Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Kauniainen

Tervetuloa Kauniaisiin!

Ku soo dhawow Kauniainen! 

Kauniainen waa mid ka mid ah afarta magaalo ee deegaanka magaalomadaxda. Kauniainen waxay ku dhextaallaa magaalada la deriska ah ee Espoo. Kauniainen waa magaalo fillooyin iyo beero jardiinooyin ah leh, waxaana deggan qiyaastii 8500 oo qof. Dadka magaalada deggan 57 % luuqadooda hooyo waa af Finnish, in ka yar 39 % ayaa luuqadooda hooyo tahay af Iswiidhish, 4 % luuqado kale ayaa luuqad hooyo u ah.

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Kauniainen ayaa waxaa ku qoran warar dheeraad ah oo ku saabsan Kauniainen, waxaa kaloo boggagaas ku qoran cinwaanno internetka oo kugu xiraya meelo aad ka helayso warar faa’iido kuu leh, waxayna ku qoran yihiin af Finnish
af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Bangiga wararka boggiisa Ku soo dhawow deegaanka Helsinki waxaad ka heleysaa warar ku saabsan deegaanka Helsinki, adeegyada talosiinta ee deegaanka Helsinki ka jira, sida go’aamada loo gaaro iyo siday dadka shacabka ahi saamayn ugu yeelan karaan arrimaha, iyo warar ku saabsan gaadiidka dadweynaha iyo baaskiil wadashada iyo weliba warar ku saabsan hay’adaha dowlada ee muhiimka ah ee ku yaalla deegaanka Helsinki.

Talosiinta  

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Kauniainen waxaa ku jira qoraallo wax lagaga waramayo oo loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey, qoraalladaasina waxay ku qoran yihiin af Finnish
af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Guriga maamulka ee magaalada Kauniainen (Kauniaisten kaupungintalo) waxaa laga helaa talosiin lacag la’aan ah oo ku saabsan mawduucyada kala duduwan sida: adeegyada sooshalka iyo daryeelka caafimaadka, arrimaha la xiriira deegaanka guryaha, sharciga deggenaanshaha waddanka iyo sharciga lagu shaqaysto, nolosha shaqada, sida loo qorto codsiyada shaqada lagu dalbanayo, waxyaabaha ku saabsan hiwaayadaha iyo hawlaha ururada, koorsooyinka luuqadaha iyo waxbarashada. Guriga maamulka ee magaalada waxaad ka heleysaa talooyinka ku saabsan meelaha kale ee aad ka helayso adeegyada aqoonyahannada magaalada u shaqeeya ee arrimaha kale u xilsaaran. Luuqadaha dadka loogu adeegaa waa af Finnish iyo af Iswiidhish .

Guriga maamulka ee Kauniainen (wuxuu furan yahay maalmaha shaqada saacadda 8-15.45)
(Kauniaisten kaupungintalo)
Kauniaistentie 10
02700 Kauniainen
Tel.(09) 50561

Boggaga internetka ee magaalada Kauniainen waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish oo ku saabsan sida danaha looga soo dhammaysto guriga maamulka magaalada.

Dhallinyarada ah dadka waddanka u soo guurey 

Dahllinyarada ah dadka waddanka u soo guurey waxay wixii talosiin iyo hagitaan ah ee ku saabsan arrimaha nolosha dhallinyarada ka raadsan karaan waaxda magaalada u qaabilsan arrimaha dhallinyarada, tel.(09) 505 6275.

Bangiga wararka boggiisa Ku soo dhawow Espoo waxaa ku qoran warar ku saabsan adeegyada talosiinta ee Espoo, dadka Kauniainen degganna way isticimaali karaan adeegyadaas.

Go’aan gaaridda Kauniainen iyo siday dadka shacabka ah saamayn ugu yeelan karaan 

Qofka Kauniainen deggan way u fududahay inuu saamayn ku yeesho arrimaha isaga khuseeya iyo inuu la xiriiro dadka arrimahaas u xilsaaran.

Bogga internetka ee magaalada ayaa af Finnish ama af Iswiidhish ahaan loogu soo qori karaa wixii la soo sheegayo oo loogu soo diri karaa qolada maamulka, isla boggaas ayaanna lagu soo qori karaa waxyaabaha la rabo in la sameeyo ama wixii su’aallo ah iyo wixii fikrad ah. Sidoo kale wixii weydiimo ah ee af Ingiriis lagu soo qorana waa laga soo jawaabaa.

Boggaga internetka ee magaalada Kauniainen waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku af Finnish iyo af Iswiidhish oo ku saabsan sida Kauniainen gudeheeda go’aanka loo gaaro iyo sida saamayn loogu yeelan karo go’aan gaaridda.

Hay’adaha dowladda ee muhiimka ah ee Kauniainen ku yaalla

Dadka Kauniainen deggan adeegyada qaarkood (sida adeegyada booliska, xafiiska shaqada iyo xoogsashada, xafiiska canshuuraha iyo xafiiska diwaangelinta) waxay ka isticimaalaa isla meelaha ay dadka Espoo deggan ka isticimaalaan.

Hay’adaha dowladda ee muhiimka ah ee Espoo ku yaalla

Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela)

Meesha lagala xiriiro Hay’adda Hawlgabka Qaranku (Kela) xafiiska ay ku leedahay Kauniainen waxaad heleysaa adigoo kaashanaya boggaga internetka ee Hay’adda Hawlgabka Qaranku (Kela), waxayna ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Hawlaha ay Hay’adda Hawlgabka Qaranku (Kela) u xilsaaran tahay waxaad ka akhrisataa Bangiga wararka boggiisa 
Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela).

Xafiiska sooshalka ee Kauniainen (Kauniaisten sosiaalitoimisto)

Adeegyada arrimaha sooshalka ee Kauniainen gudeheeda

Adeegyada turjubaanka ee Kauniainen gudeheeda 

Kauniainen qofka shaqaalaha ah ayaa mar walba turjubaanka dalba.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan turjubaanidda waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa 
Ma u baahan tahay turjubaan?.