Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Vantaa

Tervetuloa Vantaalle!

Ku soo dhawow Vantaa!

Vantaa waxay ku taallaa Gobolka Koonfurta Finland (Etelä-Suomen lääni), waxayna deris la tahay Helsinki iyo Espoo. Garoonka diyaaradaha ee Helsinki-Vantaa wuxuu ku yaallaa Vantaa. Sannadka 2009 bilowgiisa dadka Vantaa deggan tiradoodu waxay ahayd qiyaastii 196 000 , taasoo macneheedu yahay inay Vantaa tahay magaalada afraad ee Finland ugu weyn. Vantaa waxaa deggan in ka badan 1 8 000 oo qof oo asalkoodu ka soo jeedo ajnebi, taasoo macneheedu yahay in dadka magaalada deggan 9.1 % asalkoodu ajnebi ka soo jeedo.

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Vantaa oo ku qoran af Finnish , af Iswiidhish , af Ingiriis iyo af Ruush  . Boggaga waxaa kaloo ku jira qoraallo ka sheekaynaya adeegyada magaalada oo ku qoran af Finnish , af Iswiidhish , af Ingiriis .

Bangiga wararka boggiisa Ku soo dhawow deegaanka Helsinki waxaad ka heleysaa warar ku saabsan deegaanka Helsinki, adeegyada talosiinta ee deegaanka Helsinki ka jira, sida go’aamada loo gaaro iyo siday dadka shacabka ahi saamayn ugu yeelan karaan arrimaha, iyo warar ku saabsan gaadiidka dadweynaha iyo baaskiil wadashada iyo weliba warar ku saabsan hay’adaha dowlada ee muhiimka ah ee ku yaalla deegaanka Helsinki.

Talosiin luuqado kala duduwan ah 

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku jira boggag loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey oo ah boggaga dhaqamada kala duduwan (monikulttuurisuussivut), waxayna ku qoran yihiin af Finnish iyo af Ingiriis .

Adeegyada la isugeeyey

Meelaha leh adeegyada la isugeeyey waxaad ka heleysaa tilmaamid iyo talosiin guud oo ku saabsan adeegyada magaalada Vantaa iyo adeegyada qolyaha wadashaqaynta la leh magaalada. Qolyaha wadashaqaynta la leh magaalada waa booliska, xafiiska diwaangelinta (maistraatti), xafiiska shaqada iyo xoogsashada (työ-ja elinkeinotoimisto), HSL, xafiiska canshuuraha iyo Maamulka kaniisadda ee Vantaa. Meelaha adeegyada la siugeeyey ayaa haddii loo baahdo qofka u tilmaama aqoonyahanada qaabilsan adeegyada uu u baahan yahay. Meesha adeegyada la isugeeyey waxaa kaloo laga helaa qoraallo ka sheekaynaya waxyaabaha la xiriira wakhtiyada firaaqada ah, dhaqanka, hiwaayadaha iyo weliba meelaha bannaanka ah ee la aado, waxaad kaloo ka heleysaa warar ku saabsan munaasabaha ama dhacdooyinka ka jira deegaanka dhowdhow.

Vantaa waxaa ku yaalla afar meelood oo ah meelaha adeegyada la isugeeyey, waxayna ku yaallaan Korso, Myyrmäki iyo Tikkurila.

Wakhtiyada ay furan yihiin:
Myyrmäki iyo Tikkurila waxay furan yihiin Isniin -Khamiis saacadaha 8-18 (8-da subaxnimo ilaa 6-da maqribnimo) iyo Jimcaha saacadaha 8-13 (8-da subaxnimo ilaa 1-da duhurnimo). Korso waxay furan yihiin Isniin -Khamiis saacadaha 10-17 (10-da subaxnimo ilaa 5-da maqribnimo) iyo Jimcaha saacadaha 8-13 (8-da subaxnimo ilaa 1-da duhurnimo).

