Lupa-asiat Kauniaisissa
Arrimaha sharciyada ee Kauniainen gudeeheeda
Waxyaabaha ku saabsan sharciyada iyo sharciyada deggenaanshaha waddanka waxaad ka akhrisataa Bangiga wararka boggiisa Arrimaha sharciyada.
Dadka Kauniainen deggan waxay isticimaalaan xafiiska diwaangelinta ee Espoo (Espoon maistraatti) iyo Hogaanka Booliska ee Galbeedka Uusimaa saldhiggiisa weyn ee booliska Espoo. Meelaha lagala xiriiro waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Arrimaha sharciyada ee Espoo (Espoon Lupa-asiat).
Arrimaha sharciyada ee Espoo gudeheeda
Dadka qaxootiga ah iyo dadka magangelyada codsaday
Qaabilaadda dadka qaxootiga ah iyo dadka magangelyada codsaday waxaa u xilsaaran waaxda sooshalka ee magaalada Kauniainen. Meelaha lagala xiriiro waaxda sooshalka oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish.
Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa
Qaxootiga iyo dadka magangelyada codsaday.