Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Ku soo dhawow Finland

Tervetuloa Suomeen

Sababta aad boggagan u soo gashay waxay tahay, waxaad ku tala jirtaa inaad Finland u soo guurto ama Finland waad u soo guurtey oo waad joogtaa.

Bangiga wararka waxaad ka heleysaa macluumaad aasaasi ah oo ku saabsan bulshada Finnishka ah iyo dhaqankeeda  (Ku soo dhawow Finland), Waxyaabaha ku saabsan noocyda ogolaanshaha ah ee loo baahan yahay si uu qofku Finland u degenaan karo  (Arrimaha sharciyada), arrimaha ku saabsan helitaanka guri (Deggenaanshaha), arrimaha ku saabsan barashada luuqadda Finnishka (Luuqadda Finnishka), waxyaabaha ku saabsan shaqada iyo hawlaha ganacsiga (Shaqada), waxyaabaha ku saabsan waxbarashada (Waxbarashada), waxyaabaha ku saabsan daryeelka caafimaadka (Caafimaadka), waxyaabaha ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada (Adeegyada arrimaha bulshada), caawimo hadday jiraan xaalado dhibaato khatar ah leh (Xaaladaha dhibaatooyinka), waxyaabaha ku saabsan adeegyada dhaqanka iyo wakhtiyada firaaqada ah (Dhaqanka iyo wakhtiyada firaaqada ah) iyo waxyaabaha ku saabsan waxqabadyada ururada (Ururada) Finland gudeheeda iyo weliba meelaha kale ee kuu gudbinaya boggaga aad ka heleyso faahfaahin dheeraad ah.

Ku soo dhawow!

Boggaga ku soo dhawow Finland waxaad ka heleysaa warar ku saabsan waxyaabaha aad u baahan tahay, markaad Finland u soo guureyso. Waxaad sidoo kale ka heleysaa macluumaad aasaasi ah oo ku saabsan Finland, bulshada Finnishka, taariikhda, siyaasadda iyo maamulka Finland, wadooyinka iyo gaadiidka, diinta, caadooyinka Finnishku leeyihiin iyo weliba hay’adaha muhiimka ah ee maamulka dowladda.

Warar noocee ah baad u baahan tahay?

Finland ma waxaad u imaanaysaa waxbarasho?

Finland ma waxaad u imaanaysaa shaqo?

Finland ma waxaad uga soo guureysaa waddan kale oo ka tirsan waddamada Midowga Yurub (EU-maa)?

Finland ma waxaad ku timid qaxootinimo mise halkan baad magangelyo ka codsatay?

Markaad Finland u soo guurto, waxyaabahan ayaad marka  horey u baahan tahay

  • Sharciga joogidda waddanka (oleskelulupa). Haddii aad rabto inaad Finland ka shaqaysatid, waa inaad haysataa sharciga lagu shaqaysto (työlupa). Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga Arrimaha sharciyada ee bangiga wararka.
  • Guriyaha. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga Deggenaanshaha.
  • Lambarka aqoonsiga (henkilötunnus) waxaa bixiya xafiiska diiwaangelinta. U tag xafiiska diiwaangelinta ee degmada aad deggan tahay. Xafiiskaas ayaa inaad qof waddanka deggan tahay kuu diwaangelinaya. Isla markaana waxaad heleysaa lambarka aqoonsiga. Hore u sii qaado baasaboorkaaga iyo sharciga aad waddanka ku joogto. Haddii aad xaas tahay, waxaad u baahan tahay shahaadada nikaaxa. Haddii aad carruur leedahay, waxaad u baahan tahay shahaadadooda dhallashada.
  • Kaarka caymiska caafimaadka (Kela-kortti) waxaa bixisa Hay’adda caymiska caafimaadka qaranka oo loo yaqaan (Kela = Kansaneläkelaitos). Kaarka caymiska caafimaadku wuxuu caddaynayaa, inaad xaq u leedahay kaalmooyinka daryeelka bulshada ee Finland. Kaarka caymiska caafimaadka waxaa lagu siinayaa, haddii aad Finland si joogto ah u deggan tahay. Qof kasta oo Finland u soo guura waxaa la siiyaa go’aan ku saabsan daryeelka bulshada. Go’aanka waxaa bixiya xafiiska Hay’adda caymiska caafimaadka qaranka ee degmada uu qofku ka tirsan yahay. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kaarka caymiska caafimaadka waxaad ka heleysaa boggaga Hay’adda caymiska caafimaadka qaranka.
  • Kaarka canshuurta (verokortti) waxaad ka heleysaa xafiiska canshuuraha (verotoimisto). Markaad kaarka canshuurta dalbanaysid, waxaa lagaaga baahan yahay lambarka aqoonsiga ama lambar aqoonsi oo ku meelgaar ah oo aad xafiiska diwaangelinta ka soo qaadanaysid. Bangigan wararka boggagiisa canshuuraha (Verotus) ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida uu kaarka canshuurtu Finland uga shaqeeyo.
  • Koontada bangiga (pankkitili). Sida caadiga ah qofka mushaharkiisa waxaa loogu soo shubaa bangiga. Soo ogow adeegyada ay bixiyaan bangiyada kala duwani. Waxaa jira siyaabo kala duduwan oo biilalka loo bixiyo (otomaatiga bangiga, internetka, telefoon iwm.). Markaad rabto inaad bangiga koonto ka furato, waxaa lagaaga baahan yahay baasaboor ama dukumeenti aqoonsi ah oo kale oo sharci ah. Hadda waxaa xittaa la oggol yahay baasaboorka qaxootiga (muukalaispassi) inuu dukumeenti aqoonsi ah ku noqdo. Faahfaahin dheeraad ah oo mawduuca ku saabsan
  • Lambar telefoon dhakhso u samayso. Waddankan Finland telefoonku waa qalab aad muhiim u ah oo layskula xiriiro. Soo ogow adeegyada ay bixiyaan shirkadaha telefoonada ee kala duduwan. Wakhtiga telefoonka lagu hadlo qiimahiisa shirkaduhu aad bay u kala qaalisanaan karaan. Waxaa jiro seddax shirkado telefoon oo Finland ka baxsho adeegyada mobile’ka: Shirkadda Mobile'ka Sonera, Adeegyada Telefoonka Mobile'ka Elisa  iyo Shirkadda Finnet. Waxaa kuwaas dheeraad u ah, shirkadda telefoonka ka shaqeeyo Jasiiradaha Aland oo ah Ålands Mobiltelefon. Iminka, shirkadaha mobile’ka GSM waxay daboolaan dhammaan dalka Finland.