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan meelaha adeegyada la isugeeyey ee Vantaa , af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Iskudubaridayaasha arrimaha dadka waddanka u soo guurey ee goobaha waxqabadyada iyo talosiinta

Iskudubaridayaasha arrimaha dadka waddanka u soo guurey waxaad weydiin kartaa waxyaabaha ku saabsan arrimaha la xiriira nolosha noocyadeeda iyo xaaladeheeda kala duduwan, koorsooyinka iyo waxqabadyada kale ee deegaanka ka jira.

Tikkurila-Hakunila-Länsimäki 

Heljä Kostiainen
Laukkarinne 6 A
01200 Vantaa
Tel. 040 847 3201
E-mail: helja.kostiainen(at)vantaa.fi

Korso-Koivukylä

Tiina Kenttä
Xafiiska arrimaha sooshalka iyo caafimaadka ee Koivukylä (Koivukylän sosiaali- ja terveysasema)
Karsikkokuja 15, dabaqa 3aad, 01360 Vantaa
Tel. 040 847 3203
E-mail: tiina.kentta(at)vantaa.fi

Myyrmäki-Martinlaakso-Kartanonkoski

Saara Rapeli
Xafiiska arrimaha sooshalka iyo caafimaadka ee Myyrmäki (Myyrmäen sosiaali- ja terveysasema)
Jönsaksentie 4, dabaqa 4aad
01600 Vantaa
Tel. 040 849 3916
E-mail: saara.rapeli(at)vantaa.fi

Hawlwadeenka sooshalka ee dadka waddanka u soo guurey (Vantaa oo dhan) Sosiaaliohjaaja maahanmuuttajille (koko Vantaa)

La talinta iyo hagidda dadka macaamiisha ah

Jama Karshe (Jaamac Kaarshe)
Tel. 040 832 3844
jama.karshe(at)vantaa.fi

Xafiiska arrimaha sooshalka iyo caafimaadka ee Tikkurila (Tikkurilan sosiaali- ja terveysasema)
Kielotie 11 D, dabaqa 2aad, 01300 Vantaa
Isniin - Talaado

Xafiiska arrimaha sooshalka iyo caafimaadka ee Myyrmäki (Myyrmäen sosiaali- ja terveysasema)
Jönsaksentie 4, dabaqa 4aad, 01600 Vantaa
Arbaco – Jimce

Xafiiska adeegyada dadka waddanka u soo guurey 

X afiiska adeegyada dadka waddanka u soo guurey wuxuu u xilsaaran yahay hawlaha ku saabsan siday inta lagu jiro bilowga hore waddanka u soo guuridiisa, ay waddanka ula qabsan lahaayeen dadka ay magaalada Vantaa qaadatay ee qaxootiga ah iyo dadka waddanka dib ugu soo laabtay ee ka yimi dhulka Midowga Soofiyeeti la oran jirey. Dadka iyaguna sabab qoys ahaaneed darteed (guur) waddanka u yimaadaa waxay xafiiska ka helaan adeegyada talosiinta ah. Haddii loo baahdana dadka macaamiisha ah mar walba waxaa loo dalbaa turjubaan.

Adeegyada la qabsashada waddanka ee uu xafiisku bixiyo waxaa ka mid ah in dadka loo hago oo lagala taliyo noocyada kala duduwan ee waxyaabaha loo baahan yahay in la sameeyo iyo siday dadku u raadsan lahaayeen adeegyada kale ee jira, waxaa la siiyaa talooyin guryaha la xiriira, adeegyada shaqada sooshalka, adeegyada daryeelka caafimaadka iyo ku hagidda koorsooyinka luuqadda Finnishka lagu barto iyo ku hagidda waxyaabaha kale ee firfircoonaynta ah.

