Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Espoo

Tervetuloa Espooseen!

Ku soo dhawow Espoo

Espoo waxay ku taallaa Gobolka Koonfurta Finland (Etelä-Suomen lääni), waxayna saaran tahay xeebta Gacanka Finland. Magaalada Espoo waxay deris la tahay magaalooyinka Helsinki, Vantaa iyo Kauniainen. Espoo waa magaalada labaad ee Finland ugu weyn. Espoo waxaa deggen qiyaastii 250 000 qof.

Sannadkii 2011 bilowgiisa dadka magaalada deggen 8,7 % luuqadooda hooyo waxay ahayd luuqad kale oo aan ahayn af Finnish ama Iswiidhish ama Saami.

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Espoo, waxaad kaloo boggagaas ka heleysaa cinwaanno internetka oo kugu xiraya boggag ay ku qoran yihiin waxyaabo faa’iido leh oo ah af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis . Waxaad kaloo boggagaas ka heleysaa qoraal kooban oo istaatiskis ah (taskutilasto ) oo u qoran nooca pdf oo ah af Finnish , af Iswiidhish , af Ingiriis , af Jarma , af Faransiis , af Ruush iyo af Shiinees.

Bangiga wararka boggiisa Ku soo dhawow deegaanka magaalomadaxda waxaad ka heleysaa warar ku saabsan deegaanka magaalomadaxda, adeegyada talosiinta ee deegaanka magaalomadaxda ka jira, sida go’aamada loo gaaro iyo siday dadka shacabka ahi saamayn ugu yeelan karaan arrimaha, iyo warar ku saabsan gaadiidka dadweynaha iyo baaskiil wadashada iyo weliba warar ku saabsan hay’adaha dowlada ee muhiimka ah ee ku yaalla deegaanka magaalomadaxda.

Talosiin luuqado kala duduwan ah

Espoo gudeheeda (In Espoo) -Talosiinta wexey talo u siineysaa qaxootiga kala duwan ee waddanka Finland degan sida arrimaha nolosha ku saabsan tusaale oo ah sharciga degenaanshada ama sooshalka. Espoo gudeheeda (In Espoo) -Talosiinta wexey ku taalaa Leppävaara, suuqasantarka Sello laybareerigiisa. Talosiin waxaad ka heli kartaa luuqadaha kala ah af Finnish, af Iswiidhis, af Ingiriis, af Carabi iyo af Turkish.

Xaga xiriirida iyo xiliyaha furiinka goobta waxaad ka helaysaa Boggaha magaalada Espoo .

Espoo gudeheeda (In Espoo)-Caawimaada xayeeysiinta: af Ingiriis , af Carabi , af Somaali , af Turkish , af Ruush , af Istoniya , af Shiines iyo af Pershiya .

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo waxaa ku jira boggag loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey oo ku qoran af Finnish iyo af Ingiriis. Boggagaas wararka ku qoran waxaa ka mid ah warar ku saabsan maktabadaha (laybareeriyada), adeegyada daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada.

Xarumaha waxqabadka ee loogu talagalay dadka dhaqamada kala duduwan

Xarumaha waxqabadka ee magaalada Espoo (Toimintakeskus) waxaa si lacag la’aan ah looga helaa talosiin ku saabsan koorsooyinka luuqadda iyo waxbarashada, adeegyada arrimaha bulshada iyo daryeelka caafimaadka, arrimaha guryaha, sharciga deggenaanshaha waddanka iyo sharciga shaqada (oleskelu- ja työluvat), sida kombiyuutarka loo isticimaalo, nolosha shaqada, sida loo qoro codsiyada shaqada lagu dalbanayo, waxyaabaha hiwaayadaha ah (harrastus) iyo arrimaha ku saabsan ururada (jaalliyadaha).

Xarumaha waxqabadka waxaa lagu qabanqaabiyaa koorsooyin luuqadda lagu barto iyo waxyaabo koox ahaan loo sameeyo (sida cunto samaynta, jimicsiga (jumppa), Iwm.). Iyadoo koox ahaan wax loo wada samaynayo ayaa luuqadda Finnishkana la bartaa. Inta badan kooxahani waa lacag la’aan. Xarumaha waxqabadka waxaa yaalla kombiyuutarro loogu talagalay dadka macaamiisha ah inay isticimaalaan.

Xarumaha waxqabadku waxay ku yaallaan Espoonlahti iyo Leppävaara.  Xarumaha waxqabadka waxaa dadka loogu adeegaa af Finnish iyo af Ingiriis, waxaase jirta in xarumaha qaarkood aad ka hesho in laguugu adeego luuqado kale. Meelaha lagala xiriiro xarumaha waxqabadka iyo xarun walba luuqadaha ay dadka ugu adeegto waxaad ka heleysaa boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo, waxayna wararku ku qoran yihiin af Finnish iyo af Ingiriis.

