Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Vantaa

Kulttuuri ja vapaa-aika Vantaalla

Dhaqanka iyo wakhtiyada firaaqada ah ee Vantaa gudeheeda

Kalenterka munaasabadaha ama dhacdooyinka ee ku jira bogga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar ku saabsanmunaasabadaha kala duduwan ee laga qabanqaabiyo magaalada dhinacyadeeda kala duwan af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada waxaa ku qoran warar ku saabsan waxyaabaha dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ah ee ka jira deegaanka magaalomadaxda.

Bangiga wararka boggiisa Dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada waxaa ku qoran warar ku saabsan fursadaha dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ee ka jira waddanka Finland.


Laybareeriyada

Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar ku saabsan adeegyada laybareeriga oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Meelaha lagala xiriiro laybareeriyada Vantaa oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Laybareeriyada ay leeyihiin magaalooyinka Helsinki, Espoo, Kauniainen iyo Vantaa waxay isku yihiin shebekad isku xiran oo loo yaqaan laybareeriyada HelMet (Helsinki Metropolitan Area Libraries) -. Laybareeriyada HelMet waxay leeyihiin adeeg shebekad ah oo ka dhexeeya, iyo xeerarka isticimaalkooda iyo qiimaha la bixiyo oo iyana ka dhexeeya oo isku mid ah.

Laybareeriyada HelMet oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Meelaha la soo arko ee Vantaa ku yaalla 

Boggaga internetka ee magaalada Vantaa ayaa laga waramayaa waxyaabaha ku saabsan meelaha la soo arko ee Vantaa ku yaalla, waxayna ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Muusimyada

Muusiyamka Artiska ee Vantaa (Vantaan taidemuseo) lacag la’aan baa lagu galaa. Bogga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Muusiyamka Artiska, faahfaahintuna waa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Bogga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar ku saabsan MusiyamkaMagaalada Vantaa (Vantaan kaupunginmuseo), wararkuna waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa kaloo laga waramayaa muusimyada kale ee Vantaa, waana af Finnish iyo af Iswiidhish.

Tiyatarada

Bogga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar ku saabsan tiyatarada Vantaa ku yaalla, wararkuna waa af Finnish.

Doon ku wadashada Vantaa gudeheeda 

Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar ku saabsan meelaha doomaha ee Vantaa ku yaalla, wararkuna waa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Kalluumaysiga

Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar ku saabsan kalluumaysiga, wararkuna waa af Finnish i yo af Ingiriis.

Isboortiga 

Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar ku saabsan adeegyada isboortiga af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Bogga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar lagaga waramayo ururada isboortiga (liikuntajärjestöt) af Finnish.

Waxaad kaloo fiirisaa Guriga ururada ee virtualka ah ee vantaalla.info boggiisa ururada isboortiga iyo naadiyada isboortiga af Finnish.

Isboortiga tababarka leh 

Bogga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar ku saabsan isboortiga tababarka leh af Finnish iyo af Ingiriis.

Hoolalka berkadaha dabaasha iyo meelaha dabaasha 

Hoolka berkadda dabaasha ee Korso waxaa Khamiisa ka jira wakhti loogu talagalay inay dumarka waddanka u soo guurey ku dabaashaan.

Hoolka berkadda dabaasha ee Korso, tel. (09) 8393 2229

Wararka ku saabsan hoolalka berkadda dabaasha Vantaa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Bogga isboortiga ee Vantaa (Vantaan liikunnan sivu) waxaa ku qoran warar ku saabsan meelaha dabaasha af Finnish.

Muusiga

Guriga riwaayadaha ee Martinus (Konserttitalo Martinus) af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Xarunta waxqabadyada noocyada kala duduwan leh ee Lumo (Monitoimikeskus Lumo)

Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar ku saabsan xarunta waxqabadyada noocyada kala duwan leh ee Lumo af Finnish.

Guriga waxqabadyada noocyada kala duwan leh ee Myyrmäkitalo

Boggaga internetka ee magaalada Vantaa waxaa ku qoran warar ku saabsan guriga waxqabadyada noocyada kala duwan leh Myyrmäkitalo af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Carruurta iyo dhallinyarada 

Guriga artiska ee carruurta ee Pessi (Lasten taidetalo Pessi) af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Guriga artiska ee carruurta ee Toteemi (Lasten taidetalo Toteemi) af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Guriga dhaqanka iyo waxqabadyada noocyada kala duwan leh ee carruurta iyo dhallinyarada ee Vernissa (Lasten ja nuorten kulttuuri- ja monitoimitalo Vernissa) af Finnish.