Xafiiska adeegyada dadka waddanka u soo guurey (Maahanmuuttajien yhteispalvelutoimisto)
Vernissakatu 6, dabaqyada 5aad iyo 6aad
01300 Vantaa

U adeegidda macaamiisha , dabaqa 5aad
Isniin-Khamiis saacadaha 9.00-16.00 (9-ka subaxnimo ilaa 4-ta galabnimo)
Jimcayaasha ma jiraan qaabilaado joogto ah oo macaamiisha lagu qaabilo

Hogaamiyaha adeegyada dadka waddanka u soo guurey, tel. (09) 8392 2504
Qofka sooshalka ah, tel. (09) 8392 3579 iyo (09) 8392 3719
Hawlwadeenka (arrimaha caafimaadka), tel. (09) 8392 1075
Faksi (09) 8392 4054

Xarunta waxqabadka ee dhaqamada kala duduwan ee Silkin Portti

Xarunta waxqabadka ee Silkin Portti waxaa ka jira koorsooyin luuqadda Finnishka ah iyo kooxo wada sheekaysi ah, waxaa kaloo ka jira kooxo xirfadda gacanta ah, kooxo jimicsiyada ah, kooxo ciyaaridda dhaansiga ah iyo kooxo kale oo wax sameeya. Waxaa iyana ka jira munaasabado warar lagu siiyo dadka cusub ee waddanka u soo guurey, iyo hagitaanno iyo talosiin lagu bixiyo luuqado badan oo kala duduwan (luuqadaha dadka talooyinka lagu siiyaa way isbedbedelaan).

Xarunta waxqabadka ee dhaqamada kala duduwan ee Silkin Portti
(Silkin Portin monikulttuurinen toimintakeskus)
Tikkurilantie 44 F, dabaqa 2aad (waxaa laga soo galaa dhinaca barxadda gudaha)
01300 Vantaa

Shaqaalaha dadka waddanka u soo guurey: Alemach G.Michael, goobta shaqada ee Silkin Portti
Tel. (09) 8392 3651 ama 040 836 7599
E-mail: alemach.michael(at)vantaa.fi

Ururka Caalamiga ah ee Hakunila 

Goobta la talinta ee Ururka Caalamiga ah ee Hakunila waxay u adeegtaa dadka waddanka u soo guurey ee deggan Hakunila, Koivukylä iyo meelaha kale ee xaafadaha iyo deegaankaVantaa, ee u baahan inay helaan warar ku saabsan tusaale ahaan waxbarashada, koorsooyinka, shaqada, waxqabadyada hiwaayadaha, waxa la sameeyo markay jiraan dhibaatooyin degdeg ahiyo wararka ku saabsan arrimaha sharcigu dhigayo. Adeegu waa lacag la’aan.

Goobta waxaad kula soo xiriir kartaa telefoon maalmaha Isniinaha, Talaadooyinka iyo Khamiisaha saacadaha 10-16 (10-ka subaxnimo ilaa 4-ta galabnimo).
Tel. (09) 272 2775 iyo 050 572 6710

Ururka Caalamiga ah ee Hakunila (Hakunilan kansainvälinen yhdistys)
Kannuskuja 2A, dabaqa 3aad (Hakunila)
01200 Vantaa
E-mail: hakunilan(at)kolumbus.fi

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta la talinta (neuvontapiste) iyo luuqadaha ay goobtu dadka ugu adeegto af Finnish , af Ingiriis , af Soomaali , af Ruush iyo af Carabi .

Goobaha talosiinta dadka waddanka u soo guurey 

Goobaha talosiinta waxaad ka heleysaa caawimooyin loogu talagalay xaaladaha kala duduwan ee nolosha. Waxaad weydiisan kartaa tusaale ahaan in lagaa caawiyo arrimaha la xiriira shaqada, daryeelka bulshada (sosiaaliturva), caafimaadka, waxbarashada iyo sharciga deggenaanshaha waddanka. Adeegyada ay bixiyaan goobaha talosiintu waxaa soo qabanqaabiya Ururka isutagga hay’adaha shacabka ee Vantaa ( Vantaan Järjestörinki ry).

