Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Oulu

Kulttuuri ja vapaa-aika Oulussa

Dhaqanka iyo wakhtiyada firaaqada ah

Bangiga wararka boggiisa Dhaqanka iyo wakhtiyada firaaqada ah waxaad ka heleysaa warar ku saabsan fursadaha Finland ka jira ee dhaqanka iyo wakhtiyada firaaqada ah.

Oulu waxaa ka jira noocyo badan oo fursado wakhti dhammays ah oo loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada. Carruurta iyo dhallinyarada 7–17 jirada ah waxay wakhtigooda firaaqada ah si lacag la’aan ah saaxiibadood ugula qaadan karaan tusaale ahaan meelaha dhallinyarada (nuorisotilat) ee ku yaalla dhinacyada kala duwan ee magaalada. Meelaha dhallinyarada waxaad ka heleysaa warar ku saabsan fursadaha waxyaabaha wakhtiga firaaqada ah la sameeyo ee xaafadaada ka jira ee loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada, sida loola xiriiro ka fiiri af Finnish iyo af Ingiriis.

Goobta la talinta dalxiiska

Oulu waxaa ka jira fursado badan oo ah xagga waxyaabaha la sameeyo wakhtiyada firaaqada ah iyo weliba dhaqanka iyo xagga isboortiga. Talooyin iyo tilmaamo ku saabsan arrimaha la xiriira sida wakhtiga firaaqada ah loo qaato waxaad ka heleysaa goobta la talinta dalxiiska (matkailuneuvonta). Meeshaas waxaa yaalla qoraallo lacag la’aan loo qaybiyo oo ka hadlaya Oulu iyo waxyaabaha daawashada leh ee Oulu ku yaalla, khariidado magaaladda ah iyo khariidado ah jidadka baaskiil wadashada iyo jidadka bannaan socsocodka. Meeshaas waxaad kaloo ka heleysaa warar ku saabsan fursadaha safridda ee meelaha kale ee Finland.

Maalin walba waxyaabaha magaalada ka jira waxaa ugu fiican oo aad ka arkaysaa kalenderka dhacdooyinka (tapahtumakalenteri) af Finnish.

Goobta la talinta dalxiiska waad wici kartaa, ama E-mail baad u diri kartaa, ama waad tegi kartaa. Faahfaahin dheeraad ah ka fiiri magaalada Oulu boggeeda internetka af Finnish, af Iswiidhish, af Norwey, af Ingiriis iyo af Jarmal. Boggaga waxaad ka heleysaa qoraallo soo bandhigaya dalxiiska magaalada Oulu af Istooniyaan, af Faransiis, af Holland, af Jabaan, af Shiine iyo af Ruush (PDF).

Laybareeriga

Laybareeriyada Oulu waxyaa yaalla waxyaabo qoran iyo joornaallo ku qoran luuqado badan tobonyaal gaaraya. Laybareeriga waxaad ka amaahan kartaa buugaag, buugaagta hadal ahaanta loo duubay (äänikirja), joornaallo, muusig iyo filimo dvd ah.

Laybareerigu wuxuu kaloo qabanqaabiyaa booqashooyin ah qoraayaal iyo xogogaalyo imaanaya, bandhigyo (näyttely), kulamo qoraallada ah (kirjallisuuspiiri) iyo saacado sheekooyin ah. Waxyaabaha laybareeriga ka jira, kaarka laybareeriga iyo amaahashadu waa lacag la’aan. Sidoo kale laybareeriga si lacag la’aan ah ayaad uga geli kartaa internet.

Kaydadka macluumaadka (tietokannat) ee laybareeriga waxaad geli kartaa adigoo internetka isticimaalaya, shaqaalaha laybareerigana waad ka codsan kartaa inay kaa caawiyaan sidii aad ku heli lahayd waxyaabaha aad raadinayso. Sida loola xiriiro, kaydadka macluumaadka (tietokannat)iyo wakhtiyada uu furan yahay waxaad ka heleysaa laybareeriga boggagiisa shebekadda internetka af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Dhaqanka

Oulu waa magaalo dhaqameed firfircoon. Magaalada waxaa sannadka oo dhan ka furan tiyaataro, musiyamyo iyo bandhigyo. Waxaa jira kalaabyo badan oo laga tumo muusiga Rock iyo muusigyada madadaalada ah, dadka jecel muusigga kalaasiga ah waxay ku raaxaysan karaa, tusaale ahaan riwaayadaha kooxda Sinfooniyada Oulu (Oulun Sinfoniaorkesteri). Xagaaga dhacdooyinka bannaanka lagu qabto iyo riwaayadaha tiyaatarka xagaaga ayaa iyana dhinacooda wax kaga soo kordhiya waxyaabaha dhaqanka ah ee magaalada ka jira.

Aartiska soo jiri jirey (Perinteinen taide) waxaa sii dhammaystira waxyaabaha ah casriga cusub ee dhaqanka magaalada – dhaqanka ciyaarta (pelikulttuuri), aartiska filimada iyo saxaafadduna (elokuva- ja mediataide) waxay bannaanka u yaallaan si muuqata. Xarunta aartiska ee la yiraahdo Tietomaa-tiedekeskus ee loogu talagalay carruurta iyo dadka jecel waxyaabaha carruurtu jecel yihiin waxaad si xiiso leh wax ugaga ogaan kartaa cilmiga bini aadanka. Waxyaabaha dhaqanka ah ee reer Oulu ah waxay kaloo yihiin garaacidda kabanka hawada (ilmakitaran soitto) iyo koox fannaaneed ka kooban dad qayliya.

