Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Espoo

Kulttuuri ja vapaa-aika Espoossa

Dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ah ee Espoo gudeheeda

Espoo waa magaalo dhaqameed leh madadaalo iyo wax allifaad. Espoo gudeheeda waxaad ku arki kartaa dhacdooyinka yar yar ee deegaanka loogu talagalay iyo dhacdooyinka waaweyn ee dhaqanka ee dadka badan ee daawadayaasha ah loogu talagalay. Espoo waxay kaloo leedahay adeegyo dhaqanka ah oo dhaqamada kala duduwan ah .

Boggaga internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada dhaqanka ee xaafad walba leedahay wararku waa af Finnish.

Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada waxaa ku qoran warar ku saabsan waxyaabaha dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ah ee ka jira deegaanka magaalomadaxda.

Bangiga wararka boggiisa Dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada waxaa ku qoran warar ku saabsan fursadaha dhaqanka iyo wakhtiga firaaqada ee ka jira waddanka Finland.

Laybareeriga

Laybareeriyada Espoo waxaa yaalla buugaag iyo joornaallo ku qoran luuqado badan oo tobanyaal gaaraya . Laybareeriyada waxaa kaloo ka jira munaasabado dhaqamada kala duduwan ah, saacado sheekooyinka carruurta ah iyo riwaayadaha boombalayaasha oo luuqado kala duduwan ah.

Laybareeriyada Espoo ku yaalla af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Meelaha la soo arko iyo deegaanka dabiiciga ah

Espoo Guide waa qoraal ka sheekaynaya waxyaabaha wakhtiga firaaqada iyo dalxiiska ee Espoo . Qoraalku (esite) isagoo af Finnish iyo af Ingiriis ah waxaad ka heleysaa boggaga internetka ee Dalxiiska Espoo (Espoon Matkailu).

Wararka ku saabsan meelaha dalxiis ahaan loo soo fiirsado ( nähtävyykset) iyo dhammaan waxyaabaha dalxiiska la xiriira ee Espoo waxaad ka heleysaa boggaga internetka ee shirkadda Dalxiiska Espoo (Espoon Matkailu Oy), wararku waa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Muusimyada

Espoo waxaa ku yaalla noocyo badan oo muusiyamyo ah . Boggaga internetka ee Dalxiiska Espoo (Espoon matkailu) waxaa ku qoran warar ku saabsan muusiyamyada ku yaalla Espoo oo af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah.

Tiyaatarada

Wararka af Finnish ah oo ku saabsan Espoo tiyaataradeeda borofishanka ah, tiyaatarada hiwaayadda ah iyo tiyaatarada carruurta .

Muusiga

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran warar ku saabsan Kooxda muusiga ee magaalada Espoo (Espoon kaupunginorkesteri), wararku waa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis. Boggaga internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran warar af Finnish ah oo ku saabsan festifaallada muusiga ee Espoo.

Filinka

Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran warar ku saabsan hawlaha filimada ee Espoo, wararku waa af Finnish iyo af Iswiidhish.

Doon wadashada Espoo gudeheeda

Wararka ku saabsan doon ku wadashada Espoo gudeheed oo af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah.

Kalluumaysiga Espoo gudeheeda

Boggaga internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran warar af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah oo ku saabsan kalluumaysiga.

Isboortiga

Boggaha magaalada Espoo waxaad ka hele warbixin ku saabsan jaanis oo aad ku jimicsatid af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis . Espoo wexey leedahay bogyaal oo qaas u ah qaxootiga af Finnish .

Boggaga shebekedda internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran warar af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah oo ku saabsan meelaha isboortiga ee magaalada Espoo, waxaa kaloo ku qoran warar af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah oo ku saabsan meelaha bannaan ahaan la soo joogjoogo (ulkoilu).

Isboortiga tababarka leh

Boggaga shebekedda internetka ee magaalada Espoo waxaa ku qoran warar af Finnish ah oo ku saabsan isboortiga tababarka leh.

Diwaanka naadiyada waxaad ka heleysaa warar ku qoran af Finnish oo ku saabsan noocyada isboortiga iyo dadka naadiyada ka socda ee lala xiriiro.

Hoolalka berkadaha dabaasha iyo xeebaha dabaasha

Wararka ku saabsan hoolalka berkadaha dabaasha oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Wararka ku saabsan xeebaha dabaasha oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Xilliga jiilaalka (winter) waxaa la dabaalan karaa iyadoo meelaha biyaha ah ee barafoobey inta la dalooloiyo biyaha hoose la galo (avantouinti). Wararka ku saabsan meelaha jiilaalka lagu dabaasho oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.