Goobta talosiinta dadka waddanka u soo guurey ee Galbeedka Vantaa
(Länsi-Vantaan Maahanmuuttajien neuvontapiste)
Myyrinki (Isomyyri) dabaqa 3aad
Liesitori 3
01600 Vantaa
Tel. (09) 8393 5703
E-mail: neuvonta(at)vantaalla.info

Talosiinta telefoon ahaaneed iyo ballansashada wakhti waxaad heleysaa iyagoo ah luuqadaha So omaaliga, Carabiga, Ingiriiska iyo Finnishka.
Isniin-Jimco saacadaha 9.00-15.00 (9.00-ka subaxnimo ilaa 3.00-ta galabnimo)

Sii akhriso luuqada af Finnish .

Taliyaha arrimaha dhaqamada kala duduwan 

Taliyaha arrimaha dhaqamada kala duduwan waa aqoonyahan guud oo magaalada oo dhan ah. Hawlihiisa waxaa ka mid ah, inuu la socdo oo ka warhayo dadka waddanka u soo guurey iyo dadka asalkaodu meel kale ka soo jeedo ee laga badan yahay tiradooda, xaaladaha noloshooda iyo xiriirkoodu hadba heerka uu marayo magaalada Vantaa, wuxuuna iskudubaridaa hawsha dhaqamada kala duduwan.

Taliyaha arrimaha dhaqamada kala duduwan (Monikulttuurisuusasiain päälikkö)
Hannele Lautiola,
Asematie 10 A 2 krs
01300 Vantaa
Tel. 040 8659627
E-mail: hannele.lautiola(at)vantaa.fi 

Go’aan gaaridda Vantaa iyo siday dadka shacabka ah saamayn ugu yeelan karaan 

Ogeysiisyada wargelinta ah ee offishalka ah ee magaalada Vantaa  

Ogeysiisyada waxaa lagu soo dhejiyaa sabuuradda ogeysiisyada offishalka ah ee ku taalla guriga magaalada ee cinwaankiisu yahay Asematie 7, 01300 Vantaa. Waxaa kaloo ogeysiisyada offishalka ah lagu soo qoraa boggaga shebekadda internetka ee magaalada, haddii loo baahdana waxaa la dhigaa oo lagu arki karaa meelaha adeegyada la isugeeyey (yhteispalvelupisteet). Meelaha adeegyada la isugeeyey af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Bogga Virtaali ee wargelinta magaalada Vantaa ee loogu talagalay dadka magaalada deggan   
 
Virtaali wuxuu Axad walba ku soo baxaa joornaalka Vantaan Sanomat. Magaaladu waxay ku soo qortaa wararka wargelinta ah ee ku saabsan cabbiridda boosaska, munaasabada dhacdooyinka ah ee dhici doona iyo koorsooyinka, wakhtiyada muhiimka ah ee ay tahay in meelo la codsado tusaale ahaan wakhtiyada iskuullada la codsanayo iwm. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Virtaali af Finnish

Sida arrin loo bilaabo 

Waxaa jirta khaanad arrin bilow ah oo elektroonig ah oo magaalada u ah sanduuqa boostada , taas ayeyna dadka magaalada deggan ku soo diri karaan waxyaabaha ay ka midka yihiin arrinta uu qof rabo in la bilaabo. Khaanadda arrin bilowga af Finnish iyo af Iswiidhish . Khaanadda arrin bilowga ee af Finnishka ah ama af Iswiidhishka ah waa lagu soo diri karaa arrin bilow af Ingiriis ku qoran .

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida Vantaa go’aamada u gaarto af Finnish , af I s wiidhish iyo af Ingiriis .

Bangiga wararka boggiisa Siyaasadda iyo maamulka Finland gudeheeda ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan siday dadku waddanka Finland saamayn ugu yeelan karaan arrimaha.
 

Hay’adaha dowladda ee muhiimka ah ee Vantaa ku yaalla 

Booliska

Hogaanka Booliska ee Bariga Uusi-maa saldhigiisa Vantaa qaybtiisa booliska ee arrimaha ajnebiga ayey dadka waddanka u soo guurey ee reer Vantaa ka helaan adeegyada arrimaha la xiriira sharciyada deggenaanshaha waddanka iyo codsashada dhalashada waddanka . Qaybta arrimaha ogolaanshaha ah waxaa laga dhammaystaa arrimaha la xiriira leysanka wadidda gaadiidka iyo kaarka aqoonsiga.

