Lupa-asiat Oulussa
Arrimaha sharciyada
Bangiga wararka (Infopankki) boggiisa Arrimaha sharciyada waxaad ka heleysaa warar muhiim ah oo ku saabsan sida loo helo sharciyada loo baahan yahay iyo hay’adaha kala duwan ee dowladdu waxyaabaha ay u xilsaaran yihiin.
Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka
Sharciga deggenaanshaha waddanka iyo magangelyada qaxootinimo waxaa laga dalbadaa Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka (maahanmuuttovirasto). Codsiga magangelyada qaxootinimo waxaa markuu qofku waddanka soo galo ka qabta shaqaalaha dowladda ee hay’adda ilaalinta xadadka ama booliska deegaankaas qaabilsan. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka hawlihiisa waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka. Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka laantiisa Oulu cinwaankeedu waa:
Oulun maahanmuuttovirasto
Hallituskatu 36
90100 Oulu
Booliska
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan booliska hawlihiisa ku saabsan sharciyada dadka ajnebiga ah waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Booliska iyo hogaanka booliska boggagiisa internetka af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Hogaanka booliska ee Oulu (Oulun poliisilaitos)
Rata-aukio 2
PL 45
90101 OULU
Xafiiska diwaangelinta
Mar walba oo aad guurto (ama Oulu u soo guur ama Oulu dhexdeeda guri ka guur oo guri kale u guur), waa inaad xafiiska diwaangelinta u sheegtaa.
Xafiiska diwaangelinta ee Oulu (Oulun maistraatti)
Isokatu 4
90100 Oulu
Ogeysiinta ah inaad guurtay waxaad kaloo ku samayn kartaa foom laga soo qaato xafiiska boostada ama internetka ayaad ka buuxbuuxin kartaa. Khadadkani meelaha ay kugu xirayaan ayaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida elektorooniga ahaan (internetka) loogu sameeyo ogeysiinta guuritaanka (muuttoilmoitus) af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xafiiska diwaangelinta hawlihiisa waxaad ka heleysaa Bangiga wararka bogiisa Xafiiska diwaangelinta ama xafiiska diwaangelinta boggagiisa internetka af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.