Kulttuuri ja vapaa-aika Kauniaisissa
Dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ah ee Kauniainen gudeheeda
Kauniainen waxay leedahay adeegyo badan oo xagga dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ah. Magaalada waxaa ku yaalla macadka muusiga iyo iskuulka artiska sawirka lagu barto. Kauniainen gudeheeda waxaa suuragal ah in la sameeyo noocyo kala duduwan oo isboortiga iyo jimicsiyada ah. Warar ku saabsan adeegyada isboortiga oo af Finnish iyo af Iswiidhish ah.
Waaxda dhaqanku (Kulttuuritoimi) waxay soo saartaa adeegyada dhaqanka oo loogu talagalay dadka da’aha kala duwan ah. Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish iyo af Iswiidhish ah waxaad ka heleysaa boggaga shebekadda internetka ee qaybta adeegyada dhaqanka.
Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada waxaa ku qoran warar ku saabsan waxyaabaha dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ah ee ka jira deegaanka magaalomadaxda.
Bangiga wararka boggiisa Dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada waxaa ku qoran warar ku saabsan fursadaha dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ee ka jira waddanka Finland.
Laybareeriga
Laybareeriga magaalada Kauniainen waxaa laga helaa adeegyada laybareeriga oo luuqado badan ah, wuxuuna ka mid yahay adeega laybareeriga ee HelMet ee ka dhexeeya magaalooyinka deegaanka magaalomadaxda.
Laybareeriga Kauniainen waxaa yaalla kombiyuutarro lacag la’aan ah oo loogu talagalay, inay dadka macaamiisha ah isticimaalaan.
Laybareeriga magaalada Kauniainen (Kauniaisten kaupunginkirjasto)
Thurmaninaukio 6
02700 Kauniainen
Wuxuu furan yahay Isniin, Talaado, Khamiis saacadaha u dhexeeya 10-20, Arbaco saacadaha 13-20, Jimce saacadaha10-16, Sabti saacadaha 10-15
Tel. (09) 505 6401
Agagaarka bartamaha Kauniainen wuxuu leeyahay internet fiilo la’aan ah oo dadka oo dhan loogu talagalay oo la isticimaali karo, iyadoo laysku diwaangelinayo aqoonsiga martida loogu talagalay. Aqoonsiga martida waxaa laga helaa guriga maamulka ee magaalada (kaupungintalo), laybareeriga iyo ganacsiyada bartamaha magaalada ku yaalla.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan laybareeriga magaalada Kauniainen oo af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Meelaha la soo arko iyo deegaanka dabiiciga ah
Boggaga internetka ee magaalada waxaa ku qoran warar af Finnish iyo af Iswiidhish ah oo ku saabsan magaalada iyo meelaha la soo arko. Boggaga waxaa kaloo ku qoran warar af Finnish iyo af Iswiidhish ah oo ku saabsan deegaanka dabiiciga ah iyo meelaha ah deegaanka dabiiciga ah ee la badbaadiyo (luonnonsuojelukohteet).
Kalluumaysiga Kauniainen gudeheeda
Warta keliya ee ku taalla Kauniainen ee la yiraahdo (Gallträsk) waa loo fasaxan yahay, in looga kalluumaysto iyadoo la isticimaalayo nooca kalluumaysiga ee maqaasha kalluunka lagu dabanayo iyo iyadoo xilliga berefka la dalooshanayo god laga kalluumayso (pilkillä). Magaalada deriska ah ee Espoo ayaa waxay leedahay meelo badan oo laga kalluumaysto. Faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish,
af Iswiidhish iyo af Ingiriis waxaad ka heleysaa boggaga internetka ee magaalada Espoo.
Isboortiga tababarka leh
Bogga shebekadda internetka ee magaalada Kauniainen waxaa ku qoran warar af Finnish iyo af Iswiidhish ah oo ku saabsan isboortiga tababarka leh.
Hoolalka berkedaha dabaasha
Kauniainen waxay leedahay hool berkedaha dabaasha ah. Wararka ku saabsan adeegyada iyo wakhtiyada uu hoolka berkadaha dabaashu furan yahay waxaad iyagoo af Finnish iyo af Iswiidhish ah ka heleysaa boggaga internetka ee waaxda isboortiga.
Waxqabadyada arrimaha dhallinyarada
Waaxda arrimaha dhallinyarada ee Kauniainen waxay guriga dhallinyarada (nuorisotalo) ku qabanqaabisaa waxqabadyo iyo madadaalooyin kala duduwan oo dhallinyarada loogu talagalay. Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish iyo af Iswiidhish ah.