Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Espoo

Terveys Espoossa

Daryeelka caafimaadka ee Espoo gudeheeda

Bangiga wararka boggiisa Caafimaadka ayaad ka heleysaa wararka ku saabsan daryeelka caafimaadka ee Finland.

Deegaanka magaalomadaxda boggiisa Caafimaadka waxaa ku qoran warar ku saabsan daryeelka caafimaadka ee deegaanka magaalomadaxda.

Adeegga talosiinta daryeelka caafimaadka (Terveysneuvontapalvelu) (09) 10023 waxaad wici kartaa, mar walba oo aad u baahan tahay warar ku saabsan daryeelka caafimaadka ama haddii aad u baahato tilmaamo ku saabsan sida jirrada loo daaweeyo.

Rugaha daryeelka caafimaadka

Rugta caafimaadka waxaa jooga oo dadka qaabila dhakhtar, kalkaalisayaha daryeelka bukaanka iyo kalkaaliyaha daryeelka caafimaadka. Rugta caafimaadka ayaa kuu gudbinaysa, haddii aad u baahato isbiisheliiste. Qof waliba wuxuu tagaaa rugta caafimaadka ee xaafadiisa qaabilsan.

Meelaha lagala xiriiro rugaha daryeelka caafimaadka ee Espoo oo ah af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Heeganka

Rugaha daryeelka caafimaadku way xiran yihiin habeenkii iyo Sabtiyada iyo Axadaha. Wakhtiyadaas jirrooyinka degdegga ah iyo haddii shil yimaado waxaa la tagaa heeganka Isbitaalka Jorvi. Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah waxay ku qoran tahay boggaga shebekadda internetka ee magaalada. Sidoo kale Espoo heegankeeda jirrooyinka carruurtu waa Isbitaalka Jorvi.

Daryeelka caafimaadka ee qoysaska carruurta leh

Wararka ku saabsan adeegyada daryeelka caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Espoo oo af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah.

Markuu ilmuhu jirrado

Markuu ilmuhu jirrado, haddaad u baahato waxaad la xiriiri kartaa rugta daryeelka caafimaadka ee kuugu dhow ama waxaad wacdaa lambarka la talinta daryeelka caafimaadka (09) 10023, lambarkaas oo ah mid laga jawaabo 24 saac. Wakhtiyada aanay shaqadu jirin waxaad kaloo wici kartaa heeganka Isbitaalka Jorvi, tel. (09) 4718 3300. Waxaa laguugu adeegayaa af Finnish, af Iswiidhish iyo inta badan af Ingiriis.

Daryeelka caafimaadka ee iskuulka

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada waxaa ku qoran warar af Finnish iyo af Iswiidhish ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka ee iskuulleyda iyo ardayda ee Espoo gudeheeda.

Uurka

Boggaga internetka ee magaalada Espoowaxaa ku qoran warar af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah oo ku saabsan tegidda rugta daryeelka caafimaadka iyo dhallaanka (neuvola), heerarka kala duwan ee uurka, tababarka qoyska (perhevalmennus) iyo ummulidda. Sidoo kale rugtaada caafimaadka ayaad weydiin kartaa adeegyada laga helo rugta daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka .

Dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda

Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Xaaladaha dhibaatada degdegga ah (Kriisitilanteet) waxa ku qoran warar ku saabsan adeegyada dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ee deegaanka magaalomadaxda.

Qofka ay hayaan dhibaatooyin caafimaadka maskaxda ah wuxuu u tegi karaa rugta daryeelka caafimaadka ee xaafadiisa qaabilsan. Rugaha daryeelka caafimaadka ee Espoo af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda ee Espoo iyo cinwaanada internetka ee kugu xiraya adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda ee xaafadaha kala duduwan waxaad ku heleysaa af Finnish iyo af Iswiidhish . Wararka ku saabsan daryeelka caafimaadka maskaxda oo af Ingiriis ah.

Daryeelka jirrada ee saykaateriga

Si loo tago daryeelka jirrada ee saykaateriga ee isbeesheliistaha waxaa loo baahan yahay inuu dhakhtarka rugta daryeelka caafimaadka ee xaafadda ama dhakhtar birifaati ah kuu gudbiyo . Espoo daryeelka jirrada saykaateriga ee isbitaalka ah waxaa bixiya Isbitaalka Jorvi, daryeelka furan ee isbitaal la geleyna waxaa bixiya bolikilinigyada xaafadaha ee Jorvi. Bolikiliniga saykaateriga ee Isbitaalka Jorvi ayaa qiyaasa in loo baahan yahay daryeelka, bolikilinigu wuxuu qiyaasidda sameeyaa maalin walba oo shaqo jirto saacadaha 8-16, tel. (09) 861 3040.

Adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda ee carruurta iyo qoysaska carruurta leh

Rugaha la talinta caafimaadka ee qoysaska (Perheneuvolat) ayaa adeegyada siiya carruurta da’doodu ka yar tahay 13 sano iyo qoysaska carruurta leh, ee ay ka jiraan iska horimaadyo iyo dhibaatooyin wax u dhimaya nolosha caadiga ah. Iyadoon dhakhtar u dirin buu qofku toos ula xiriiri karaa rugta la talinta caafimaadka qoysaska. Meelaha lagala xiriiro rugaha la talinta caafimaadka ee qoysaska af Finnish iyo af Iswiidhish .

