Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Deegaanka Helsinki

Työ pääkaupunkiseudulla

Shaqada deegaanka magaalomadaxda gudihiisa

Dadka waddanka u soo guurey ee Finland deggan badankoodu waxay deggan yihiin deegaanka magaalomadaxda. Dadka waddanka u soo geeray ee deegaanka magaalomadaxda jooga meelaha ugu badan ee ay ka shaqeeyaan waa dukaamada, wershadaha, beeraha iyo jardiinooyinka, nadaafadda iyo wax iibinta, shaqooyinka waxbarashda iyo barbaarinta, shaqooyinka hoteellada iyo makhaayadaha iyo weliba shaqooyinka waditaannada iyo gaadiidka.

Mustaqbalka waxaa la saadaalinayaa, inay shaqooyin cusub ka dhalan doonaan gaar ahaan xagga daryeelka caafimaadka iyo shaqooyinka sooshalka iyo weliba adeegyada taageera ganacsiga. Waxaa kaloo Finland looga baahan yahay ganacsadayaal cusub.

Bangiga wararka boggiisa Shaqada waxaa ku qoran warar guud oo ku saabsan sida shaqo loo raadsado , qofka shaqaalaha ah xuquuqda uu leeyahay iyo waajibaadka saaran, badbaadada shaqo la’aanta iyo sida Finland looga furto ganacsi ama shirkad.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xafiisyada shaqada iyo xoogsashada ee Finland ka akhriso Bangiga wararka boggiisa Xafiisyada shaqada iyo xoogsashada.

Shaqada Helsinki gudeheeda 
Shaqada Espoo gudeheeda
Shaqada Vantaa gudeheeda
Shaqada Kauniainen gudeheeda

Shaqo raadinta

Bangiga wararka ee waddanka oo dhan boggagiisa Shaqooyinka bannaan waxaa ku jira meelo kugu xiraya boggag laga helo shaqooyinka bannaan ee la soo gudbiyey.

Degmooyinka ku yaalla deegaanka magaalomadaxdu siday yihiin shaqobixiyayaal ahaan

Metropoli aad u fiican (Mainio metropoli)

Magaalooyinka deegaanka magaalomadaxda oo kala ah Helsinki, Espoo, Vantaa iyo Kauniainen waxaa u shaqeeyo dad tiradoodu ku dhowdahay 70 000 oo qof. Magaalooyinku waxay soo saaraan adeegyo loogu talagalay dadka deegaankaas deggan oo dhan.

Magaalooyinka deegaanka metropoligu noocyo badan oo shaqooyin ah bay u raadinayaan dad aqoon u leh oo ay shaqaaleeyaan. Marka degmada loo shaqaynayo shuruudaha qofka looga baahan yahay waxaa inta badan ka mid ah inuu qofku si fiican u yaqaan luuqadda Finnishka iyo /ama luuqadda Iswiidhishka. Bogga shebekadda internetka ee Mainio Metropoli ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish

Seure

Seure waa shirkad ay leeyihiin magaalooyinka deegaanka magaalomadaxdu oo dadka shaqaalaysa. Shirkadan waxaa laga dalban karaa shaqooyin gaagaaban oo ku simid ah oo laga shaqaynayo tusaale ahaan iskuullada, xannaanooyinka, isbitaallada iyo xarumaha daryeelka caafimaadka. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Seure oo af Finnish ah.

Cinwaanka internetka ee Deegaanka Helsinki.fi

HelsinginSeutu.fi waxaa ku qoran cinwaanno internetka ah oo kugu xiraya meelo muhiim ah iyo warar ku saabsan shaqooyinka deegaanka magaalomadaxda, waxayna ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Sida ganacsi ama shirkad looga furto deegaanka magaalomadaxda

Shirkadda Helsinki (YritysHelsinki)

Adeegyada ganacsiga ee Shirkadda Helsinki (YritysHelsinki) ee loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey ee deegaanka magaalomadaxda deggan waxay dadka waddanka u soo guurey kala taliyaan dhammaan waxyaabaha la xiriira lahaanshaha ganacsi.

Arrimaha ganacsiga waxaa dadka lagala taliyaa iyadoo la sitcimaalayo af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Jarmal, af Istooniyaan, af Ruush iyo af Carabi.

YritysHelsinki
Kaisaniemenkatu 6 A, dabaqa 6aad
00099 Helsingin kaupunki
Tel. (09) 310 36360

Faksi (09) 310 36369
Waxay furan tahay Isniin - Jimce saacadda 8.30-16.30

Warar ku saabsan YritysHelsinki oo af Finnish , af Iswiidhish , af Ingiriis , af Istoniya , af Ruush iyo af Carabi .

Bogga Helsinki Business Hub waxaa laga helaa warar ku qoran af Ingiriis ku saabsan Helsinki magaalo ganacsi ahaan siday tahay.

Xarumaha shaqada iyo xoogsashada (Työ- ja elinkeinokeskukset)

Xarumaha shaqada iyo xoogsashadu waxay horumar ku sameeyaan hawlaha ganacsiga, waxayna shirkadaha ama ganacsiga siiyaan adeegyada maalgelinta adeegyada talosiinta iyo adeegyada horumarinta.

Xarunta shaqada iyo xoogsashada ee Uusimaa (Uudenmaan TE-keskus)Maistraatinportti 2
00241 HELSINKI
Tel. 010 19 1450

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Xarumaha shaqada iyo xoogsashada oo ah af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis iyo af Ruush.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida Finland looga furto ganacsi ama shirkadwaxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Shirkad ganacsi.