Dhallinyarada ah dadka waddanka u soo guurey

Laanta wararka iyo talosiinta ee dhallinyarada ee magaceedu yahay yESBOx ( Nuorten tieto- ja neuvontapiste yESBOx ) dhallinyarada ayey siisaa talooyin iyo tilmaamo ku saabsan waxyaabaha la xiriira nolosha dadka dhallinyarada ah . Laantu waxay ku taallaa laybareeriga ku yaalla suuqa Sello (kauppakeskus Sellon kirjasto) iyo laybareeriga ku yaalla suuqa Iso Omena.

Laamaha adeegyada guud

Laamaha adeegyada guud ee Espoo waxay dadka macaamiisha ah siiyaan wararka ku saabsan adeegyada ay magaaladu bixiso, wayna la taliyaan, waxayna u sii tilmaamaan meelaha ay ka helayaa aqoonyahanada u xilsaaran adeegyada magaalada ee ay macaamiishu u baahan yihiin.

Tusaale ahaan dadku lacag la’aan bay u isticimaali karaan kombiyuutarada macaamiisha loogu talagalay ee yaalla goobta adeegga guud, intay lacag bixiyaan bay warqadaha koobi ka samaysan karaan, faksi bay ka dirsan karaan, kaarka gadiidka dadweynaha lagu raacana (matkakortti) way ka buuxsan karaa. Laamaha adeegyada guud qaar ka mid ah waxay iibiyaan tikidhada munaasabadaha iyo dhacdooyinka .

Laamaha adeegyada guud waxay ku yaallaan Bartamaha Espoo (Espoon keskus), Espoonlahti, Kalajärvi, Leppävaara, Matinkylä iyo Tapiola. Laamaha adeegyada guud waxay dadka ugu adeegaan af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis, iyo weliba hadday suuragal noqoto luuqado kale. Boggaga internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran meelaha lsgsls xiriiro laamaha adeegyada guud iyo faahfaahimo dheraad ah oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish iyo weliba qoraallo arrimaha lagu soo bandhigayo oo ah af Finnish iyo af Iswiidhish (bogga 2) iyo weliba af Ingiriis.

Go’aan gaaridda Espoo iyo siday dadka shacabka ah saamayn ugu yeelan karaan

Magaalada Espoo adeegeeda waxaad ka helaa internetka

Espoo wexey kuu suurogalisay in aad arrimoyaal ku dhameysatid dhanka xiriirka internetka. Tusaale oo kale waxaad ka buuxsan kartaa internetka xagiisa foomka caawimaada maalmeedka oo ku saabsan ilmo ilaalinta gurigaada. Ka aqriso wax kale magaalada Espoo boggiisa af Finnish , af Iswiidhish iyo af ingiriis .

Wargelinta magaalada Espoo

Hababka offishalka ah ee ay magaalada guud wargelimaha u soo gudbisaa waa bogga ogeysiisyada ee ku qoran shebekadda internetka ee magaaladu leedahay, bogaasi waa af Finnish, waxaa kaloo wargelimaha lagu soo qoraa tabeelaha ogeysiisyada ee suuqa dukaamada ee Entresse.

Suuqa dukaamada ee Entresse (Kauppakeskus Entresse)

Siltakatu 11
02770 ESPOO

Joornaalka-Espoo (Espoo–lehti)

Joornaalka-Espoo-Esbo waa magaalada espoo joornaalkiisa oo sita bogga ogeysiiska oo loogu talo galay dadka Espoo ku nool. Joornaalka waxaa la qeybiyaa afar jeer sanadkii . Joornaalka waa luuqadaha af Finnish iyo af iswiidish , laakiin joornaalka nooca internetka ku yaalo waxaad ka heli kartaa asoo ah luuqada af Ingiriis. Joornaalka waxaad ka helee internetka asagoo ah af Finnish iyo af Ingiriis .

Joornaalka waxaad ka doonan kartaa laybareeriga ama goobaha dadka iskugu yimaadaan (yhteispalvelupiste) . Magaalada Espoo xafiiska isla shaqeynta af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

 

Sida wax loo soo sheego iyo sida arrin loo bilaabo

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo baa lagu soo qori karaa wixii mahadcelin ah iyo wixii dhalliilo ahba. Isla boggagaas waxaa kaloo lagu soo qori karaa wixii su’aallo ah iyo waxyaabaha la soo jeedinayo ee ku saabsan adeegyada magaaladu bixiso siday tahay inay noqdaan. Waxyaabaha la soo qorayo waxaa la soo qori karaa iyagoo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Bogga Avoin Espoo (Espoo oo furan) waxaad af Finnish kagala socon kartaa arrimaha ay tahay in go’aan laga gaaro hadba meesha ay marayaa ama sida ay yihiin, ama adigaa arrin cusub meesha ku soo qori kara. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ka qaybqaadashada iyo saamayn ku yeelashada arrimaha waxaad ka heleysaa boggaga shebekadda internetka ee magaalada waxayna ku qoran yihiin af Finnish iyo af Iswiidhish.

