Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Deegaanka Helsinki

Suomen ja ruotsin kieli pääkaupunkiseudulla 

Luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka ee deegaanka magaalomadaxda gudihiisa 

Bangiga wararka boggiisa Luuqadda Finnishka iyo Luuqadda Iswiidhishka waxaa ku qoran warar ku saabsan sida waddanka Finland looga barto luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka.

Luuqadda Finnishka (Suomen kieli)

Adeegga shebekadda internetka ee Selma (Selma-verkkopalvelu) wuxuu leeyahay meel kaa caawinaysa sidii aad af Finnish ugu raadsan lahayd wararka ku saabsan goobaha waxbarashada ee qabanqaabiya waxbarashada luuqadda Finnishka ee ku yaalla deegaanka magaalomadaxda. Qoraalka lagu soo bandhigayo koorsooyinka Selma oo ah nooca (pdf) waxaa ku qoran warar af Finnish iyo af Ingiriis ah oo ku saabsan fursadaha ka jira deegaanka magaalomadaxda ee lagu baran karo luuqadda Finnishka.

Luuqadda Iswiidhishka (Ruotsin kieli)

Bogga Luuqadda Iswiidhishka waxaa lagu sheegayaa inay Finland tahay waddan laba luuqadood leh. Muhiimadu waa in magaalooyinku hawlahooda u qabanqaabiyaa, si ay dadka degmada deggan adeegyada ugu helaan luuqadooda oo ah ama af Finnish ama af Iswiidhish.

Selma waxaa kaloo ku qoran warar af Finnish ah oo ku saabsan koorsooyinka bilowga ah ee luuqadda Iswiidhishka.

Goobta adeega la talinta ee Bridge

Bridge waa goob adeeg la talin oo ah Xarunta Luckan ee wargelinta iyo dhaqanka ee dadka Finnishka ah ee af Iswiidhishka ku hadla (suomenruotsalaisen tiedotus- ja kulttuurikeskus Luckanin neuvontapalvelu) waxaana loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey. Goobta adeega la talinta ee Bridge (Bridge-neuvontapiste) waxaa laga helaa taageero iyo talooyin ah sidii loo raadsan lahaa shaqo, boos waxbarasho iyo hiwaayad. Kulamada workshop-ka ah iyo seminaarada ayaad ku ogaan kartaa waxyaabaha ku saabsan dhaqanka dadka Finnishka ah ee luuqadda Iswiidhishka ku hadlaa leeyihiin, waxaadna heli kartaa warar ku saabsan barashada luuqadda Iswiidhishka.

Xarunta Luckan ee wargelinta iyo dhaqanka ee dadka Finnishka ah ee af Iswiidhishka ku hadla (Luckan –Suomenruotsalainen tiedotus- ja kulttuurikeskus)
Simonkatu 8
00100 Helsinki
Tel. 040 485 9636 (ballanqabsashada oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis)
bridge(at)luckan.fi
Waxay furan tahay Isniinaha iyo Jimcayaasha saacadaha u dhexeeya 11-16 ama wakhtiyada kale ee si gaar ah ballan loo qabsaday
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada goobta adeega la talintae e Brige af Iswiidhishiyo af Ingiriis
 

Cinwaanka internetka ee HelsinginSeutu.fi waxaa iyagoo af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah ku qoran faahfaahin dheeraad ah iyo meelo kugu xiraya waxbarashada dadka waddanka u soo guurey ee deegaanka magaalomadaxda ka jirta .

Luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka ee Helsinki gudeheeda
Luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka ee Espoo gudeheeda  
Luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka ee Vantaa gudeheeda
Luuqadda Finnishka iyo luuqadda Iswiidhishka ee Kauniainen gudeheeda