Bogagga Hay’adda Macmiilka, waxaa ku yaalo liiska dukaamaha shirkadaha telefoonka oo ku qoran af Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.

  • Waxaa suuragal ah inaad baratid af Finnish ama Iswiidhish. Finland waxay leedahay laba luuqadood oo sharci ah – Finnish iyo Iswiidhish. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga luuqadda Finnishka iyo Iswiidhishka ee bangigan wararka.
  • Laysinka baabuurta (ajokortti) oo Finland ka soconaya. Laysinada waddamada kale laga qaatay sharciyadoodu way kal duduwan yihiin. Sida caadiga ah laysinka waddan kale laga soo qaatay waa in lagu beddeshaa laysanka Finland hal sano gudeheed oo ka bilaabanaya markuu qofku waddanka soo galay. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan laysinka baabuurta waxaad ka heleysaa boggaga booliska oo ku qoran af Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis. Wararka ku saabsan adeegyada kale ee booliska Finland laga helo waxaad ka heleysaa bogga Booliska ee bangiga wararka.
  • Warar ku saabsan rugta caafimaadka (terveysasema) ee kuugu dhow. Rugta caafimaadku waa meesha ugu horaysa aad la xiriireyso haddii aad xanuunsatid. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka ee Finland waxaad ka heleysaa boggaga Caafimaadka ee bangiga wararka.
  • La xiriirida waddankaagii. Farankaboolooyinka waxaa Finland lagu iibiyaa boostada, kioskiyada iyo dukaamada qaar.Dalka Finland kuma yaalaan meelo shacbiga telefoonka ka dirtaan. Hal xulasho waa in la helo isku xir telefoon oo lacagtiisu horey loo baxshey ama kaadhka telefoonka. Kuwaani waxaa laga iibiya R-kiosks. Markii aad dibedda ka waceyso Finland, is bar-bardhig qiimaha wicitaanka. Waxaad baran kartaa koodhka dibedda lagu waco adigoo akhrinaayaa maqaalka Wikipedia ee ku qoran af Finnish.Telegaraamyada iyo faksiyada waxaa laga dirsan karaa xafiisyada boostada, waana lacag. Maktabadaha degmooyinka waa suuragal in aad ka isticimaashid internetka oo lacag la’aan ah, waxaadse u baahan tahay kaarka maktabadda. Waxaa kaloo jira maqaayado badan oo leh mishiino internet leh.

    Haddii aad rabtid inaad la xiriirtid qof ehelkaaga ah oo aadan meel ku ogeyn, waxaad warar dheeraad ah weydiin kartaa Ururka Laanqayrta Cas ee Finland qaybta u qaabilsan raadinta dadka. Bogagga internetka waxay macluumaad ku qabaan luqadahaan: Finnish, Ingiriis, Iswidhish, Faransiis, Soomaali, Carabi, Isbaanish, Farsi, Burtuqiis iyo Ruush. Ururka Laanqayrta Cas iyo Ururka Bisha Cas waxay ururiyaan fariimaha iyo dadka ayeey u kala gudbiyaan in ka badan 170 waddan.
  • Waxaa jira dad badan oo raba inay ogaadaan, meesha ay ku raaci karaan diintooda. Faah-faahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga Diimaha Finland gudeheeda wuxuu ku qoran yahay af Finnish.
  • U soo guuridda waddan cusub oo wax waliba ay sidaad taqaaney ka duwan yihiin, ma sahlana. Barashada luuqaddu waa talaabo muhiim u ah xagga la qabsashada waddanka (kotoutuminen). Aqoontu luuqaddu waxay kaloo kaa caawinaysaa inaad fahanto bulshadan cusub ee aad u timi. Finland waxay leedahay fursado badan oo waxbarasho. Aqoonta luuqadda iyo shahaadada xirfadu way ku caawinayaan markaad raadsanayso shaqo.