Jidka arrin bilaabiddu waa jidka ay dhallinyaradu saamaynta ugu yeelan karaan arrimaha, sidaas bayna dhallinyaradu ku soo gudbin karaan fikradohooda, qof walba oo dhallinyaro ahna fikradiisa iyo codkiisa ayuu ka dhiiban karaa waxyaabaha ay dhallinyarada kale soo jeediyeen.

Guddiga la tashiga ee arrimaha dhaqamada kala duduwan

Guddiga la tashiga ee arrimaha dhaqamada kala duduwan (Monikulttuuriasiain neuvottelukunta ) ee Espoo wuxuu horumar ku sameeyaa magaalada siyaasaddeeda ku saabsan arrimaha dhaqamada kala duduwan. Guddiga la tashiga waxaa xubno ka ah dad ka socda ururada dadka waddanka u soo guurey, ururada shacabka, hay’adaha dowladda iyo xisbiyada. Guddiga la tashiga ee arrimaha dhaqamada kala duduwan e-mail ahaan baa loogu soo diri karaa waxyaabaha la jeclaan lahaa in la suurogeliyo iyo wixii su’aallo ahba, cinwaanka e-mailka ee guddigu waa: mk.neuvottelukunta(at)espoo.fi 

Bangiga wararka boggiisa Siyaasadda iyo maamulka Finland gudeheeda ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan siday dadku waddanka Finland saamayn ugu yeelan karaan arrimaha.

Hay’adaha dowladda ee muhiimka ah ee Espoo ku yaalla

Booliska

Hogaanka Booliska ee Galbeedka Uusimaa (Länsi-Uudenmaan Poliisilaitos ), Saldhigga weyn ee booliska ee Espoo wuxuu ku yaallaa oo dadka reer Espoo ugu adeegaa cinwaanka:

Nihtisillankuja 4
02631 ESPOO

Tel. 071 8730 281 (lambarka telefoonada laga gudbiyo)

Faahfaahin dheeraad ah oo booliska ku saabsan waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Booliska. Sidoo kale Bangiga wararka boggiisa Arrimaha sharciyada waxaad ka heleysaa warar ku saabsan arrimaha sharciyada.

Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kansaneläkelaitos = Kela)

Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela) xafiisyadeeda Espoo ku yaalla meelaha lagala xiriiro waxaad iyagoo ku qoran löytyvät Kelan verkkosivuilla olevan hakukoneen avulla af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ka heleysaa adigoo kaashanaya boggaga internetka ee Kela.

Hawlaha ay Hay’adda Hawlgabka Qaranku (Kela) u xilsaaran tahay waxaad ka akhrisan kartaa Bangiga wararka boggiisa Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela ).

Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Espoo

Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee Espoo ku yaalla

Xafiiska adeegga arrimaha sooshalka ee Espoo

Xafiiska adeegyada arrimaha sooshalka ee Espoo gudeheeda

Xafiiska Canshuuraha

Bangiga wararka boggiisa Ku soo dhawow deegaanka magaalomadaxda waxaa ku qoran meesha lagala xiriiro xafiiska canshuuraha ee ka dhexeeya deegaanka magaalomadaxada.

Xafiiska canshuuraha laantiisa adeegga ee Espoo waxay ku taallaa Tapiola. Laanta waxaa laga helaa adeegyada la xiriira arrimaha canshuuraha oo loogu talagalay dadka shakhsiyaadka ah.

Xafiiska canshuuraha ee Tapiola (Tapiolan verotoimisto)
Länsituulentie 4
02100 Espoo

Wuxuu furan yahay saacadaha u dhexeeya 9−16.15 (9 subaxnimo ilaa 4:15 galabnimo)

Bangiga wararka boggagiisa Xafiiska canshuuraha iyo Canshuuraha waxaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha canshuuraha ee Finland gudeheeda.

Xafiiska diwaangelinta

Hawlaha uu xafiiska diwaangelintu qaabilsan yahay waxaad ka akhrisan kartaa Bangiga wararka boggiisa Xafiiska diwaangelinta.

Xafiiska diwaangelinta ee Espoo (Espoon maistraatti)

Itätuulentie 1
02100 Espoo

Wuxuu furan yahay maalmaha Isniin - Jimce saacadaha 9−16.15 (9 subaxnimo ilaa 4:15 galabnimo)

Lambarka telefoonka ee telefoonada laga gudbiyo: 071 87 302 01

Diwaangelinta dadka ajnebiga ah: 071 87 313 50 (af Finnishi, af Iswiidhish, af Ingiriis iyo hadba siday u suurowdo luuqadaha kale)

Adeegyada turjubaanka ee Espoo gudeheeda

Espoo qofka shaqaalaha dowladda ah ayaa mar walba turjubaanka dalba.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan turjubaannidda waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisaMa u baahan tahay turjubaan.