Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Siyaasadda iyo maamulka Finland

Politiikka ja hallinto Suomessa

Nidaamka siyaasadda

Finland waa jamhuuriyad dimuqraadi ah. Madaxweynaha shacabka ayaa si toos ah u doorta lixdii sanaba mar. Wakhtigan hadda la joogo madaxweynaha Finland waa Tarja Halonen (2006–2012).

Finland waxay leedahay golaha shacabka, oo xubnihiisu ka kooban yihiin 200. Golaha shacabka afartii sanaba mar baa la doortaa.

Raysalwasaaraha iyo wasiirada kale oo golaha shacabku doorto ayaa waxay noqdaan Golaha dowladda, oo isticimaala maamulka dowlada iyagoo si wadajir ah u kaashanaya madaxweynaha jamhuuriyadda.

Finland waa waddan xubin ka ah Midowga Yurub. Xildhibaanada Finnishka ee barlamaanka Midowga Yurub shantii sanoba mar baa la doortaa.

Faahfaahin dheeraad ah ka akhriso boggaga Finland (Suomi.fi)

Maamulka dowladda iyo maamulka degmooyinka

Finland gudeheeda maamulka dowladdu wuxuu u qaybsamaa maamulka dhexe ee dowladda iyo maamulka daakhiliga iyo degmooyinka. Maamulka dhexe ee dowladdu waa golaha dowladda iyo hay’adaha dhexe ee waddanka oo dhan ka jira tusaale ahaan xarunta dhexe ee diwaanka dadka (väestörekisterikeskus) iyo Hay’adda Hawlgabka Qaranka (KELA).

Maamulka degmooyinka iyo maamulka daakhiligu waa hay’adaha maamulka ee hawlohoodu ku kooban yihiin deegaanka ama degmada, tusaale ahaan xafiisyada diwaangelinta (maistraatit), maamulka gobollada (lääninhallitukset) iyo xarumaha shaqada iyo maciishad la soo bixidda (TE-keskukset). Hay’adaha dowladda ee degmooyinka kadhisan waxay si wadajir ah ula shaqeeyaa shaqaalaha maamulka ee degmooyinka.

Degmooyinku waxay Finland leeyihiin ismaamul daakhili ah. Degmooyinku waxay dadka ku nool u qabanqaabiyaan adeegyada aasaasiga ah ee sharcigu dhigayo inay dadku helaan. Cidda ugu saraysa ee degmada arrimeheeda go’aanka ka gaartaa waa golaha degmada, kaas oo lagu doorto doorashada golaha degmooyinka oo afartii sanaba hal mar la qabanqaabiyo.

Meelo kugu hagaajinaya boggag faa’iido leh

Warar ku saabsan doorashooyinka
Warar ku saabsan dimuqraadiga iyosiday dadka shacabka ahi saamayn wax ugu yeelan karaan
Warar ku saabsan siday dadka shacabka ahi saamayn ugu yeelan karaan arrimaha degmooyinka