka Rovaniemi, Kuopio iyo deegaanka Kainuu. Espoo, Vantaa iyo Kauniainen boggagooda waxaa la furaysannadkii 2009 iyagoo ka mid ah qaybaha Deegaanka Helsinki. Adeegga Bogga bangiga wararka ee Oulu waxaa la furay sannadka 2010. Koofurta-Savo waxay adeegan bangiga wararka ku soo biirtay dhamaadkii sannadkii 2010.

Adeegga Xarunta wararka ee dhaqamada kala duduwan ee deegaanka oo la yiraahdo Selma waana mid loogu talagalay shaqaalaha deegaanka Helsinki ee ka shaqeeya hawlaha arrimaha dhaqamada kala duduwan iyo hawlaha arrimaha dadka waddanka u soo guurey Selma waxay ku biirtay bankiga  wararka sanadkii 2009. Nidaamkeeda iyo agabkeedaba waxaa looga faa’iideysanayaa dib u cusbooneysiinta adeegga shabakadda. Shaqada Selma.net waxay dhamaatay markii ogeysiiska koorasyada luqadda finnishku ay ka bilowdeen cinwaanka finnishcourses.fi. Sanadka 2012 bankiga wararku wuxuu ka wareegay Xarunta dhaqanka isagoo qeyb ka noqonaya warbaahinta magaalada Helsinki. Islamarkaasna waxay shaqadii Bankiga wararka ee aheyd mashruuc ku meelgaar ah u wareegtay adeeg joogta ah oo ka jira agagaarka Helsinki.