Terveys Oulussa
Caafimaadka
Bangiga wararka boggiisa Caafimaadka ayaa lagaga sheekaynayaa adeegyada caafimaadka ee Finland.
Magaalada Oulu waxay u qaybsan tahay sideed deegaan oo daryeelka caafimaadka ah. Deegaan walba oo caafimaadka ah wuxuu u xilsaaran yahay dadka deegaankaas deggan daryeelkooda caafimaadka. Deegaan walba oo caafimaadka ah wuxuu leeyahay rugtiisa caafimaadka. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Adeegyada caafimaadka ee la siiyo dadka qaxootiga ah, dadka waddanka dib ugu soo guurey iyo dadka magangelyada codsaday
Dadka waddanka u soo guurey ee cusub Villa Victor waxay sidoo kale siisa adeegyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka. Dadka iyagoo qaxooti ah waddanka yimaada waxaa adeegyada la siiyaa muddo saddex sano ah, dadka asalkoodu Finnishka ka soo jeedo (inkerinsuomalaiset) ee soo guura waxaa adeegga la siiya lixda bilood ee ugu horeeya. Intaas wixii ka dambeeya adeegga waxaa laga helaa magaalada adeegyadeeda arrimaha bulshada iyo rugaha caafimaadka, meesha adeegga laga helayaana waxay ku xiran tahay guriga uu qofku deggan yahay cinwaankiisa.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee dadka qaxootiga ah la siiyo, waxaad ka fiirisaa magaalada Oulu boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Adeegyada daryeelka caafimaadka ee dadka magangelyada codsaday waxaa bixiya xerada qaxootiga.
Rugaha caafimaadka
Magaalada Oulu waxaa meelo kala duduwan kaga yaalla rugo caafimaadka ah, rugahaas caafimaadkuna waxay qaabilsan yihiin inay daryeelka caafimaadka siiyaan ugu horay dadka deggan xaafadaha ay qaabilsan yihiin. Ballanqabsashada ka dhaxaysa rugaha caafimaadka oo dhan ayaa laga qabsan karaa wakhti ballan ah oo lagula kulmo dhakhtar ama kalkaalisada bukaanka. Maalmaha shaqadu jirto, hadday xaalad degdeg ah timaado, rugaha caafimaadka ayaad aadi kartaa. Magaalada Oulu rugeheeda caafimaadka oo dhan sida loola xiriiro wararkooda waxaad ka heleysaa bogga internetka ee magaalada Oulu af Finnish iyo af Ingiriis.
Wakhti ballansashada
Lambarka wakhtiyada laga qabsado ee ka dhexeeya ayaa laga qabsadaa wakhti ballan markaad rabto inaad ballan ka qabsato rugta caafimaadka (terveyskeskus), sheybaarka (laboratorio) ama rugta caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka (neuvola). Marka layska qaadayo baaritaannada sheybaarka, waa inuu dhakhtar kuwa degmada u shaqeeya ah kuu diray baaritaannada. (Diritaanka uu ku soo diro dhakhtar barayfit ah ama dhakhtarka daryeelka caafimaadka shaqaaluhu kama soconayaan sheybaarka.) Haddii telefoonadu mashquul yihiin, fariinqaadaha ayaad fariin ku reebi kartaa. Fariimaha iyo codsiyada soo wicidda ah oo dhan sida ugu dhakhsaha badan ee duuragalka ah baa looga jawaabaa.
Lambarka telefoonka ee wakhtiyada laga qabsado ee ka dhexeeya waa 08 558 44355.
Daryeelka caafimaadka ardayda
Ardaydu waxay leeyihiin adeegyo daryeel caafimaad oo u gaar ah. Wararka oo faahfaahsan ka fiiri magaalada Oulu boggeeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Ardayda jaamacaddu waxay leeyihiin adeegyo dhakhtar, dhakhtarka ilkaha iyo adeegyo caafimaadka maskaxda oo u gaar ah. Faahfaahin dheeraad ah ka fiiri aasaasiyada daryeelka caafimaadka ardayda dugsiyada sare ka baxday (ylioppilaiden terveydenhuoltosäätiö) boggageeda internetka (af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis).
Cusboonaysiinta rijeetooyinka daawooyinka
Rijeetada daawada ee hore laguu siiyey waxaad ka cusboonaysiisan kartaa rugaha caafimaadka (terveyskeskus). Sida caadiga ah rijeetada waxaa la cusboonaysiiyaa oo keliya, haddii isla rugtaas caafimaadka lagugu daaweeyey, oo wakhtigii meeshaas lagugu daaweeyey ay ka soo wareegtay in laba sannadood ka yar. Rijeetooyinka la cusboonaysiinayo waxaa lagu ridi karaa sanduuqa meesha yaalla, rijeetooyinkii la cusboonaysiiyeyna waxaa laga soo doontaa rugta caafimaadka goobteeda adeegga. Cusboonaysiinta rijeetooyinku waxay qaadataa ugu badnaan hal todobaad. Rugtaada caafimaadka weydii wixii faahfaahin dheeraad ah.
