Terveys Vantaalla
Daryeelka caafimaadka ee Vantaa gudeheeda
Bangiga wararka boggiisa Caafimaadka ayaad ka heleysaa wararka ku saabsan daryeelka caafimaadka ee Finland.
Deegaanka magaalomadaxda boggiisa Caafimaadka waxaa ku qoran warar ku saabsan daryeelka caafimaadka ee deegaanka magaalomadaxda.
Adeegga talosiinta daryeelka caafimaadka (Terveysneuvontapalvelu) (09) 10023 waxaad wici kartaa, mar walba oo aad u baahan tahay warar ku saabsan daryeelka caafimaadka ama haddii aad u baahato tilmaamo ku saabsan sida jirrada loo daaweeyo. Cinwaannada kugu xiraya oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Rugaha daryeelka caafimaadka
Vantaa waxaa ku yaalla sideed rugaha daryeelka caafimaadka ah, oo ay dhakhaatiirtu, kalkaalisooyinka daryeelka bukaanka iyo kalkaalisooyinka daryeelka caafimaadku dadka ku qaabilaan. Rugaha daryeelka caafimaadku waxay u xilsaaran yihiin daryeelka caafimaadka ee degdegga ah ee ay dadka Vantaa deggan u baahan yihiin maalmaha shaqadu jirto saacadaha u dhexeeya 8-16 (8-da subaxnimo ilaa 4-ta galabnimo). Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan siday rugaha daryeelka caafimaadku u qaabilaan dadka af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Bolikiliniga heeganka
Dhammaan dadka Vantaa deggan ee wakhti ka baxsan saacadaha shaqadu jirto u baahda daryeel caafimaad oo degdeg ah waxay aadaan heeganka Peijas (Peijaksen päivystys). Bolikiliniga heeganka waxaa loogu talagalay dadka si degdeg ah u jirrada iyo dadka jirradoodu khatar tahay iyo dadka sida degdegga ah ugu baahan daryeel caafimaad, iyo dadka bukaanka ah ee xaaladda caafimaadkooda guud si degdeg ah aad ugu daciifto.
Isbitaalka Peijas (Peijaksen sairaala)
Sairaalakatu 1
01400 Vantaa
Tel. (09) 471 67060
Faksi (09) 471 67576
Faahfaahin dheeraad ah oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Daryeelka caafimaadka ee qoysaska carruurta leh
Bogga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku yaalla meelaha lagala xiriiro rugaha daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee Vantaan (äitiys- ja lastenneuvolat), waana af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Markuu ilmuhu jirrado
Markuu ilmuhu jirrado, haddaad u baahato waxaad la xiriiri kartaa rugta daryeelka caafimaadka ee kuugu dhow ama waxaad wacdaa lambarka la talinta daryeelka caafimaadka (09) 10023, lambarkaas oo ah mid laga jawaabo 24 saac. Heeganka caafimaadka ee carruurtuna waa Isbitaalka Peijas (Peijaksen sairaala) (Meelaha lagala xiriiro kor ka fiiri).
Daryeelka caafimaadka ee iskuulka
Bogga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar af Finnish iyo af Iswiidhish ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka ee iskuulka.
Uurka
Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku yaalla meelaha lagala xiriiro rugaha daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Daryeelka caafimaadka maskaxda
Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Xaaladaha dhibaatooyinka ah waxaa ku qoran warar ku saabsan adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda ee ka jira deegaanka magaalmadaxda.
Markay jiraan cillada xagga caafimaadka maskaxda ah, maalmaha shaqadu jirto saacadaha xafiisyadu furan yihiin waxaa ugu horayn la aadaan rugta caafimaadka ee xaafadaada qaabilsan. Xarumaha daryeelka caafimaadku siday wax u qaabilaan iyo sida wakhti looga qabsado af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Heeganka saykaateriga ee dadka waaweyn
Xaaladaha degdegga ah heegankoodu waa Isbitaalka Peijas (meelaha lagala xiriiro ka fiiri meesha ay ku qoran yihiin wararka bolikiliniga heeganka).