Boggaga Expat Finland waxaa ku qoran warar af Ingiriis ah oo ku saabsan u soo guuridda Finland.

Finland gudeheeda waa lagu taageerayaa si aad waddanka ula qabsato

Finland waxaa ka jira sharci la yiraahdo sharciga la qabsaashada waddanka. Sharcigu wuxuu dhigayaa, in qofka waddanka u soo guurey uu xaq u leeyahay qorshe u gaar ah oo uu waddanka kula qabsado. Qorshuhu wuxuu saameeyaa saddexda sano ee ugu horeeya, markuu qofku Finland yimaado ka dib. Ujeeddada qorshaha la qabsashada waddanku waa, in dadka laga caawiyo siday waddanka u fahmi lahaayeen. Qorshaha waxaa ka mid noqon kara tusaale ahaan koorsooyin luuqadda Finnishka ah.

Qorshaha waxaa lala sameeyaa shaqaalaha xafiiska shaqada oo xafiiska shaqadaa lagu sameeyaa ama waxaa lala sameeyaa shaqaalaha bulshada oo xafiiska bulshada  lagu qabto. Boggaga wasaaradda arrimaha gudaha waxaad ka heleysaa warar ku saabsan sharciga la qabsashada waddanka iyo meelo kale ood wararkan ka heleysid. Faah-faahin kale oo mawduucan ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga Opintoluotsi.


Boggaga wasaaradda arrimaha gudaha waxaad ke heleysaa macluumaad ku saabsan sida qorshaha la qabsashada waddanka loo sameeyo oo ku qoran luuqadahan soo socda:

Soomaali
Finnish
Ingiriis
Faransiis
Ruush
Serbokroati
Farsi
Kurdi
Carabi
Albaaniyaan

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan u soo guuridda Finland

Boggaga wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ku yaalla tilmaame la yiraahdo Koti Suomessa -opas, oo ay ku qoran yihiin warar loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey oo ku saabsan degganaanshada, waxbarashada iyo daryeelka arrimaha bulshada, wuxuuna ku qoran yahay luuqadahan soo socda:

Soomaali
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Faransiis
Ruush
Serbokroati
Farsi
Kurdi
Carabi
Albaaniyaan
Fiitnaam
Dari
Istooniyaan
Finnish fudud (Finnish)

Boggaga Wasaaradda shaqada, wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ku yaalla tilmaame la yiraahdo Koti Suomessa -opas, oo ay ku qoran yihiin warar loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey oo ku saabsan deggenaanshada, waxbarashada iyo daryeelka arrimaha bulshada, wuxuuna ku qoran yahay luuqadahan soo socda:

Soomaali
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Faransiis
Ruush
Serbokroati
Farsi
Kurdi
Carabi
Albaaniyaan
Fiitnaam
Dari
Istooniyaan
Finnish fudud (Finnish)

Buug-yareyaal ku saabsan badbaadada bulshada ee Kela: buug-yareyaalka ku qoran luqada fudud kuna saabsan U Guuridda Finland ama Ka Gurida Finland iyo Tegidda Dibedda waxay ku qoran yihiin af Finnish iyo buug-yaraha U Guuridda Finland waxaa lagu heli karaa af Ingiriis iyo Ruush.

Keenidda dalka xayawaanada guriga lagu rabaayadeysto

Haddii aad qabtid xaxayawaan guriga lagu rabaayadeysto iyo rabtid inaad keento dalka Finland, waqti fiican u qaado si aad u barato sharuudaha loo baahan yahay inaad raacdo. Finland wuxuu raacaa tilmaamaha uu soo saarey Wasaaradda Beeraha iyo Dhirta. Waxaad tilmaamaha ugu casriyeysan ka heli kartaa bogagga Xukumada Nabadgelyada Cuntada ee Finnishka oo ku qoran af Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.

Adeegga telefoonka Finfo ka wac 0207 401 160

Adeegga telefoonka Finfo  ee Ururka Qoyska  waxaad weydiin kartaa talo ku saabsan dhammaan xaaladaha xiriir la leh u guurida Finland, waxay ku hadlaan af Finnish, Ingiriis, Faransiis iyo Carabi, Talaado ilaa Jimco 10-15 iyo af Ruush 12-15.