Tallaalada
Finland carruurta oo dhan si lacag la’aan ah ayaa looga tallaalaa sagaal cudur oo cudurada faafa ah. Tallaaladu cudurada ay ka hortagaan waa cuduro dhammaantood khatar ah, oo waa cuduro haddii aan la iska tallaalin loo dhiman karo ama keeni kara cilladdo weligood jiraya. Dadka Finland joogaya wakhti gaaban waxaa lagula taliyaa inay qaataan tallaallada lagaga hortago teetanada iyo gowracatada iyo tallaalka MPR (busbuska, qaamaqashiir, jadeeco jarmalka).
Dadka qaangaarka ah ee Oulu deggan waxay rugtooda caafimaadka ka heli karaan tallaallada aasaasiga ah iyo haddii rijeeto loogu soo qoro tallaalka cagaarshowga. Carruurta aan da’da iskuulka gaarin waxaa lagu tallaalaa rugaha daryeelka hooyada iyo dhallaanka (neuvola), carruurta iskuulleyda ahna waxaa tallaala kalkaalisada daryeelka caafimaadka ee iskuulka. Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad weydiin kartaa rugtaada caafimaadka.
Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga magaalada Oulu (af Ingiriis), iyo bogga tallaal.fi (rokote.fi) (af Finnish)
Heeganka
Hadduu ku qabto xanuun u baahan in degdeg wax looga qabto, maalmaha shaqadu jirto waxaad tegi kartaa rugtaada caafimaadka heegankeeda. (Ka fiiri meesha Rugaha caafimaadka). Subxihii iyo wakhtiga fiidka ah iyo Sabtiyada iyo Axadaha iyo wakhtiyada fasaxyada guud rugaha caafimaadku way xidhan yihiin, adeegyada daryeelka caafimaadkana waxaa laga helaa magaalada Oulu heegankeeda xaafadaha oo dhan ka dhexeeya. Intaadan heeganka aadin ka hor, waxaa fiican inaad marka hore telefoon u dirto oo u sheegto dhibaatada. Telefoonada wakhti walba oo habeen iyo maalinba ah waa laga jawaabaa. Dadka bukaanka ahna siday u kala daran yihiin baa loo kala hor daaweeyaa.
Heeganka xaafadaha oo dhan ka dhexeeya wuxuu ku yaallaa Isbitaalka Dhexe ee Jaamacadda ee Oulu, cinwaankiisuna waa
Kajaanintie 50, sisäänkäynti A1
Tel. 08 315 2655
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xanuunada u baahan in degdeg wax looga qabto daaweyntooda iyo kharashka daryeelka caafimaadka ee la iska qaado, waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggeeda internetka af finnish iyo af Ingiriis.
Bangiga wararka qaybtiisa Oulu boggeeda Xaaladaha dhibaatada leh, ka fiiri sida la sameeyo markay jirto xaalad dhibaato ah oo in degdeg wax looga qabto u baahan.
Adeegyada daryeelka caafimaadka ee carruurta iyo dhallinyarada
Rugaha daryeelka hooyada iyo dhallaanka (neuvolat) ayaa bixiya adeegyada loogu talagalay qoysaska carruurta sugaya (uurka leh) iyo carruurta aan da’da iskuulka weli gaarin. Meelahaas waana la wici karaa oo talooyin baa la weydiin karaa. Marka wakhtiyo la ballansanayo iyo marka wax la weydiinayo waxaa la wici karaa lambarka wakhti ballansashada ee ka dhexeeya oo ah 08 558 44355.
Daryeelka caafimaadka ee iskuulladu wuxuu daryeelka caafimaad siiyaa iskuulleyda dhigata dugsiyada hoose/dhexe iyo ardayda dhigata dugsiyada sare. Faahfaahin dheeraad ah ka fiiri magaalada Oulu gudoonkeeda waxbarashada boggagiisa af Finnish iyo af Ingiriis.