Waxyaabo dheeraad ah oo ku saabsan waxyaabaha dhaqanka ah ee magaalada ka jira, ka akhriso magaalada Oulu boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis. Warar ku saabsan waxyaabaha dhaqanka ah ee Oulu ka jira waxaad sidoo kale ka heleysaa boggaga internetka ee dalxiiska magaalada (kaupungin matkailusivut) af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Norwey iyo af Jarmal.

Dhaqdhaqaaqa iyo isboortiga

Magaalada Oulu waxay leedahay fursado dhinacyo badan ah oo dhaqdhaqaaq iyo isboorti samayn ah. Meelaha dhaqdhaqaaqyada isboortigu waxay ku yaallaan dhinacyada kala duwan ee magaalada. Magaalada Oulu waxay aktifiteetyo la hagayo ka bixisaa jiimamka, hoolalka berkadaha dabaasha iyo hoolalka jimicsiyada.

Magaaladu waxay daryeeshaa jidadka baaskiillada, jidadka lagu lugeeyo duurka, jidadka jirdhiska (kuntorata), meelaha berefka lagu socdo (hiihtolatu), xeebo lagu dabaasho, garoomada kubbadaha lagu ciyaaro iyo garoomada kabaha sibibaxa lagu socdo (luistelukenttä) iyo weliba meelo jiilaalka (wakhtiga berefka) lagu dabaasho. Oulu waxaa ka jira in ka badan boqol nooc oo isboortiska ah naadiyadooda, kuwaas oo waxqabad wadashaqayn ah la leh magaalada.

Meelaha dhaqdhaqaaqyada isboortiska waxaa u xilsaaran waaxda isboortiga ee Oulu (Oulun liikuntavirasto). Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan fursadaha dhaqdhaqaaqyada isboortiga ee Oulu waxaad ka heleysaa magaalada Oulu boggageeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.

Warar ku sabsan fursadaha noocyada kala duduwan dhaqdhaqaaqyada iyo isboortiga waxaad kaloo ka heleysaa bogga internetka ee bannaan u bixidda iyo dhaqdhaqaaqyada dalxiiska (matkailun ulkoilu- ja liikuntasivu) af Finnish, af Iswiidhish, af Norwey, af Ingiriis iyo af Jarmal.

Baaskiil wadasho

Oulu waxay leedahay shebekad jidadka baaskiilka ah oo ugu ballaaran Finland oo dhan. Dadka reer Oulu aad bay baaskiil u wataan, oo qaarkood xitaa sannadka oo dhan way wataan baaskiilka. Jidadka baaskiilku waxay kaloo ku haboon yihiin isticimaalka ku socodka kabaha shaagaga leh, dadka isticimaala ulaha lugayska (sauvakävelijät) iyo dadka sida fudud u orda (lenkkeilijät). Khariidadda jidadka baaskiil wadashada waxaad ka heleysaa goobta Oulu10, Torikatu 10.

Beeraha nasashada iyo deegaanka dabiiciga ah

Wadadda lugeyska ee bartamaha Oulu agteeda beeraha nasashada ja deegaanka badda ee u dhow baa lugayska ka dhigaya mid la jeclaysto. Deegaanka magaalada Oulu waxaa ku yaalla meelo suuragelinaya in deegaanka lagu dhex laguuyo, oo wadiiqooyin deegaanka dabiiciga ah oo diyaar ah leh. Meelaha lagu lugeeyo waxay leeyihiin meelo lagu nasto iyo meelo dabka lagu shito iyo weliba meelo sare oo la dhisay oo shimbiraha laga fiirsado (lintutorni ja lintulava). Meelo sida gaarka ah loogu badan yahay ee la tago waa kuwa bartamaha magaalada ku yaalla ee deegaanka beerta nasashada ee jasiiradaha Hupisaari (Hupisaarten puistoalue) iyo jasiiradda Hietasaari ee ah dhulbadeedka ah ee ku ag taalla adeegyada dalxiiska (Hietasaari).

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan deegaanka beeraha nasashada iyo deegaanka dabiiciga ah ee Oulu, waxaad ka fiirisaa magaalada Oulu boggageeda internetka (af Ingiriis). Khariidado iyo qoraallo soo bandhigid ah oo warqado lagu daabacay oo ku saabsan deegaanka dabiiciga ahwaxaad ka heleysaa iyagoo lacag la’aan ah goobta Oulu10, Torikatu 10.

Ugaadhsiga iyo kalluumaysiga

Wararka ku saabsan siday Oulu suuragal uga yihiin ugaadhsiga iyo kalluumaysigu, iyo weliba sida loo helo ogolaanshooyinka loo baahan yahay, waxaad ka fiirisaa magaalada Oulu boggageeda internetka (af Ingiriis).

Doomeysiga

Oulu waxay fursado badan oo doomeysi ah ka jiraan webiga Oulu (Oulujoki) iyo badda. Meelaha ay dekeduhu ku yaallaan iyo meelaha doomaha biyaha lagaga rido waxaad ka fiirisaa magaalada Oulu boggeeda internetka af Finnish iyo af Ingiriis.