Structure_LogoPart1



Qofka ganaci Finland ku leh

Yrittäjänä Suomessa

Qofka ganacsiga Finland ku leh, si ganacsigiisa uga faa'iido, waxaa muhiim ah inuu yaqaan dadka Finnishka ah nidaamyadooda dhaqanka ganacsiga, siday wax u arkaan iyo caadooyinkooda. Markuu qofku aqoonsado astaamaha dhaqanka ganacsiga ee Finnishka, wuxuu awoodayaa inuu macaamiishiisa si fiican ugu adeego, isla markaasna uu fahmo waxyaabaha isaga ganacsade ahaan laga sugayo.

Dhaqanka Finnishka waxaa aad ugu badan caadooyinka reer galbeedka ee qof waliba shakhsi ahaantiisa gaarka yahay. Dadka Finnishka ah waxay iska dayaan inay wakhtigooda qorsheeyaan oo ay si caqli gal ah u isticimaalaan. Wakhtiga iyo qorshayaasha kaleba sidii loogu talagalay bay u dhawraan, dadka kalana sidaas bay ka sugaan. Dadka Finnishka ah aad bay u taxader badan yihiin, waxyaabaha ay tahay inay ogaadaanna hore ayey u sii raadsadaan, laakiin si dhakhso ah ayey go'aanka u gaaraan. Xukunka iyo masuuliyada si debecsan baa loo qaybsadaa.

Dadka Finnishka ah hab isku mid ah bay u fekeraan oo shaqada u qabtaan. Taas ayaana keeneysa inay layaabaan, haddii siday u barteen si ka duwan wax loo sameeyo. Bulshada Finnishka ah waxay qabtaa, inay tahay in dadkoo dhan si cadaalad ah loola dhaqmo. Qofka madaxda ah iyo kan shaqaalaha ah ma kala baqaan, magaca koowaad isu yeeridu waa wax caadi ah, ragga iyo dumarkuna way siman yihiin. Markuu khilaaf yimaado waa laga wadatashi baa lagu xalliyaa, oo xalka soo baxaa waa kan marka dhinac walba laga eego ugu fiican ee suuragalka ah.

Qofka ajnebiga ah ee waddankan ganacsadaha ka ah waxyaabaha uu gaar ahaan aad ugu fiican yahay waa aqoonta luuqadaha ajnebiga waddankan ku ah iyo fahanka dhaqamada kala duduwan. Waxaa wanaagsan inaad xasuusnaato, in sidaad adiguba dhaqankaaga iyo taariikhdaada u leedahay, uu qofka aad wada shaqaysaan ama qofka macaamiisha kuu ah uu isna u leeyahay dhaqankiisa iyo taariikhdiisa, kuwaas oo keeni kara in arrimaha jira si kala duwan loo arko. Marka si daacad ah oo qalbi furan loo wada hadlo, waxaa yaraanaya khaladka isfahan la'aanta ka yimaada, markaad fahanto in qofkani dhaqan kale ka yimi waxaa sahlanaanaya inaad isugarawdaan. Sidoo kale qofka ajnebiga ah ee ganacsadaha ah dhiniciisuu ka horumarin karaa, sidii dhaqanka ganacsiga ee Finnishku u noqon lahaa mid caalami ah!

Faahfaahin dheeraad ah ka akhriso boggaga Hab Dhaqanka Finnishka !