Rugta daryeelka dhallinyaradu (Nuorten neuvola) waxay daryeel caafimaad siisaa dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 20 sano. Adeegyada daryeelka caafimaadka mooyee waxaa kaloo meeshaas la weydiin karaa waxyaabaha ku saabsan ka hortagga uurka iyo uurka, waxaana laga dalban karaa warbiximo dhakhtar, tusaale ahaan wakhtiga gurmadka (armeija) ama sannadka arday beddel ahaan (vaihto-oppilasvuosi) waddan kale loo aadayo dartood. Kiliniga dhallinyarada waxaa jooga dhakhtar, kalkaaliso daryeelka caafimaadka ah iyo caawiye rugta caafimaadka. Faahfaahin dheeraad ah ka fiiri magaalada Oulu boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Uurka
Haddii aad dareento inaad uur leedahay, ballanqabsashada ka dhaxaysa ka dalbo wakhti ballan rugta daryeelka hooyada iyo dhallaanka ah (neuvola). Lambarka telefoonku waa: 08 558 44355.
Daryeelka ilkaha
Rugaha daryeelka ilkaha ee magaaladu leedahay waxay furan yihiin maalmaha shaqada. Meesha wakhtiga laga qabsadaa wakhti dheer bay furan tahay.
Markay jiraan waxyaabo u baahan in degdeg wax looga qabto, wakhtiyada kilinigyadu xiran yihiin, daryeel waxaa laga helaa rugta daryeelka ilkaha ee Turantori (Tuirantorin hammashoitola) oo cinwaankeedu yahay Jatkotie 2. Haddii wax khatar ah dhacaan, toos ula xiriir heeganka xaafadaha oo dhan ka dhexeeya.
Sida loola xiriiro rugaha daryeelka ilkaha iyo faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Daawooyinka
Waddanka Finland daawooyin waxaa laga soo gadan karaan farmashiyada oo keliya. Adeega Oulu daryeelka ay leedahay (Oulun omahoito –palvelu) ayey ku qoran yihiin sida loola xiriiro farmashiyada Oulu ku yaalla af Finnish.
Adeegyada caafimaadka maskaxda
Adeegyada caafimaadka maskaxdu waxay dadka reer Oulu caawimo iyo taageero ku siiyaan daryeelka dhibaatada u baahan in degdeg wax looga qabto (kriisit), daryeelka saykaateriga ah (psykiatrinen hoito), baxnaaninta (kuntoutus) iyo adeegyada guriga (kotipalvelut). Faahfaahin dheeraad ah iyo af Ingiriis
Haddii aad arrimaha caafimaadka maskaxda dartood u baahan tahay caawimo, ugu horayn waxaad la xiriiri kartaa rugtaada caafimaadka, markaas iyadaa kuu diraysa daryeel si soconaya. Rugaha caafimaadka ee Oulu (Oulun terveyskeskukset) af Finnish iyo af Ingiriis.
Waxaad kaloo si toos ah talo u weydiin kartaa xafiiska caafimaadka maskaxda (mielenterveystoimisto). Haddii aad arrimaha caafimaadka maskaxda dartood u baahan tahay caawimo iyo taageero, ama aad rabto inaad ogaado siday qof ehelkaaga ah suuragal ugu tahay inuu daryeel helo, la xiriir xafiiska caafimaadka maskaxda. Sida loola xiriiro xafiisyada caafimaadka maskaxda waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Xaaladaha dhibaatada leh markay jiraan waxaad la xiriiri kartaa heeganka caafimaadka maskaxda (mielenterveyspäivystys). Looma baahna in ballan la qabsado, laakiin waxaa fiican in heeganka intaan la imaan ka hor telefoon loo soo diro. Marka xaaladaada la qiimaynayo qof wehel ah waad soo kaxaysan kartaa. Faahfaahin dheeraad ah iyo sida loola xiriiro waxaad ka fiirisaa magaalada Oulu boggeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.
Adeegyada kale ee daryeelka caafimaadka
Isbitaalka Jaamacadda ee Oulu wuxuu Oulu u qaabilsan yahay waxyaabo ay ka mid yihiin daryeelka khaaska ah ee bukaanka, dhalliinka iyo heeganka fiidkii iyo Sabtiyada iyo Axadaha. Adeegyada daryeelka caafimadka waxaad ka helleysaa asagoo tafatiran ciwankan (af Finnish iyo af Ingiriis).
Adeegyada daryeelka caafimaadka ee barayfitka ah waxay dhammaystiraan daryeelka caafimaadka ee dowliga ah. Oulu waxaa ka furan adeegyo badan oo barayfit ah oo ah dhakhaatiir iyo dhakhaatiirta ilkaha. Sida loola xiriiro waxaad ka heleysaa adeegga raadinta (hakupalvelu) raadi dhakhtar ilkaha ah (af Finnish). Rugaha dhakhaatiirta barayfitka ah ee Oulu ka furan boggagooda internetka waxaa ka mid ah www.mehilainen.fi, www.odl.fi iyo www.terveystalo.fi.