Hogaanka Booliska ee Bariga Uusimaa (Itä-Uudenmaan poliisilaitos), Saldhiga Weyn ee Booliska ee Vantaa (Vantaan pääpoliisiasema)

Booliska Ajnebiga iyo arrimaha sharciyada (Ulkomaalaispoliisi ja lupa-asiat)
Kielotie 21
01301 Vantaa
Tel. 071 873 0291

Meesha adeegyada la isugeeyey ee Myyrmäki (dadka dhalashada Finland leh ayaa ka codsan kara baasaboorada, leysanada gaadiidka lagu wado, kaararka aqoonsiga)

Kilterinraitti 6
01600 VANTAA
Tel. (09) 839 35455

Faahfaahin dheeraad ah oo booliska ku saabsan waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Booliska . Sidoo kale Bangiga wararka boggiisa Arrimaha sharciyada waxaad ka heleysaa warar ku saabsan arrimaha sharciyada.

Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela)   

Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela) xafiisyadeeda ku yaalla Vantaa meelaha lagala xiriiro waxaad iyagoo ku qoran af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis ka heleysaa adigoo kaashanaya boggaga internetka ee Kela.

Hawlaha ay Hay’adda Hawlgabka Qaranku (Kela) u xilsaaran tahay ka akhriso Bangiga wararka boggiisa Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela).

Xafiisyada shaqada iyo xoogsashada ee Vantaa 
(Vantaan työ- ja elinkeinotoimistot)

Xafiisyada shaqada iyo xoogsashada ee Vantaa ku yaalla  

Adeegyada arrimaha sooshalka ee Vantaa 

Adeegyada arrimaha sooshalka ee Vantaa  

Xafiiska Canshuuraha (Verotoimisto)

Deegaanka magaalomadaxdu wuxuu leeyahay xafiis canshuuraha oo ka dhexeeya, xafiiskaasina wuxuu ku yaallaa Vantaa. Laanta adeegyada macaamiisha ee xafiiska canshuuraha ee deegaanka magaalomadaxda, waxaa talooyin ka hela dadka cilmi ama shaqo ay barteen iskood ugu shaqaysta iyo ganacsadayaasha. Laanta adeega waxaa kaloo laga helaa adeegyada aasaasiga ah ee canshuuridda dadka shakhsiyaadka ah. 

Xafiiska Canshuuraha ee Deegaanka Magaalomadaxda (Pääkaupunkiseudun verotoimisto)
Rajatorpantie 8 A
Vantaa (Myyrmäki)
Lambarka telefoonada laga gudbiyo (09) 7311 20
Faksi (09) 7311 2791
Wuxuu furan yahay Isniin-Jimce saacadaha 9-16.15 (9-ka subaxnimo ilaa 4.15 galabnimo)
saacadaha 08.00−09.00 warqadaha oo keliya ayaa dadka laga qabtaa. 

Bangiga wararka boggagiisa Xafiiska canshuuraha   iyo Canshuuraha waxaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha canshuuraha ee Finland gudeheeda.

Xafiiska diwaangelinta (Maistraatti)

Hawlaha uu xafiiska diwaangelintu qaabilsan yahay waxaad ka akhrisan kartaa Bangiga wararka boggiisa Xafiiska diwaangelinta .

Xafiiska diwaangelinta ee Vantaa (Vantaan maistraatti)
Kielotie 15
01301 Vantaa
Tel. 07187 30231
Faksi 07187 31466
E-mail: info.vantaa(at)maistraatti.fi
Wuxuu furan yahay Isniin-Jimce saacadaha 9-16.15 (9-ka subaxnimo ilaa 4.15 galabnimo)
 

Adeegyada turjubaanka ee Vantaa gudeheeda 

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan turjubaannidda waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggii sa Ma u baahan tahay turjubaan .