Xaaladaha isfuritaanka waxaa talooyin iyo taageero laga helaa qaybta arrimaha qoysaska. Faahfaahin dheeraad ah iyo meesha lagala xiriiro af Finnish .

Dhibaatooyinka labada qof ee isqaba ama wada nol

Labada qof ee isqaba ama wada nool waxay caawimo iyo talo weydiisan karaan Ururka dadweynaha (Väestöliitto) iyo hay’adaha kale iyo terabiistayaasha birifaatiga ah.

Saykoterabi

Daryeelka caafimaadka ee aasaasiga ah ma bixiyo saykoterabiga oo wakhti dheer soconaya. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo raadsado saykoterabiga (psykoterapia) waxaad ka heli kartaa Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela) .

Daryeelka ilkaha

Daryeelka ilkaha waxaa laga ballansadaa lambarka ballansashada la isugu geeyey oo ah tel. (09) 8163 0300 saacadaha 7.45-15) . Markay xaalad degdeg ah jirto dadka qaangaarka ah waxay caawimo degdeg ah ka helaan maalmaha shaqadu jirto Rugta sooshalka iyo daryeelka caafimaadka ee Kilo (Kilon sosiaali- ja terveysasema), carruurta iyo dhallinyaraduna waxay ka helaan rugta daryeelka ilkaha ee xaafadooda qaabilsan. Sabtiyada iyo Axadaha iyo maalmaha fasaxa ah dadka Espo deggan oo dhan heegankoodu waa rugta daryeelka ilkaha ee Puolarmetsä.

Boggaga shebekadda internetka ee Espoo waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan daryeelka ilkaha, meelaha lagala xiriiraana af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Ardayda Espoo gudeheeda wax ka barataa waxay xaq u leeyihiin inay daryeelka ilkaha ka helaan rugta daryeelka ilkaha ee cinwaankooda qaabilsan ama tan iskuulkooda u dhow.

Daryeelka waxyaabaha maskaxda dooriya

Daryeellada waxyaabaha maskaxda dooriya waxaa bixiya rugaha daryeelka caafimaadka, dadka sooshalka ah, adeegyada daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka iyo weliba daryeelka caafimaadka ee iskuullada iyo ardayda. Meelaha laga helo adeegyada aasaasiga ah ayaa haddii loo baahdo qofka macaamiisha ah u gudbiya qolyaha ku takhasusay daryeelka dhibaatooyinka waxyaabaha maskaxda dooriya. 

Xafiiska caawinaanta EMPPU (Palvelukeskus EMPPU) Wexey siisaa caawinaan dadka qaangaarka oo hayso muraal dilaac ama dhibaato dhanka daroogada. Adeegyada EMPPU ka aqriso magaalada Espoo boggooda ayadoo ha af Finnish iyo af Ingiriis .

EMPPU talosiin ayeey u qeybisaa dhanka talefoonka dadka Espoo kunool gaar ahaan dadka nolasha kadhacay iyo ku darogada isticmaalo. Talosiin waxaad ku heleysaa luuqadaha af Finnish iyo af Ingiriis numbarka 09 8163 1342 ama 050 320 9504, Isniin – Jimco saacada 9–19, maalmaha sabti iyo axad 12–16.

Warar ku saabsan daryeelka dhibaatooyinka waxyaabaha maskaxda dooriya ee Espoo af Finnish .

Rugaha caafimaadka ee Espoo af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Shaqada sooshalka ee Espoo gudeheeda ee dadka qaangaarka ah loogu talagalay af Finnish iyo af Iswiidhish .

Bangiga wararka boggiisa Xaaladaha dhibaatooyinka degdegga ah waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhibaatooyinka khamriga iyo daroogada.

Sekshiwaalka

Rugaha caafimaadka qaybahooda kala talinta ka hortagga uurka ayaa laga helaa caawimo ku saabsan ka hortagga uurka iyo qorshaynta qoyska . Rugta kala talinta arrimaha ka hortagga uurka (Ehkäisyneuvonta) ujeedooyinka laga leeyahay waxaa ka mid ah in laga hortago cudurada galmada lagu kala qaado. Faahfaahin dheeraad ah af Finnish  iyo af Iswiidhish .

Bangiga wararka boggiisa Sekshiwaalka waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha la xiriira sekshiwaalka.

Adeegyada cudurada dumarka

Cilladaha la xiriira cudurada dumarka dartood waxaa lala xiriiraa rugta caafimaadka, dhakhtar cudurada guud ku takhasusay ayaana baaritaan ku sameeya qofka bukaanka ah . Hase yeeshee xarumaha caafimaadka kama shaqeeyaan dhakhaatiir si gaar ah ugu takhasustay cudurada dumarka.

Rugaha daryeelka caafimaadka ee Espoo af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Cudurada ku dhaca xubnaha taranka

Cilladaha dumarka iyo cilladaha unugyada kaadimareenka dartood waxaa loola xiriiraa rugta daryeelka caafimaadka. Dadka Espoo deggan xitaa iyadoon loo gudbin bay toos u tegi karaan Bolikiliniga cudurada xubnaha taranka (Sukupuolitautien poliklinikka) ee Helsinki.