Heegansaykaateriga ee carruurta iyo dhallinyarada
Haddii maalmaha shaqadu jirto maalinnimadii loo baahdo daryeel caafimaad oo degdeg ah, rugaha daryeelka caafimaadka ee xaaafadaha ayaa waxay dadka qaabilaan saacadaha u dhexeeya 8–16 (8-da subaxnimo ilaa 4-ta galabnimo). Boggaga Deegaanka Daryeelka Bukaanka ee Helsinki iyo Uusimaa (Helsingin ja Uudenmaan sairaanhoitopiiri) waxaa ku qoran warar ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan heeganka daryeelka caafimaadka carruurta ee wakhtiyada kale ah.
Daryeelka ilkaha
Lambarka la isugu geeyey ballanqabsashada oo dhan wuxuu shaqeeyaa Isniinaha ilaa Khamiisaha saacdaha u dhexeeya 7.30-15 (7.30-ka subaxnimo ilaa 3-da galabnimo), Jimcaha iyo maalmaha ka horeeya maalmaha fasaxa ah saacdaha u dhexeeya 7.30–14 (7.30-ka subaxnimo ilaa 2-da duhurnimo), lambarada ballamaha laga qabsadaana waa
(09) 8392 3805 (Bariga Vantaa)
(09) 8393 5300 (GalbeedkaVantaa)
Heeganka dhakhtarka ilkauhu waa maalmaha shaqadu jirto saacadaha u dhexeeya 8-14 ((8-da subaxnimo ilaa 2-da duhurnimo) wuxuuna joogaa rugaha daryeelka caafimaadka ee Tikkurila iyo Myyrmäki. Lambarada ballamaha laga qabsadaa waxay shaqeeyaan laga bilaabo saacadda 7.30, waxaana la soo wacaa lambarada kor ku qoran. Carruurta da’doodu ka yar tahay 18 sano ee u baahan gargaarka degdegga ah waxaa lagu daaweeyaa rugta daryeelka ilkaha ee meeshuu deggan yahay ugu dhow, wakhti ballan ah ayaana laga qabsadaa.
Heeganka dhakhtarka ilkaha ee Sabtida iyo Axadda
Heeganka dhakhtarka ilkuhu wuxuu Sabtida dadka oo dhan u adeegaa saacadaha 10-13 (10-ka subaxnimo ilaa 1-da duhurnimo), Axadda iyo maalmaha kale ee fasaxyadu jiraanna saacadaha 11-13 (11-ka subaxnimo ilaa 1-da duhurnimo), wuxuuna joogaa rugta daryeelka caafimaadka ee Tikkurila. Lambarka ballamaha laga qabsadaa wuxuu Sabtiyada shaqeeyaa laga bilaabo saacadda 9.30(subaxnimo), Axadaha iyo maalmaha kale ee fasaxa ahna wuxuu shaqeeyaalaga bilaabo 10.30 (subaxnimo), lambarka la soo wacaana waa (09) 8392 3805.
Bogga internetka ee Daryeelka ilkaha ee magaalada Vantaa (Vantaan kaupungin Hammashoito) waxaa ku qoran faahfaahin dheeraada oo ah af Finnish af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Daryeelka waxyaabaha maskaxda dooriya
Magaalada Vantaa boggeeda internetka ee Adeegyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka (Vantaan kaupungin Sosiaali- ja terveyspalvelut) waxaa ku qoran warar ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan adeegyada daryeelka waxyaabaha maskaxda dooriya.
Sekshiwaalka
Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan talooyinka ka hortagga uurka iyo qorshaynta qoyska.
Bangiga wararka boggiisa Sekshiwaalka waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha la xiriira sekshiwaalka.
Adeegyada cudurada dumarka
Markay jiraan cilladaha cudurada dumarka ah waxaa lala xiriiraa rugta daryeelka caafimaadka, halkaas oo uu dhakhtar cudurada guud ah ku baaro qofka bukaanka ah. Hase yeeshee rugaha daryeelka caafimaadka ma joogaan dhakhaatiir ku takhasustay cudurada dumarka.
Rugaha daryeelka caafimaadka ee Vantaa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Cudurada ku dhaca xubnaha taranka
Markay jiraan cillado ah cudurada dumarka iyo cudurada kaadimareenka la xiriir rugta daryeelka caafimaadka. Dadka Vantaa deggan xitaa waxay iyadoon dhakhtar u gudbin aadi karaan Bolikiliniga cudurada xubnaha taranka ee Helsinki.